Maxaad ka taqaanaa wadanka Combodia? Qaybtii 1-aad
Cambodia ama boqortooyada kamboodiya waa wadan dhaca koonfur bari Eshiya wadankaan waxaa ka talin jiray qarniyadii 10aad iyo 13aad boqortooyo lagu magacaabi jiray Khamer taa oo dagaal ba’an la gashay boqrtooyadii siam oo hada looyaqaan Thailand iyo wadanka Vietnam.
Sanadihi 1863kii boqorka kamboodiya markii awoodiisa uu arkay in eey sii liiceyso ayuu maciin biday in uu wadanka hoos geeyo gumeystihii Faransiiska si uu uga badbaado kacdoono badan ee ka heystay wadamada dariska iyo dalka gudihiisaba.
Badka ay ku fadhiso isku geeyntooda waa 181,040 sq km(Dhul : : 176,520 sq km Bad4,520 sq km).
Cambodia waxa ay xuduud la leedahay : Laos 541 km, Thailand 803 km, Vietnam 1,228 km.
Dhaqaalaha waadanka ayaa ku tiirsan dhoofinta Gaska dabiiciga, Timberka, rice, rubber iyo biraha.
Cimalada wadanka ayaa ah mid kulul inkastuu roobku yimaado xiliga mansoonka bilaha (May ilaa November) inkastuu jilaal daran jiro bilaha (December ilaa April) inkasta oo ay dhacaan fatahaado badan bilaha (June to November).
Wadanka waxaa dib u dhigay dagaalo daba dheeraaday inkastoo xal laga gaaray sanadkii 1993kii isla sanadkaasna lagu guuleeystay in uu wadanka yeesho dastuur loo dhanyahay wadanka iyo dadkaba lagu dhaqo sidaasna lagu kala dambeeyo.
Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa 13,607,069 warbixintii ka soo baxday Qaramada midoobe sanakii (July 2005).
Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxa eey da’dooda u dhaxeysaa sidan:
0-14sano: 37.3% (lab 2,559,734/dhadig 2,510,235)
15-64sano: 59.7% (lab3,887,642/dhadig 4,232,313) \65sano iyo kaweyn :3.1% (lab 150,862/dhadig 266,283)
Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan oo kala ah: Khmer 90%, Vietnamese 5%, Chinese 1%, other 4%
Diimaha wadanka laga caabudo ayaa sidaa u badneen waxaana ugu awooda badan ama dadka badankii ay heystaan diinta Theravada Buddhist 95%, iyo other 5% kuwaa oo iskugu jira muslimiin kirishtaan iyo kuwo aan wax caabudin. Caasimada wadanka waa Phnom Penh.
Wadanka waxa uu xurnamidisa qaatay sanadkii 9 November 1953 waxa uuna ka xuroobay gumestayaashii reer Fransa.
Lacagta wadanka laga isticmaalo waa riel waxana loo soo gaabiyaa (KHR). Halkii US dollar waxa uu u dhiganmaa 4,013 riel (KHR).
Wadanka waxaa kajira xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan kuwa ugu muhimsana waa Cambodian Pracheachon Party (Cambodian People's Party) ama CPP [Godoomiyaha CHEA SIM]; National United Front for an Independent, Neutral, Peaceful, iyo Cooperative Cambodia ama FUNCINPEC [Gudoomiyaha Prince NORODOM Ranariddh]; Sam Rangsi Party ama SRP [Gudoomiyaha SAM RANGSI]
Cambodia eey xubin katahay qaramada midoobe sidoo kalana waxa eey xubin katahay ururadan: (ACCT, APT, ARF, AsDB, ASEAN, FAO, G-77, IBRD, ICAO, ICCt, ICRM, IDA, IFAD, IFC, IFRCS, ILO, IMF, IMO, Interpol, IOC, IOM, ISO (subscriber), ITU, MIGA, NAM, OPCW (signatory), PCA, UN, UNCTAD, UNESCO, UNIDO, UPU, WCO, WFTU, WHO, WIPO, WMO,WTO).
La-soco Arbacada danbe iyo Wadanka Malaysia.
Soo-saaraha Caaqil Anwar Diini
isku duba-ridaha Wariye Xasan Cabdi Xersi
gacal053@hotmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment