Xubin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee magaalada Boorama oo uu Cismaan Hindi Amray in laga xidho inta uu joogo Gobolada Galbeedka

Text Size

Boorama, (sli)- Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Boorama oo maanta kacsan kadib markii xabisiga loo taxaabey Xubin ka tirsan Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Muwaadinka ay Ciidamada Amniga ee Borama xidhey oo magaciisa lagu sheegey Cabdiqadir Aadan Yuusuf oo barigii hore ka tirsanaa Xisbiga Udub laakiinse ku biirey Xisbiga Kulmiye kaalin lixaad lehna ka qaatey dardargelinta xisbiga Kulmiye oo uu muwaadiniin badan oo Reer Boorama ah ka dhaadhacin jirey iney dantooda ku jirto in ay Xukunka iska badilaan xisbigana ku soo biiraan.

Hadaba sida ay Somalilandinfo wararka uu ka helay illo lagu kalsoon yahey oo jooga Magaalada Boorama oo sheegey in Wefti culus ku soo fool leeyahey Magaalada Boorama iyo Gobolada Galbeed Weftigaas oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Olalaha Doorashooyinka ee Xisbiga Udub Mudane Cismaan Cabdillahi Cigaal “Cismaan Hindi” si ay u dardar galiyaan Xafiisyada iyo Xarrumaha uu Xisbiga Udub ku leeyahey Gobolada Somaliland, ayaa amar uu soo farey Gudoomiye Cismaan Hindi Badhasaabka iyo Taliyaha Bilayska ee Borama in ay ka caabiyaan cida ay uga cabsanayaa in ay socdaalkoodan khal-khalgaliso kana hayaan inta uu joogo weftigiisa magaalada Boorama. Sida ku cadna Xukuumada ayaa mudo ku guda jirtay sidii ay u soo qab laheed Cabdiqaadir Aadan kadib makrii uu hadal ka yidhi warbaahinta Somaliland in Xukuumadu ka danbeysey dadkii lagu diley Jidgooyadii gacan kudhiigalayaasha sameeyeen.

Warbaahinta Somaliland oo siyaabo kala gadisan u tabisey sida loo xidhey Cabdiqaadir Aadan ayey ku sheegeen in C/Qaadir Aadan Yuusuf ay badhtamaha Boorama ka kaxeeyeen Ciidama Bilays farabadan, wakhtigaasoo uu Jaad ama Qaad ka iibsananayey Meelaha Jaadka lagu iibiyo kadibna ay halkaa ka kaxeeyeen una kaxeeyeen Saldhigga Booliska Duhurnimadii shalay.

Dhinaca kale Saxaafada ayaa wax ka weydiisey Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga Udub ujeedada weftigani wakhtigan xaadirka ah ee Wadanku kacsan yahey Khilaaf badana uu jiro iyo ololaha ay wadaan wax uu ku jawaabay “Horta waa nasiib-darro in eedayn iyo dhaleecayn raqiis ah dadka la geliyo oo la yidhaahdo UDUB ayaa olole bilaabaysa, marna la yidhaahdo doorashadii ayey cagta jiidaayan iyo taageeradoodii ayaa yaraatay, waxaasi waa dacaayadihii raqiiska ah ee xisbiga KULMIYE, anagu olole maanu bilaabin oo wakhtigii ololaha lama gaadhin, komishanka doorashooyinka ayaana xaq u leh inay ku dhawaaqaan sida xeerku qeexayo, weyna jiraa in aanu kormeer u baxayno, waxaananu soo eegaynaa xafiisyadayadii gobolada iyo degmooyinka dalka oo aanu sannadkiiba mar ama lixdii biloodba mar soo eegno.

Somalilandinfo.com
La soco Dhacdooyinka ka socda Somaliland...
Boorama

Post new comment