Faallo: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Miyuu Uga Daray Maxjarka Berbera? by Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Tan iyo intii dawladu sucuudigu ugu dhawaaqday inay furtay xoolihi Somaliya uga iman jiray waxaa dekeda berbera laga dhoofiyey xoolo aad u tiro badan kuwaasoo gaadhay dekeda magaalada jida waxaana bilowday yididiilo iyo rajo cusub waxaase dhawaanan soo baxaya dhawaaqyo carqalad ku ah dhoofka xoolaha waxaana ka mida kuwan hoos ku qoran.
MURANKA DHAQAATIIRTA XOOLAHA IYO WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA:
Murankani waa mid ilaa bishii arafo ka dib soo jiitamayey waxaana uu toos ugu dhaxeeya dhaqaatiirta xoolaha dhoofaya caafimaadkooda baadha iyo wasiirka xanaanada xoolaha, wuxuuna ku saabsan yahay oo laysku mari la yahay hanaankii ay u wada shaqeyn lahaayeen dhaqaatiirta iyo maamulka sare ee maxjarku sidoo kale waxaan weli kala cadayn in dhaqaatiirtu u shaqeeyaan maxjarka berbera iyo inay u shaqeeyaan wasaarada caafimaadka
mida kale dhaqaatiirtu waxay ku murmayaan inay markay u shaqeynayeen shirikadaha wadaniga ah ee xoolaha dhoofiya inay calaa neef mushqaayad ugu lahaayeen laakiin hanaanka cusub ee wasiirku rabo inuu ku meel mariyo inuu yahay mid aan la aqbali Karin maadaaba mushahar go,an loo qoray taasoo weliba lagu xidhay xiliga shaqadu socoto waxaa taas ka sii daran weli waxaan kala cadayn cida dhaqaatiirtu u shaqeynayso iyagu waa dhaqaatiirtee waxay ku murmayaan waxaanu u shaqeynaynaa maxjarka berbera isaga ayaana ka masuula sugida caafimaadka xoolaha dekeda ka dhoofaya laakiin waxaad moodaa in dhanka wasiirka madmadow badani ku jiro oo aanu weli u kala cadayn cida dhaqaatiirtu u shaqeynayso dhawr jeer oo ay kulan yeesheena in laysku afgaran waayey oo uu murmuray waxayna dhaqaatiirtu leeyihiin
"wasiirku wuxuu nagula dhaqmayaa hab labo wajiilanimo oo wixii uu maanta balan qaado hadana berito waxba ka socon maayaan ee wuu ka baxayaa" waxayna sheegeen inuu ula dhaqmayo sidii dad laajiyiin ah oon xaq iyo xuquuq midna dalka ku lahayn mid dhaqaatiirta ka mid ah oon maanta kula kulmay maxaa laga shaaheeyo oo berbera ah ayaa ii sheegay in wadada keliya ee u furani tahay in shaqo joojin ku dhawaaqaan wuxuuna yidhi
"annagu xal kale ma hayno ee shaqo joojin ayaani maantaba bilownay oo shaqadii kamaanu xaadirin sidaas ayaana aanu ku wadaynaa intaanu ta kulmayno cid aanu afgarano"
CABASHADA SHIRIKADAHA WADANIGA EE XOOLAHA DHOOFIYA:
Waxaa iyana qaylo ka taagnayd shirikadaha xoolaha dhoofiya oo ka cabanaya inaan aan si siman loogu shaqeyn iyaga iyo shirikada aljaabiri ee maxajarka ka masuulka ah markay xoolo keenaan waxay had iyo jeer ku doodaan in aan maxjarka berbera loo sinayn ee uu dhinac ka raran yahay oo marba walba laga horeysiiyo xoolahooda kuwa shirida aljaabiri iyagoo ku doodaya in cabashadooda ay hore ugu gudbiyeen wasiirka xanaanada xoolaha oo ah meesha keliya ee loo caban karo laakiin nasiib daro ayey yidhaahdeen waxba kama uu qaban waxay
waxaa kale oo iyana jirta ismaandhaaf u dhaxeeya shirikada indho deero iyo masuuliyiinta dawlada oo uu ugu horeeyo wasiirka xanaanada xooluhu kuwaasoo ku salaysan tuhuno iyo shakiyo dawladu ka qabto in shirikada indho deero ku dhisayso maxjar cusub magaalada berbera taasoo iyana ay mar walba beenaynaysay shirikada indho deero waxaase jirtay ayaamahan in tuhunadaasi noo noqnoqdeen oo dhanka dawlada ay amaro soo saartay kuwaasoo ay ku war gelinayso shirikada indho deero inay ku gubto kuna baabiso xeryaha xoolaha ee ay duleedka koonfureed ee berbera ku leeyihiin
waxaana la sheegay in wasiirka xanaanada xoolaha oo kaashana masuuliyiinta gobolka saaxil inay amar ku soo rogeen shirikada indho deero ku baabiso xeryahooda xoolaha mudo 48 saacadood gudahood ah taasoo ka bilaabmaysay bishan January 17, 2009 dhanka kale siday sheegeen masuuliyiinta shirikada indho deero ma jiro wax khilaafsan sharciga Somaliland oo ay gooni ugu talaabsadeen mana jirto ayey yidhaahdeen maxjar kale oo aanu berbera ka wadnaa waxaana aanu ku khasbanayey in aanu xoolahayaga caafimaadkooda ka sugno maxjarka berbera laakiin waxaa jira mashruuc wasiirku wado kaasoo uu doonayo inuu iska hor yimaad ka dhex dhaliyo shirikadayada iyo dawlada Somaliland ayuu yidhi mid masuulinta shirikada ka mid ahi
Markaad isku soo wada duubto mudo labo todobaad ah wararka keliya ee magaalada berbera laysla dhex marayey waxay ahaayeen arimaha maxjarka berbera iyo qulqulada u dhaxaysa wasiirka xanaanada xoolaha iyo dhaqaatiirka xoolaha caafimaadka suga iyo iyana qulquladan cusub ee u dhaxaysa shirikada indho deero iyo wasiirka xanaanada xoolaha waxaana aad mooda waxayna xaaladu kor u sii kacday todobaadkii ugu danbeeyey ka dib markii la sheegay in dawladu xoog adeegsan doonto si loo baabiyo xeryahay xoolaha ee shirikada indho deero inkastoo taasi aanay weli dhicin.
Hadal iyo dhamaan dawlada dhexe waxaa looga baahan yahay inay soo dhex gasho muranada jiro iyadoo si dhab ah u dersaysa cabashada qaybaha is haya waxaa kale oo loo baahan yahay shacab iyo dawladba in si wada jira looga soo wada hor jeesto cid kasta oo carqalad ku ah dhoofka xoolaha isla markaana laga hor tago talaabo kasta oo lagu burburin karo xayiraad ka qaadistii xoolaheena hadii taas dawladu ka gaabiso oo waxaa iman doonto goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen oon cidina waxba ka qaban Karin in mar labaad xoolaheena la xayiro.
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Cigaal215@gmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment