Khilaafka Ka Dhex Aloosan Golaha Guurtida Yaa Daaha Dabadiisa Ka Hagaya?
Hargeysa - Waxa muddooyinkii u danbeeyey khilaaf weyni ka dhex aloosnaa aqalka odayaasha (guurti), khilaafkaas oo aan weli xal loo helin, labadda dhinac ee is hayaana ay weli fiintu dhex miranayso. Su’aasha is weydiinta lihi waxay tahay maxaa khilaafka wakhtigan taagan u sal ah?
Sida aynu ka wada warqabno waxa laga soo gudbay oo muddo haatan laga joogo dhawr bilood la xaliyey khilaafkii xooga badnaa ee u dhexeeyey xukuumadda, mucaaradka, iyo golaha wiilada. Khilaafkaasina wuxuu gaadhey heer aad u xun oo caalamkana niyad jab ku ridey, waxa dhacay iska hor imaadyo ay dad ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen.
Ilaahay mahaddii khilaafkaa waxa soo afjaray markii wadamada arrimaha Somaliland daneeyey ay soo saareen heshiis la soo dhex dhigay saddexda xisbi, oo ka koobnaa lix qodob oo muhiim ah. Run ahaantii saddexda xisbi qaran lixdii qodob sacabka ayay u garaaceen, qalinkana waa lagu duugay iyada oo aanay jirin cidd ka hadashay, wuxuuna noqday heshiis loo wada riyaaqay waxa soo afjarmay mashruucii la odhan jirey muddo-kordhin,
taas oo in badan soo noqnoqotay. Madaxweyne Rayaale oo isna loo sababaynayey inuu masuul ka yahay qabsoomid la’aanta doorashada Madaxtooyada ayaa wuxuu helay fursad ah in aanay jirin wakhti cayiman oo uu kursiga ka degayo, taas oo ay guurtidu ay uga dhigeen dabo furan mucaaradkuna ku raaceen.
Markii heshiiskaa la wada saxeexay waxaa la filayey inuu khilaafkii dhammaaday, laakiin dad badan oo aqoonyahano ah ayaa qabey in heshiiskani yahay xumadd jebin, maantana waxa caddaatay in khilaafkii soo noqday.
Hibaaq Cabdillaahi XasanHadaba maxaa u sal ah, yaase dani ugu jirtaa khilaafkan? Runtii waxaa muuqata inuu yahay mid abaabul oo daaha dabadiisa laga hago, waxaana muuqata inay golihii odayaasha oo lagu yaqaaney nabadda ay noqdeen gole ay ku hirdamaan xisbiyada siyaasadu, khilaafkana waxaa keenay markii guddoomiyaha guurtida oo safar caafimaad ku maqan ay labada ku-xigeen bedeleen guddidii joogtada ahayd oo hore uu u magcaabay Salebaan Maxamuud Adan.
Hadaba markii ay arrintan bedelaadu soo ifbaxday waxa bilaamay in garab ka mid ah labada garab weliba kii u daacadda ahaa Salebaan ay quful ku xidhaan xaruntii golaha ka dibna ay xukuumaddu soo dhoobtay ciidan faro badan. Amar uu soo saaray guddoomiye ku-xigeenka koobaad ayaa lagu amray in labada garab aan midna golaha soo gelin.
Waxa muuqata in khilaafkan guurtida ay xukuumaddu lug ku leedahay sidoo kale ay buunbuuninta iyo dab ku shidida arrintan ay mucaaradkuna qayb ka yihiin, ilaa imika lama garan karo cidda ka faa’iidaysa khilaafkan iyo bedelka guddi hoosadka guurtida. Balse waxa la odhan karaa xukuumadda ayaa wadata mooshin ah haddii la bedelo guddi hoosaadka oo u daacad ah Guddoomiyaha oo aanay xukuumadda isku wanaagsanayn waxaa fududaanaysa in si yar loo ridi karo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo in dhawaydba ay isaga iyo Rayaale deeradu dhex miranaysey.
Hadaba isku soo wada duubo khilaafkan taagan oo aan weli xal loo helin xalintiisu waxay ku xidhan tahay is-faham dhex mara shir guddoonka golaha guurtida oo hadda kala qaybsan, xalka golaha iyo jiritaanka golaha guurtidu waxay ku xidhan tahay iyada oo ay tanaasul iyo wada shaqayn la yimaadaan Guddoomiyaha guurtida iyo labadiisa ku-xigeen.
Waxaanna u soo jeedinayaa shir guddoonka guurtida in ay iska dhaafaan yoo-yootanka dhexdooda ah ixtiraamana sharafta iyo qaranimada Somaliland, mar haddii ay yihiin hay’addii dalka ugu saraysey, xukuumaddana waxaan odhan lahaa haddii ay lug ku leedahay khilaafka guurtida waa in ay faraha kala baxdaa arrimaha golaha sida ugu dhakhsaha badan.
Qalinkii: Hibaaq C/laahi Xasan,
Hargeysa Somaliland
Amisha_146@hotmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























waxaan ha
waxaan ha
Post new comment