Markaad akhrido Qorshaha wax qabad ee uu soo bandhigay Xisbiga UCID, waxaad markiiba dareemasaa waayo Aragnimo la,aan

Text Size

(Qoraalka kuma arag wax dhaafsan erayada ay ka mid yihiin:-SUGIDA-TAYADA-KOR U QAADISTA-HORUMARINTA-AAS-AASKA GUDDIGA-DARYEELKA-BULSHADA,shaqsiga qoraalkan qorayna wuxuu u muuqdaa QURBE joog aan waxba kala socod xaalada dalka iyo dadka Somaliland)

Waan akhriyey “Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga UCID, 2009/2010-ka kaas oo ka kooban 47 bog ,looguna tala galay in shacabka reer Somaliland laga bedesho codkooda Doorashooyinka inagu soo fool leh.

Markaan si fiican u akhrido qorshaha wax qabad ee uu soo bandhigay Xisbiga UCID ,waxaad markiiba si fudud u fahmi kartaa arimo badan oo ay ka mid yihiin ,waayo aragnimo la,aan aad u weyn , qurbajoognimo iyo gebi ahaanba in aanay la socon xaalada guud dalka iyo dadku ku jiraan xilligan aynu hadda la jooogo.

Haddaba inta aanan u gelin dhaliilaha faraha badan ee ka muuqda qoraalka oo aad u dheer ayaa waxaan jecelahay in aan mar hore si kooban idiin fahansiiyo qaybaha qoraalku ka kooban yahay,waana sidan:-

Qaybta 1aad

Marka ugu horaysa ee aad eegto qoraalka waxaa indha haagu soo jiidanaya sawiro qurux badan oo ay ka mid yihiin, Calanka Somaliland, Astaanta iyo calanka Xisbiga UCID, sawirada qaar ka mid ah khayraadka laga helo dalkeena hooyo sida beeraha, Xoolaha, Kaluunka iyo Macdanka.

Weli waxaa sii soconaya sawiro , bogga labaad ee qoraalka ayaa waxaa ugu tegaysaa sawir ah saddexda(3) nin ee ugu awooda badan xilligan la joogo Xisbiga UCID .Marka aad si fiican u eegto sawirkan ,waxaa kaloo markiiba aad si fudud u fahmaysaa in Xisbiga UCID dhexdiisa ay ka jirto isbedel siyaasadeed oo aad u weyni,waxaa kuu muuqanaysa in banaanka la dhigay ragg badan oo hore loogu xaman jiray in ay yihiin aasaasayaashii iyo madaxda Xisbiga UCID,kuwaas oo ay bedeleen rag dhowaan uun Xisbiga ku soo biiray.
Intaa ka dib ayaa waxaan indha sii mariyey erayada ay ka mid yihiin .Tusmada,Araar,Hordhac ,Gogol dhig iyo digniin ku saabsan in aan qoraalkan la daabacan Karin , oo aan filaayo in ay ula jeedaan uun in aan si khaldan loo isticmaali Karin.

Qaybta 2aad.

Waxaan u sii daadegay qayb 2aad ee qoraalka oo aan filayo in ay Xisbiga UCID qudhiisa u tahay qaybta ugu muhiimsan ee mudada dheer ka baaran degayeen,cilmi baadhista ku soo sameeyeen,waqti badana ku soo lumiyeen diyaarintiisa,waa qaybtii ay ugu tala galeen in ku shubaan maskaxda shacabka Somaliland ,si shacabkuna codkooda ugu shubaan Xisbiga UCID.
Qaybtan waxaa u bixiyey dhisida wadanka ,

waxaa ku qoran waxyaabo aad u fara badan oo la dhisayo,kuwaas oo aan odhan karo intooda badani way ka jiraan xilligan Somaliland,balse waxan filayaa in Xisbiga UCID aanay warba u hayn.Lama sheegin waxyabaha faraha badan ee la dhisayo,wixii lagu dhisi lahaa iyo weliba halka ay ka keenayaan,lama sheegin waxa laga yeelayo kuwii hore u dhisnaa.

Xisbiga UCID haddii ay talada dalka qabtaan waxay u Ummadda Somaliland u qabanayaan waxyaabaha ay ka mid yihiin:-

1. Waxaanu dhisanaynaa Dowlad kooban oo tayo leh.

2. Dib u habaynta Qawaaniinta dalka.

3. Kobcinta dhaqaalaha dalka.

4. Sugida cadaalada.

5. Maxkamad cadaalad ku dhisan .

6. Tayenta xafiiska xeer ilaaliyahaya dalka.

7. Sugida xuquuqda dadka.

8. Tayenta ciidanka qaaranka.

9. Tayenta hayada shaqaalaha.

10. Kobcinta dhaqaalaha.

11. Kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

12. Dhisida Guddida Culumo udiinka Somaliland .

13. Dhisida Hayada Dekedaha.

14. Dhisida Gudida kormeerka Dowlada.

15. dhisida G. Dhaqaalaha.

16. Dhisida Sirdoonka Qaranka.

17. Dhisida Sanduuqa Sakada.

18. Shaqo abuurista.

19. Dib u habaynta nidaamka cashuuraha.

20. Dhisida G.khubarada caafimaadka.

21. Dhisida G.ka hortaga xanuunada faafa.

22. In saxaafada Somaliland noqoto mid ku socota Dastuurka iyo Xeerarka wadanka .

Qaybta 3aad.

Qaybtanina waxay ka kooban tahay arimaha ay mid yihiin:-

· 120 Maalmood ee ugu horeeya marka uu Xisbiga UCID Xilka qabto.

· Gunaanad kooban oo dib kuugu celinaya wixii aynu ku soo aragnay qaybta 2aad ee qoraalkan.

· Ku soo celinta Sawirada , astaanta iyo calanka Somaliland iyo calanka iyo astaanta UCID .

· Ugu dambeyntiina waxaa lagu soo geba gebeeyey qoraalka sawirka labada musharax ee Xisbiga UCID Md.Faysal iyo Md.Maxamed Rashiid iyo weliba erayga ah “u code Xisbiga UCID”

Geba-gebo:-

Hadal iyo dhamaan qoraalka dheer ee qorshaha waxqabad ee Xisbiga UCID ,waxaan odhan karaa waxaa ka muuqda dhiilo aad u fara badan ,balse waxaa ugu muhiimsan kuwan
Cida diyaarisay qoraalka waxaa ka muuqada arimaha ay ka mid yihiin :-

1. Cida qoraalka diyaarisay haba yaraatee waxba kalama socoto xaalada dalka iyo dadka Somaliland xilligan ku sugan yihiin.

2. Qoraalkani kama hadlayo halka AQOONSIGII SOMALILAND,XAALADA GEESKA AFRIKA,XUDUUDA SOMALILAND.

3. Cida qoraalkan diyaarisay haba yaraatee ma xusin wixii u qabsoomay Somaliland 1991 ilaa maanta ,taasina waxaad moodaa in ay meel ka dhac weyn ku tahay Xisbiga UCID oo doonya in uu dalka xukumo.

4. Cida qoraalka qortay waxba kalama socoto Siyaasada Dibada iyo tan gudaha labada,mana hayaan wax dhaafsan inta maalin kasta aynu maqalo.

5. Waxaa muuqata in shaqsiyaadka qoray qoraalkan ay yihiin QURBE joog,aan waxba kala socon xaalada guud ee dhabta ah ee dalka iyo dadku ku sugan yihiin xilligan.

6. Qurba jooga qoray qoraalkan iyo cidii kaleba lama socdaan in Somaliland ay tahay wadan aan weli la aqoonsan,qoraalkuna wuxuu ka hadlayaa ayaad moodaa dal la aqoonsan yahay.

7. Qoraalku kama hadlayo waxa laga qabanayo xaalada dhabta ah ee ka jirta xilligan Geeska Afrika.

8. Qoraalka haba yaraadee ma sheegayo sida loo qabanayo,meesha laga keenayo hantida lagu qabanayo,waxa la qabanayo.

F.G.
Walaal caawi Agoonta Somaliland si adigana ILLAHAY kuu caawiyo ku dir wixii aad awoodo DAHABSHIIL account No. HRGD14759.

Mahadsanidin

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

Posted In

Post new comment