Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada

Text Size

Akhristayaal Maanta Barnaamijkaynii Kororso Aqoontaada waxaa ku soo qaadan doonaa Jawaabihii 15-kii Su’aaladood ee aan idin dirnay Jimcihii lasoo dhaafay, Hadaba akhristayaal ka faa’iideysi wanaagsan, Naftaada U Faa’iidey Si Beri Lagaaga Faa’iideysto.

1-Su’aal Sheeg ninkii bilaabay dhismaha Masjidka Al Aqsa
iyo ninkii dhameystiray?

2-Su’aal Sheeg Nebi Cismaaciil Cs meesha uu ku aasan
yahay?

3-Su’aal Sheeg ninkii laga bartay Guuro Habeen?

4-Su’aal Sheeg mid kamid ah eedooyinki Nebiga oo
geeriyootay iyadoo aanan Islaamin?

5-Su’aal Sheeg wiilka Abii lahab ee Islaamay marka laga
reebo Cudba Ibnu Lahab?

6-Su’aal Sheeg Asxabigii yiri Aniga ma’aqaano sida ay
Ayeeyo dhaxal u qaadaneyso Rc?

7-Su’aal Sheeg Asxabigii ugu horeeyey ee Falaar Dar
Allaah u riday Rc ?

8-Su’aal Sheeg sanadkii uu dhintay Asxaabigii weynaa ee
Abu Dar Al Qifaari Rc ?

9-Su’aal Sheeg Muslimiinta imisa ayey ahaayeen dagaalkii
Mu’ta?

10-Su’aal Sheeg kumaa hogaaminaayey Muslimiinta dagaalkii
Mu’ta?

11-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Qur’aanka
Uruuriya?

12-Su’aal Sheeg imisa ayey ahaayeen Tirada Ciidamada
Muslimiinta dagaalkii Beder?

13-Su’aal Sheeg imisa ayey ahaayeen tirade ciidamada
Galaadda ee dagaalkii Beder?

14-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Gabyaagii Rasuulka (NNKH)?

15-Su’aal Sheeg goorma ayuu soo Islaamay Xamza Bin Cabdil
Mudalib Rc?

Jawaabaha waxay kala yihiin”

1-Jawab: waxaa bilaabay Nebi Daa’uud cs, waxaase
dhameystiray Nebi Suleemaan Cs.

2-Jawab: Nebi Cismaacil Cs, wuxu ku aasan yahay Magaaladda
Makka.

3-Jawab: Waxa laga bartay Nebi Yacquub Cs.

4-Jawab: Waa Maymuun Binti Cabdi Mudalib.

5-Jawab: Waa Cudba Bin Abii lahab.

6-Jawab: Waa Abu Bakar Sadiiq Cs.

7-Jawab: Waa Sacad Bin Abii waqaas Rc.

8-Jawab: Wuxu dhintay 32-kii Hijriyadda.

9-Jawab: Waxay ahaayeen 3000 oo ciidan.

10-Jawab: dagaalkii Mu’ta wuxu sheegay 3 hogaamiyadood,
balse hogaamiyihii ugu horeeyey wuxu ahaa Zeyd Bin Xaarith Rc.

11-Jawab: Waa Abuu-Bakar Rc.

12-Jawab: Waxay ahaayeen 313 ama 314 nin. 70 Rati iyo 2
faras.

13-Jawab: Waxay ahaayeen 950 Nin, 700 oo rati ah iyo 110
faras.

14-Jawab: Gabyaagii Rasuulka waa Xasaan Binu Thaabit.

15-Jawab: Xamza Bin Cabdul Mudalib Rc, wuxu soo Islaamay
Nebiga oo 6 sano Nebi ah.

Dhex-taal Gaaban

haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com

si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Posted In

Post new comment