Muranka Xisbiga UCID waa jiraa! Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Waxaa beriyihii ugu dambeeyey jiray mudaran ka dhex aloosmay shabakada wararka ee Qarannews iyo xisbiga UCID oo ka mid ah saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland.
Murank ayaa waxaa uu ka bilowaday ka dib markii shabakada Qararnnews ay daabacday 23.11. 2009 faalo ay ugu magac dartay “Khilaafka hadheeyey Xisbiga UCID iyo burbur ku soo wajahan Xisbiga”.
Isla 25.11.2009 Xisbiga UCID ayaa isna kaga jawaabay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay G.Ku.xigeenka Xisbiga UCID Md.Adan Waqaf,kaas oo lagu beeninayo qaraalkii Qarannews.
Mar kale ayaa shabakada Qarannews,26.11,2009 waxay dhirbaaxo kulul la beegsatay Xisbiga UCID,oo aad moodo in ay ka qoomameeyeen jawaabtii ay siiyeen Webka loo yaqaan Qarannews.
Haddaba mar kala yimaado weerarka iyo weerar celiska Qarannews iyo UCID amase dagaalka faraha laysula tegay ee Qarannews iyo Xisbiga UCID,waxaa haboon in jawaab loo helo dhowr suaalood oo kala ah ,ma jiraa muran ka dhex aloosan Xisbiga UCID ?,maxaa u sabab ah?, halkuu ku dambeyn doonaa ?
Sideedaba marka aad maqasho magaca UCID ayaa waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya dhowr eray oo ay ka mid yihiin “waayo aragnimo kooban oo dhinaca Siyaasada ah”, “Siyaasad 24 sacadoodba mar is bedesha, oo aan jaho loo raaco lahayn”, sidoo kale waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya laba nin ee loo yaqaan aabayaashii Xisbiga UCID oo kala , Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiye G. Wakiilada Md.Cabdiraxmaan Ciro,
Lama odhan karo maalintaas ayuu bilowday,laakiin wuu jiray murankaasi bilihii ugu dambeey,gaar ahaan mar uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID uu booqasho ku tegay dalka Kenya oo uu kula kulmay ragg ka soo jorjeeda qadiyada Somaliland,waxaa kaloo uu muranku cirka isku sii shareeray xilligi uu taagnaa murankii Siyaasadeed iyo mudaharaadadii ka dhacay Somaliland ,xiligaas oo uu soo if baxay ,fikir aad u kala duwan oo ay kala aaminsan yihiin madaxda Xisbiga UCID ugu saraysa iyo weliba dabeecad Siyaasadeed oo cusub oo aan hore loogu aqoon Xisbiga UCID.
guud ahaan muranka ka dhex aloosan Xisbiga UCID wuxuu salka ku hayaa dhowr arimood oo ay ugu waaweyn yihiin.
· Wadada Siyaasadeed ee Xisbi raacayo,sida aad la socoto waxaa Xisbiga ku soo biiray ragg badan oo cusub,kuwaas oo ka soo cararay Xisbiyada kale,jagooyin waaweyna markiiba ka qabtay Xisbiga ,kuwaas oo la yimid Siyaasad cusub,lana odhan karo waxay laabta ka raacsan yihiin Xisbi kale oo aan ahayn kay ka tirsan yihiin xiligan la joogo .
· Gudoomiye En.Faysal oo sheegay in uu ka degi doono xilka Gudoomiye,Doorashooyinka soo socda ka dib ,taasina waxay keentay.damac,hunguri,haqal tag iyo isxulafaysi salka ku haya cida bedeli doonta En.Faysal Cali Waraabe.
· Muranka ugu weynina wuxuu yimid xlligii ay mucaaridku diyaarinayeen mudaharaadii ka dhanka ahaa Xukuumada,oo runtii aad iyo aad Xisbigu ugu kala qayb samay,una kala baxay koox leh “kaca oo dagaalama iyo koox leh aynu dalka iyo dadka badbaadino,”.
· Dhinaca kale waxaa beryahanba Siyaasada ku sii kala fogaanayey laba masuul ee loo yaqaan abayaashii-aasaasayaashii Xisbiga UCID,Md Faysal Cali Waraabe iyo Md.Cabdiraxman Ciro,oo aad moodo in ay raaceen laba wado Siyaasadeed oo aad u kala fog.
· Sidoo kale waxaa abuurmay koox doonaysa in ay ka dhex faaiidaysataan,laba Gudoomiye ee beryihii ugu dambeeyey dhabarka isu jeediyey.
Hadal iyo dhamaan ma cada cida bedeli doonta hogaanka awooda badan ee Xisbiga UCID Eg.Faysal Cali Waraabe,ma cada halka ay ku dambeyn doonto Siyaasada murugsan ee Gudoomiye C/raxman Ciro ,laba garanayo halka ay ku dambeyn doonaan kooxda dhowaan ku soo biirtay Xisbiga,balse ay markiiba u suurto gashay in ay qabtaan amase lagula dul kufay Xilalka waaweyn ee Xisbiga,waana kuwaas kuwa kala dilaya madaxda sare ee UCID,doonayana in ay ka dhex faaiidaystaan muranka jira.
Mahadsanidin
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Related News
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
- TACSI: GEERIDA MARXUUM AXMED NUUR JAAMAC : 5 Sep 2010 - 20:09
- Hambalyo Aroos: Boqor Jaamac Xuseen Yalaxle & Boqorada Caasha Axmed Jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco : 5 Sep 2010 - 20:05
- Dallada Dhalinyarada SONYO oo Maanta Sameeyey Hawlgalo ku Dayasho Mudan oo Dadweynaha Hargeysa ay soo dhaweeyeen : 5 Sep 2010 - 19:22
















Post new comment