Maxaa sababay Ardayda Somaliland ee ka qalin Jabiya jamacadaha Dibada in ay ku soo Laaban waayaan Dalkooda hooyo?
Marka hore iga gudooma salaanta u qiimaha badan oo ah salaanta islaamka aslaamu calykum, salaaan ka dib waxa maqaalkani ku eegaya ardayda reer somaliland ee ka qalinjabiya jamacadaha dibada kuwaaso aad moodo mudooyinka danbe in ay ka biya diidaan in ay dib ugu noqdaan dalka hooya marka ay u dhamaato jamacadaha ay wax ka bartaan ee dalalkaasi shisheeye,
Ardayda Somaliland ayaa ayagu waxay ay wax ka bartaan dalal faro badan oo ay ka mid yihiin dalalka Sudan, Egypt, Yemen, Uganda, India, Pakistan, Malaysia, Kenya, Ethiopia, Bangladesh iyo dalal kale,
haddaba ardayda reer Somaliland ee dalalka dibadaha jamacadaha ka qalinjabiya ayaad moodaa in ay ku yaraatay wadaninimadu ama jaceylka dalka hooyo ay u dhasheen waayo waxay inbadan oo ardyadaasi ka mid ahi u hanqal taagaan in ay ka shaqeysataan dalalka shisheeye ama ay shaqo ka raadsadaan dalalkaasi shisheeye, ayaga oo qiil ka dhiganaya in ay shaqo la,aan ka jirto dalka hooyo.
Haddaba shaqo la,aan ay ardayda qalinjabisaa ka cabanayso waa mid jirta, oo aan layska indho tiri Karin haddii aanu eegno duruufaha uu dalka somaliland ku jiro balse maaha in shaqo la,aan ka jirta dalka hooyo in ay na nacsiiso dalka hooyo inaanu ku laabano ka dib markaaanu dhamysano jamacadiihii aanu wax ka baranaynay ee dalalkaasi shisheeye, su,aasha muhimka ee meesha ku jirta ayaa waxay ay tahay haddii aqoonyahankii dalka uu diido in uu uga faa,iidoyo aqoontii uu soo bartay dalka hooyo Yaa u maqan dalka hooyo ? runtii aradayda ka qalinjabisaa jamacahada waa ubaxii qaranka Somaliland waa aqoonyahankii dalka.
Ardeyda Japan:
Abdiqani Ahmed Hassan Golle
Si kastaba ha ahaatee waxaa tusaale lagu dayan karo inoogu filan arday u dhashay dalka Jaban oo ka helay deeq waxbarsho dalka Mareykanka ayaa waxaa uu baranayay cilmiga mechanical engineering isagoo ardaygaasi ku gudi jiray waxbarshadiisii ayuu soo saaray aalad cusub ama qalab cusub oo aan hore loo arag isla markiiba ardyagii waxaa uu goostay ticket uu ugu laaban lahaa dalkiisii hooyo ee jaban,
ardaygii markii uu kulaabtay dalkii hooyo ay waxaa la waydiiday sababaha ku dhaliyay in uu dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo isaga oo aan dhameysan wali waxbardhadiisii uu ku joogay dalka mareykanka, ardaygii wax uu ku jawaabay waxaan doonayaa in aan dalkayga hooyo uga faa'iidayo aaladan cusub oo aan iktishaafay ama soo saaray
Haddaba waxaa la gudboon ardayda dhameysata waxbarshdoodii dalalka diba in ay ku soo laabtaan dalka hooyo si ay u horumariyaan dalkooda hooyo ee Somaliland waayo waxaa ka mid ah ardaydaas dhakhtarkii, macalinkii, dhaqaaleyahankii, engineerkii, xisaabiyihii,loyarkii, haddaba ma jirtaa maalin ay Somaliland uga baahi badantahay dhamaan dadka aan xaga sare ku xusay?
sida aan kor ku xusay ardayda qalinjabisaa waa aqoonyahankii dalka Somaliland madaama ardaydaasi ay yihiin aqoonyahankii dalka waa in ay ku soo hirtaan dalkooda hooyo oo ay shaqo ka abuuraan gudaha dalkooda oo ay noqdaan shaqo curiyaal ama shaqo abuurayaal (job creators).
Abdiqani Ahmed Hassan Golle
MBA-Finance and Accounting
KAMPALA INTERNATIONAL UNIVERSITY
Kampala –Uganda
Tel:+256783457442
Tel:+256718225932
Email: meerqani@hotmail.com
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
















waa inay ardaydu dalkooda kuso noqdaan
marka hore anigu waxaan u malaynaya ardayga inta uu jaamacad ka dhameeyey wadan kale ee kuso noqon waaya dalkiisa hooyo inay ninkaa wadaniyadi ka maqan tahay waayo ninka mutacalinka ahi waxa ku waajiba inuu umadiisa u faaiideeyo waayo ajar ayaaba uu ilaahay kaga helayaa, imika waxaad mooda inay waxooga laso noqdo noqosho caadiyanaya maaha waa mid dhawr bilooda oo waxad arkaysa nin mutacalina oo dalalkaa wax kuso bartay oo afar shan bilood shaqaynaya hadana noqonaya, anigu waxaan ahay arday jaamacad ku taala hargeisa wax ka barta hadana waxaan taageersanahay ninka soo noqda oo dalkiisa ka shaqeeya. waad mahad santihiin
ardaydu waa in ay ku soo laabtaan dalkooda
anigu waxay ila tahay in ardayka kasta oo dhameyusta waxbarashADIISA UU KU SOO LAABTA DALKIISA si uu dalka wax u taro
dawlada s.land baa u sababa ah ardayda soo laaban weyday
salaan ka dib anigu waxaan qabaa in shaqo la,aant ka jirta dalka somaliland ay sabab u tahay in ay soo laaban waayaan ardayda ka qalinjabaya jamacadaha dalalka dibada, taasan waxaa keenta nidaamka ka taliya dalka
sababaha ardayda ku kalifa inaanayn dalka ku soo noqon dalka
marka hur waxaan salaamayaa dhamaan dawlada s/lan shacbiga ciidanka iyo mucaaradba
mar xigta waxaan halakn kasoo jeedinyaa sababta ardayda reer s/land aanay ugu soo noqon dalka waxaa jirta dhibaatooyin farbadan oo ah shaqo la aan inanku ama inantu markay jaamacad soo dhameyaan ee arkaan kuwii ka hureeyay oo aan wx shaqo ah hayn way niyad jabayaan taasna waxaa usababa
1.in dawlada oo wax camal ah usamayn ardayda ama shaqo ah majoorati kii galaana hb qabiilaysan ku agalo
2.in ganacsatadu qaadato qofkii xiga oo qodha ama wx ha yaqaan ama yaano aqanine
3.ardayda oo aan wax kalsooniya ka haysn dlkooda
4.shaqo la aan bahasan oo dalka kusoo kurdhaysa marba marka kadanbaysa .
hadaba waxaan talo usoo jedinayaa dawlada ganacasatada in dhalin yarada la ogaadu oo la iska daayo musuqmaasqa waa laydin waydiinya dwldydaa xilka aad noo haysan waxaad nooga tarteen
Post new comment