Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada
Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
1-Su'aal Sheeg Haweyneydii ay ku soo degtay Suuradda Qad Samicallaah (Mujaadalah)
1-Jawab: Waxay ku soo degtay Khuweylad Bintu Taclaba.
2-Su'aal Sheeg Bilaha xurmada leh (Ash harul xurum)
2-Jawab: Bilaha xurmada leh waa 4,
Waxayna kala yihiin 1=Rajab. 2= Dul Qacda. 3= Dul Xaj. 4= Muxaram.
3-Su'aal Sheeg imisa ciidood ayuu Islaamku lee yahay?
3-Jawab:Wuxu lee yahay 3 ciidood,
1-ciida Carafa (Al adxa) 2- Ciida soonka (fidriga) 3- Ciida maalinta Jimcaha.
4-Su'aal Sheeg afarta Nebi ee
isdhashay?
4-Jawab: Afarta Nebi ee isdhashay
waxay kala yihiin 1-Nebi Ibraahim cs. 2- Nebi Isxaaq cs. 3- Nebi yacquub cs.
Nebi yuusuf cs.
5-Su'aal Sheeg Salaadda aan rakuuca
iyo Sujuuda aan laheyn?
5-Jawab: Salaadda aan rakuuca iyo
sujuuda aan laheyn waa Salaadda Janaasada.
6-Su'aal Sheeg muxuu sameynayaa
qofkii doono inuu soo Islaamo?
6-Jawab: Marka hore wuu
towxiidsanayaa. Marka xigana dharka ayuu daahir-sanaayaa, Marka xigana laba
rakacadood ayuu tukanaayaa.
7-Su'aal Sheeg imisa ayey ahaayeen
tirida ciidamadda Muslimiinta dagaalkii Beder?
7-Jawab: Tirada Muslimiinta dagaalkii
Beder waxay ahaayeen 313 nin, 70 rati (GEEL) iyo laba Faras.
8-Su'aal Sheeg tirada ciidamadii
gaalada ee dagaalkii Beder ?
8-Jawab: Tirada ciidamada gaalada ee
dagaalkii Beder waxay ahaayeen 950 nin, 110 Faras, iyo 700 oo rati ah (Geel).
9-Su'aal Sheeg goormuu dhacay
dagaalkii UXUD?
9-Jawab: Dagaalkii UXUD wuxu dhacay sanadkii 3-aad ee
Hijriyadda.
10-Su'aal Sheeg dagaalkii Khandaq
magaca kale ee loo-yaqaano?
10-Jawab: Dagaalka Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano
waa Axzaab.
11-Su'aal Sheeg gobolada soomaliya
gobolka ugu Yar.
11-Jawab: Gobolka soomaaliya ugu yar waa Gobalka
Banaadir waana isla Gobolka ugu degamada badan. Gobalka ugu weyn-na waa gobolka
Bari.
12-Su'aal Sheeg magaalada Boosaaso
magacii hore ee loo-aqoon jiray?
12-Jawab: Magaalada Boosaaso waxaa loo-aqoon jiray
Bandar Qaasim.
13-Su'aal Sheeg Xeebta jamhuuriyada
soomaaliya dhererkeeda waa imisa?
13-Jawab: Xeebta jamhuuriyada Soomaaliya
dhererkeedu waa 3333 km,
14-Su'aal Sheeg Ururuka midowga
Africa goorma ayaa la'aas aasay?
14-Jawab: Ururka midowga Afrika waxaa
la-aas aasay sanadkii 1963-dii.
15-Su'aal Sheeg Ururka midowka Afrika magaaladii lagu
soo dhisay?
15-Jawab: Ururka midowga Afrika waxa lagu soo dhisay
magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya (Ethiopia)
16-Su'aal, Sheeg laba madaxweyne oo
soomaali ah kuna dhasheen Degmada Xarar Dheere ee gobolka Mudug
16-Jawab, Waxay kala yihiin Cabdi
Qaasim Salaad Xasan iyo Cabdi Rashiid Cali Sharmarke oo la dilay, Alla yaa raxma
aamiin aamiin aamiin.?
17-Su'aal Sheeg Cabdi Rashiid Cali sharmarke Sanadkii uu dhashay?
17-Jawab: Cabdi Rashiid Cali
sharmarke wuxu dhashay sanadkii 1919, isla sanadkaan waxa dhashay Maxamed
Siyaad Barre Alla yaa raxma labadaba aamiin.
18-Su'aal Sheeg magaalada uu ku dhashay Maxamed Siyaad
Barre?
18-Jawab: Maxamed Siyaad Barre wuxu
ku dhashay magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo.
19-Su'aal Sheeg sanadkii uu dhashay
General Maxamed Faarax Ceydiid?
19-Jawab: General Maxamed Faarax
Ceydiid wuxu dhashay sanadkii 1934-tii, Isla sanadkaan waxaa dhashay
Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
20-Su'aal Sheeg sanadkii uu dhashay
Cabdi Qaasim Salaad Xasan?
20-Jawab: Cabdi Qaasim Salaad Xasan wuxu dhashay
sanadkii 1941-dii.
Ogeysiis ku socda dhamaan Ummada Soomaaliyadeed.
Waxaa la-ogeysiinaayaa dhamaan inta ku hadasha Af
Soomaaliga, Buuggii ay dhawaan
Soo-saareyn Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada, kaasoo dadka oo dhami lagu
siinaayay lacag la’aan (Free) in uu ku dhawahay gaba-gabo si’ay Bahda u soo
saaraan Buuggii labaad ee Kororso Aqoontaada, ku-waasoo loogu tala galay iney
ka faa’iideystaan Ummada Soomaaliyadeed meel walbo oo ay caalamka ka joogaan, hadaba
cidii dooneysa Buuggaasi waxaa lagu siin doonaa lacag la’aan marka laga reebo
lacagta yar ee boostada qaadan doonto. Wixii faah faahin dheer intaas kala soo xiriir kedis143@hotmail.com.
Haddii aan dib idin xusuusino lix-dii su’aaladood ee aan
idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay waxay kala ahaayeen”
1-Su’aal Sheeg inta
jeer ee suuratul Baqara lagu sheegay Magaca Allaah?
2-Su’aal Sheeg Asxaabigii ugu horeeyay ee Falar Dar
Allah u diray?
3-Su’aal Sheeg Nebiga (NNKH) Yaa ugu hor-rumeeyey
caruurta –YAR-YAR
4-Su’aal Sheeg dagaalkii u dhaxeyay Sayid Maxamed C/le
Xasan iyo England
(British)
Sanadkii uu bilowday?
5-Su’aal Sheeg Magalaadda Boosaaso Magacii hore ee
loo-aqoon jiray?
6-Su’aal Sheeg waa maxay micnaha Banaadir?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Waxa lagu sheegay 282 jeer.
2-Jawab: Waa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
3-Jawab: Waxa ugu hor Rumeeyey Cali Bin Abii Daalib Rc.
4-Jawab: Wuxu bilowday sanadkii 1900.
5-Jawab: Waxa loo-aqoon jiray Bandar Qaasim.
6-Jawab: Micnaha Banaadir Xeeb ama Dakadaha.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: Kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























good
maansha allah ur da best may allah increase ur faith
Post new comment