Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada

Text Size

Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

1-Su'aal Sheeg kumuu ahaa Gabyaagii Rasuulka (NNKH).

1-Jawab: Wuxu ahaa Xasaan Binu Thaabit Rc.

2-Su'aal Sheeg imisa sano ayey Dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ahayd?

2-Jawab: Mudo saddex sano ah (3 sano).

3-Su'aal Sheeg kuwii Islaamka ugu horeeyey ee Muhaajiriin
ah ?

3-Jawab: Waxay kala ahaayeen, 1-
Hooyo Khadiijo Bintu Khuweylad rc, 2- Cali Bin Abii Daalib rc, 3-Abuu-bakar rc,
4-Sayid Binu Thaabit rc, 5- Cusmaan Bin Cafaan rc, 6-Subeyr Bin Cawaam rc, 7-
Cabdi Raxmaan Bin Cowf rc, 8- Sacad Bin Abii waqaas rc, 9-Dalxa Bin Cubeydillah
rc,

4-Su'aal Sheeg ninkiii ugu horeeyey ee Islaanimo ku
shahiida?

4-Jawab: Wuxu ahaa Camar Bin Yasir
rc,

5-Su'aal Sheeg Gabadhii ugu horeesay
ee Islaanimo ku Shahiida?

5-Jawab: Waxay ahayd Sumeya Rc,

6-Su’aal Sheeg Markii ay Muhaajiriinta u haajireen Xabasho,
Kufaartii Qureysh waxay ka daba diren Labo Nin,Si'ay Boqorka hadiyad ugu
geeyaan, Muhaajiriintana Gacantooda loo-soo geliyo, Hadaba sheeg labadaas Nin
magacyadooda?

6-Jawab: Waxay kala ahaayeen Cumar
Bin Caas, iyo Cabdullaahi Bin abii Raabica.

7-Su'aal Sheeg goormuu soo Islaamay
Xamza Bin cabdil Mudalib Rc?

7-Jawab: Wuxu soo Islaamay sanadkii
lixaad ee Nabinimada. Nabiga (NNKH) oo 6 sano Nebi ah ayuu soo islaamay xamza.
Sidoo kale sanadkaan waxaa soo islaamay Cumar bin Khadaab.

8-Su'aal Sheeg Xamza RC iyo Cumar bin
khadaab imisa maalmood ayay kala danbeeyeen soo galitaanka Diinta Islaamka .

8-Jawab: Waxay kala danbeyeen saddex
maalmood (3 maal-mood).

9-Su'aal Sheeg goormay dhacday
hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina?

9-Jawab: Waxay dhacday 29-kii bishii Safar sanadkii
14-aad ee Bicthada.

10-Su'aal Sheeg markii Nebiga (NNKH) uu madiina u
hijroonaayey kumuu ahaa asxaabigii la socday?

10-Jawab: Waxa la socday asxaabikiisii Godka= Waa
abuu-bakar Sidiiq (RC).

11-Su'aal Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan ?

11-Jawab: Ciidaanka caalamka ugu tirada badan waa
ciidanka Shiinaha (China).

12-Su'aal Sheeg ciidaanka caalamka
ugu awooda badan?

12-Jawab: ciidanka caalamka ugu awooda badan waa
ciidanka u.s.a, united
states of America.

13-Su'aal Sheeg warshada Sonkorta
isnaay oo ku taalo magaalada jowhar sanadkii la-aas-aasay?

13-Jawab: Waxaa la-aas-aasay sanadkii
1925-tii

14- Su'aal Sheeg magaalada kaliya ee
Soomaaliya bariiska ka baxo?

14-Jawab: Waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellada
Dhexe.

15-Su'aal Sheeg bariiska ka baxa
magaalada Jowhar magaca loo-yaqaano?

15-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Bariis Baaroow.

16-Su'aal Sheeg abwaanka weyn ee Soomaaliyadeed
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) sanadkii uu dhashay?

16-Jawab: Wuxuu dhashay sanadkii 1943-kii

17-Sheeg sanadkii ay Jabuuti
xurnimada qaadatay?

17-Jawab: Waxay qaadatay 27 june 1977.

18-Su'aal Sheeg shimbirka shimbiraha ugu xoogga badan?

18-Jawab: Waa Shimbirka loo-yaqaano
Gorgorka.

19-Su'aal Sheeg Libaaxa yar ee ilmaha ah magaca loo-yaqaan?

19-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Caga-baruur.

20-Sheeg Sanadkii la qoray farta
Soomaaliga?

20-Jawab: Waxaa la qoray 12 october 1972.

Dhex-taal
Gaaban.

Ogeysiis.

Haddii aad tahay
qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha
badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud,
la-xiriir baashi053@hotmail.com
si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan
qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah.

Haddii aan dib idin xusuusino lix-dii Su’aaladood ee aan
idin-weydiinay jimcihii la-soo dhaafay waxay kala ahaayeen”

1-Su’aal Sheeg Magaca Dhaqtaradii
ugu horeysay ee Islam-ka?

2- Su’aal Sheeg sanadkii uu dhintay Salaxudiin
Yuusuf Bin Ayuub? Imisa sano jir buuna ku geeriyooday?

3-Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cabaas Rc Imisa Axaadiis ayuu ka
wariyey Nebiga (NNKH)?

4-
Su’aal Sheeg waa imisa lafaha hadalka loo adeegsado?

5- Su’aal Sheeg Qudrada
Imisa ayaa biyo ah?

6- Su’aal Sheeg
dhererka Badda Cas?

Jawaabaha waxay kala
yihiin”

1-Jawab: Rufeydah
Bintu Sacad Rc.

2-Jawab: Wuxu
dhintay 1197, wuxuuna jiray 60 sano oo gaw ah.

3-Jawab: Wuxu ka
wariyey 1660 Axaadiis.

4-Jawab: Waa 44
lafood.

5-Jawab: Boqolkiiba 20 (20%).

6-Jawab: Waxa weeye 2240 km.

Akhristayashayada qiimaha iyo qaayaha lahow ku soo dhawaada
lix-dii Su'aaladood iyo jimcaha soo socda. Adingoo isticmaalaaya maskax degan, waayo
Su'aalaha aan idin weydiin doono waxay la-socdeen casharadii hore.

1-Su’aal Sheeg inta
jeer ee suuratul Baqara lagu sheegay Magaca Allaah?

2-Su’aal Sheeg Asxaabigii ugu horeeyay ee Falar Dar Allah u
diray?

3-Su’aal Sheeg Nebiga (NNKH) Yaa ugu hor-rumeeyey caruurta –YAR-YAR

4-Su’aal Sheeg dagaalkii u dhaxeyay Sayid Maxamed C/le Xasan
iyo England
(British)

Sanadkii uu bilowday?

5-Su’aal Sheeg Magalaadda Boosaaso Magacii hore ee loo-aqoon
jiray?

6-Su’aal Sheeg waa maxay micnaha Banaadir?

Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: kedis114@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia….

Posted In

Post new comment