Si loo helo Doorasho XAQ iyo XALAAL-ba Waxaa haboon in aan layska indho tirin waxa ku qoran Q.82 ee Dastuurka Somaliland
Maxaa laga Yeelayaa Q.82 ee Dastuurka Somaliland?
(si loo helo Doorasho XAQ iyo XALAAL-ba, Waxaa haboon in aan layska indho tirin waxa ku qoran Q.82 ee Dastuurka dalka), Maarar badan ayaa waxaynu maqalaa in loo baahan yahay Doorasho xaq iyo xalaal ahi in ay dalka ka dhacdo. Marar badan waxaynu maqalaa in lagu tuntay Dastuurkii dalka oo ka kooban 130 .qodob.
Haddaba ilaa hadda ma garanayo sababta keentay in G. Doorashooyinku ay ka hadli waayaan waxa ku qoran Q.82 ee Axdiga Qaranka, oo qeexaya cida musharax u noqon karta dalka –dadka iyo Xisbiyadaba.
Ilaa hadda maan fahmin sababta keentay in Maxkamada Sare oo xil saraan ilaalinta iyo fasiraada Dastuurka ay uga aamusan tahay Q.82 ee Axdiga Qaranka.
Maxaa keenay in afar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya Doorashooyinka soo socda ee Somaliland ay haystaan dhalasho wadamo kale?
Ma cada ilaa hadda sababta keentay in Xukuumada iyo labada Gole ay uga warwareegayaan Q.82 ee Dastuurka dalka, iyadoo inta badan lagu eedeeyo ku tumashada Dastuurka.
Hadal iyo dhamaan,haddii aan jawaab buuxda loo helin su,aasha kor ku qoran,haddii layska indho tiro qaar ka mid Firqadaha uu ka kooban yahay Q.82 ee Axdiga Qaranka waxaa loo qaadan karaa ku tumasho Dastuurka dalka, ma dhacayso Doorasho xaq iyo xalaal ahi.
Sidan ayuu u qoran yahay Q.82 ee Axdiga Qaranka Somaliland:-
QODOBKA 82AAD
SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE
AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda:
1. Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
2. Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.
3. Waa inaanay da’diisu ka yaraan afartan sano {40}.
4. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa
5. Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid kaleba}.
6. Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.
7. Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.
8. Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa’iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.
9. Waa inuu hantidiisa diiwaan geliyo
Mahadsanidin
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Related News
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
- TACSI: GEERIDA MARXUUM AXMED NUUR JAAMAC : 5 Sep 2010 - 20:09
- Hambalyo Aroos: Boqor Jaamac Xuseen Yalaxle & Boqorada Caasha Axmed Jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco : 5 Sep 2010 - 20:05
- Dallada Dhalinyarada SONYO oo Maanta Sameeyey Hawlgalo ku Dayasho Mudan oo Dadweynaha Hargeysa ay soo dhaweeyeen : 5 Sep 2010 - 19:22
















Post new comment