Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada
Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
1-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa Asxaabigii uu Rasuulka (NNKH) ku magacaabay Allmiinka umadaan?
1-Jawab, Wuxu ku magacaabay Abii Cubeyda Caamir Bin Jaraax (RC).
2-Su'aal, Sheeg maxaa la'oran jiray Godkii ay galeen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-Bakar (RC) markii ay Madiina u hijroonaayeen?
2-Jawab, Waxaa la'oran jiray Godkii Dibiga (Qaaru Thowr)
3-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
3-Jawab, Wuxu ahaa Abuu Ayuub Al ansaari (RC).
4-Su'aal, Sheeg Malaa'iigtaan soo socota mid waliba waxa uu Alle u wakiishay, 1-Jabriil, 2-Miikaa'iil, 3-cazraafiil, 4-Ridwaan, 5-Maalik.
1-Alle wuxu u wakiishay Jabriil waxyiga. 2-Alle wuxu wakiishay miikaa'iil Roobka. 3-Alle wuxu u wakiishay cazraafiil Nafta inuu qaado.
4-Alle wuxu u wakiishay Ridwaan Janada, waana kan Janada furaheda haaya.5-Alle wuxu u wakiishay Maalik Naarta kan furaheeda haaya.
5-Su'aal, Sheeg Shan arimood oo Rasuulkeena (NNKH) iyo Ummadiisa looga fadilay Dhamaan ummadihii ka horeeyey?
5-Jawab, Rasuulka (NNKH) waxaa loo-diray 1-Jini iyo Insi, 2-Shafeecada aakhiro oo la-siiyey, 3-Dhulka oo dhan oo daahir looga dhigay, 4-Qaluubta gaalada oo cabsi loogu riday, 5-Qaniimada oo loo-fasaxay.
6-Su'aal, Sheeg Eey-gii galay Janada?
6-Jawab, Wuxuu ahaa Eey-gii la-socday Reer asxaabu kahfi.
7-Su'aal, Sheeg Gaal-kii ilaahaynimada sheegtay ee misana qabay Naag Muslimad eheed?
7-Jawab, wuxu ahaa Fircoon.
8-Su'aal, Sheeg UBadka aan Aabe mooyee Awoow laheyn?
8-Jawab. Waa Ilma aadan cs.
9-Su'aal, Sheeg Qofka aan Hooyo mooyee Aabo laheyn?
9-Jawab, waa nebi ciise cs.
10-Su'aal, Sheeg salaada aan aadaan iyo aqim mid lahayn?
10-Jawab, Waa salaada ciida.
11-Su'aal, Sheeg Gabadhii u soo halgantay dalkeenay somaliya Xaawo Xaalo magaceeda oo seddexan.
11-Jawab, Waa Xaawo Cusmaan Taako (Xaawo Taako).
Dhex-taal Gaaban
Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah.
Haddii aan dib idin xusuusino lix-dii Su’aaladood ee aan idin-weydiinay jimcihii la-soo dhaafay waxay kala ahaayeen”
1-Su’aal Sheeg goorma ayaa Muslinmiinta loo-baneeyey dagaal?
2-Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc?
3-Su’aal sheeg Magaca Gabadhii Naaska la nuugtay Rasuulkeena (NNKH)?
4-Su’aal Sheeg Wadanka Caalamka ugu dalxiiska badan?
5-Su’aal Sheeg waa maxay cudurka loo-yaqaano Geerida madow?
6-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Sanadkii koowaad ee Hijriyadda.
2-Jawab: Waxay ka wariyeen 281 Axaadiis.
3-Jawab: Waxa weye Magaceeda Shaymaa Binti Xaarith Rc.
4-Jawab: Waa wadanka Faransa (France).
5-Jawab: Waa Cudurka Daacuunka.
6-Jawab: Waa Wadnaha.
Akhristayashayada qiimaha iyo qaayaha lahow ku soo dhawaada lix-dii Su'aaladood iyo jimcaha soo socda. Adingoo isticmaalaaya maskax degan, waayo Su'aalaha aan idin weydiin doono waxay la-socdeen casharadii hore.
1-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu Tukaday Nebiga (NNKH)?
2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay C/laahi Bin Cabaas RC?
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
4-Su’aal Sheeg halkee buu-ku aasan yahay Sheekh Yusuf Al kowneyn?
5-Su’aal Sheeg waa imisa Culeyks Maskaxda Bili’aadamka?
6-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Bisada (yaan-yuurta).
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment