Barnaamijka Kororso Aqoontaada: Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qaybtii 1-aad

Text Size

Waa Barnaamij Cusub oo aan ugu tala galnay iney ka faa’ideystaan Akhritayaasheyna Sharafta leh, Barnaamijkqan waxaan soo daabici doonaa maalin walbo oo Jimca ah Insha Allah, waxaana soo diyaarinta barnaamijkaan garab buuxda inaga siiyey Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada, kuwaasow fadhigoodu yahay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.

Akhristayaal maantana ku soo dhawaada Qeybtii Koowaad.

1-Su’aal Sheeg inta jeer ee suuratul Baqara lagu sheegay
Magaca Allaah?

1-Jawab: Waxaa lagu sheegay 282 Jeer.

2-Su’aal Sheeg inta jeer ee Qur’aanka lagu sheegay magaca Nebi Muuse Cs?

2-Jawab: Waxaa lagu sheegay 113 Jeer.

3-Su’aal Sheeg Qofkii ugu horeeyey ee isagoo Jihaad ku jira ka dagaalama Faras dushiisa?

3-Jawab: Wuxu ahaa Miqdaad Ibnu Caamir Rc.

4-Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc?

4-Jawab: Waxay ka wariyeen 281 Axaadiis

5-Su’aal Sheeg sanadkii uu Shahiiday Asxaabigii la-oran jiray Muscab Bin Cumeyr Rc?

5-Jawab: Wuxu shahiiday Sanadkii seddexaad (3-aad) ee Hijriyada.

6-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Islaam-ka oo ku dalaamay Leeb?

6-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.

7-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee soo saaro Sabuunta lagu qubeesto?

7-Jawab: Wuxu ahaa Nebi Suleymaan Cs.

8-Su’aal Sheeg yaa u qaada jirka Oxygen-ka iyo Nafaqada?

8-Jawab: Waxaa u qaada Dhiiga.

9-Su’aal Sheeg waa imisa lafaha hadalka loo adeegsado?

9-Jawab: Waa 44 lafood.

10-Su’aal Sheeg qanjirka ugu weyn Bili’aadanka

10-Jawab: Waa beerka.

11-Su’aal Sheeg Qudrada Imisa ayaa biyo ah?

11-Jawab: Waxa biyo ah 20%. Boqolkiiba Labaatan.

12-Su’aal Sheeg tirade dowladaha aan Badda laheyn?

13-Jawab: Waa 26 dowladood.

14-Su’aal Sheeg dhererka Badda Cas?

14-Jawab: Waxaa weeye 2240 km.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: kadis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia

[ Qaybtii 1-aad ] [ Qaybtii 2-aad ]
Posted In

Post new comment