Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada
Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
1-Su’aal Sheeg kumuu ahaa ninkii ay u kireysteen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-bakar rc inuu jidka tuso markii ay u Hijroonaayeen Madiina?
1-Jawab: Wuxu ahaa Dal Aqoonkii la’oran jiray C/laahi Bin Ariiqadh.
2-Su’aal Sheeg Rasuulka (NNKH) inta aanu madiina soo gelin wuxu dagay meel u dhaw madiina hadaba sheeg meeshaasi?
2-Jawab: Waxay ahayd meesha la yiraahdo Qubaa.
3-Su’aal Sheeg goorma ayaa la waajib yeelay Soonka?
3-Jawab: Waxa la waajib yeelay sanadkii labaad (2-aad) ee Hijriyada.
4-Su’aal Sheeg markii uu Rasuulka (NNKH) Geeriyooday dad badan ayaa Diinta ka noqday dadkaas waxa lagu qaaday dagaal, hadaba sheeg dagaalkaas waxa uu la magac baxay?
4-Jawab: Dagaalkaas wuxu la magac baxay Dagaalkii ka noqoshada Diinta.
5-Su’aal Sheeg dagaalkii Beder Muslimiinta imisa ayaa ka shahiiday?
5-Jawab: Waxa ka shahiday dhawr iyo toban (8 Ansaar ah iyo 6 Muhaajiriin ah) 8+6=14 ayaa ka shahiday.
6-Su’aal Sheeg baarlabaankii ay ku shiri jireen kufaartii Qureysheed maxaa la oran jiray?
6-Jawab: Waxa la oran jiray Baarlabaankaas (Daaru Nadwa).
7-Su’aal Sheeg imisa kiilo meter (km) ayuu Godka Xiraa u jiraa Magaalada maka (makkah)?
7-Jawab: Wuxu u jiraa 5 kiilo meter (5km).
8-Su’aal Sheeg maxaa la oran jiray ninkii dilay Cumar Bin Khadaab Rc?
8-Jawab: waxa la-oran jiray Abuu lu’lu Al Majuuz.
9-Su’aal Sheeg maxaal la oran jiray ninkii dilay Cali Bin Abii Daalib Rc?
9-Jawab. Waxa la-oran jiray C/raxmaan Bin Muljan.
10-Su’aal Sheeg goorma ayuu soo islaamay halyey-ga weyn
ee Khaalid Bin Waliid?
10-Jawab: Wuxu soo islaamay Bishii Safar sanadkii 8-aad
ee hijriyadda.
11- Su’aal sheeg magaca iyo wadanka uu u dhashay xog-hayihi ugu horeyey qaramada midoway (UNO)?
11-Jawab: Magaciisa wuxu ahaa trygare lie, wuxuuna u dhashay wadanka Norway.
12-Su’aal Sheeg magaca wadankii ugu danbeeyey ee xurnimo qaata Qaarada Asia?
12-Jawab: Waa wadanka loo-yaqaano East Timor, Wuxuuna ka Go’ay wadanka Indonesia.
13-Su’aal Sheeg wadanka Malaysia sanadkii uu xurnimada ka qaatay Gumeystihii England (British)
13-Jawab: Wuxuu ka qaatay sanadkii 31, 08, 1957.
14-Su’aal wadanka Singapore wuxu ka tirsana Malaysia, hadaba sheeg sanadkii uu ka go’ay?
14-Jawab: Wuxuu ka go’ay sanadkii 1965.
15-Su’aal Sheeg wadanka Qaarada Yurub ku yaal oo hal wadan oo keliya xuduud la leh?
15-Jawab: Waa wadanka Portugal.
16-Su’aal Sheeg magaca caasimada ugu da’da weyn adduunka (caalamka)?
16-Jawab: Waa magaalada Dimishiiq ee dalka Suuriya (Syria).
17-Su’aal Sheeg Madaxweynaha jeediyey qudbadii ugu waqtiga dheereed Qaramada Midoobe?
17-Jawab: Wuxu ahaa Madaxweynaha dalka kuuba (cuba) Fidel Castro, Qudbadisu waxay socotey 2 saac.
18-Su’aal Sheeg Magacii hore ee loo-yaqaanay Magaalada Qaahira (cairo) ee dalka Masar (Egypt)
18-Jawab: Waxaa loo-yaqaanay Fusdaad (Fusdad)
19-Su’aal Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Shabeelle?
19-Jawab: Waa magaalooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi, labadaba waa uu maraa wabiga Shabeelle.
20-Su’aal Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Juba?
20-Jawab: waa degmooyinka Jilib iyo Jamaame, labadaba
waa uu maraa wabiga Juba.
Dhex-taal Gaaban.
Ogeysiis - Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com
si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah.
Akhristayashayada qiimaha iyo qaayaha lahow ku soo dhawaada lix-dii Su'aaladood iyo jimcaha soo socda. Adingoo isticmaalaaya maskax degan, waayo Su'aalaha aan idin weydiin doono waxay la-socdeen casharadii hore.
1-Su’aal Sheeg goorma ayaa Muslinmiinta loo-baneeyey dagaal?
2-Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc?
3-Su’aal sheeg Magaca Gabadhii Naaska la nuugtay Rasuulkeena (NNKH)?
4-Su’aal Sheeg Wadanka Caalamka ugu dalxiiska badan?
5-Su’aal Sheeg waa maxay cudurka loo-yaqaano Geerida madow?
6-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment