Aqoontaada Tijaabi Waa Su'aalahii Jimcaha iyo Barnaamijkii Kororso Aqoontaada

Text Size

Akhritayaashada Qiimaha lahow Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo Jimca ah, Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

Akhritayaashada Qiimaha lahow maanta barnaamijkaynii xiisaha badnaa ee Kororso Aqoontaada, waxaan kusoo qaadan doonaa 10-kii Su’aaladood ee aan idin weydiinay Jimcihii lasoo dhaafay jawaabahooda

1-Su’aal Sheeg magaca Cumar Binu Khadaab Hooyadii?

1-Jawab: Waxa weye Xintama Bintu Hishaam.

2-Su’aal Sheeg Safiya Bintu Xuyeey inta uusan Rasuul
(NNKH) guursan ninkii qabi jiray magaciisa?

2-Jawab: Waxa weye Kinaana Ibnu Rabiica.

3-Su’aal Sheeg Juweriya xilligii uu guursanaayey Rasuulka
(NNKH) imisa jir bay aheyd?

3-Jawab: Waxay jirtay 20 sano.

4-Su’aal Sheeg xilligii ay geeriyooneysay Juweeriya Rc
imisa jir bay aheyd?

4-Jawab: waxay jirtay 65 sano.

5-Su’aal Sheeg Xafsa Bintu Cumar inta uusan Rasuulka
(NNKH) guursan ninkii qabay?

5-Jawab: Wuxu ahaa Khuneys Bin Xudaafa.

6-Su’aal Sheeg xaaska kaliya ee Rasuulka (NNKH) oo
maherkoodu Afrika ka dhacay?

6-Jawab: Waxa weye Ramla Bintu Abii Sufyaan Rc.

7-Su’aal Sheeg magacii kale ee loo-aqoon jiray Ramla
Bintu Abii Sufyaan Rc?

7-Jawab: Waxa loo-aqoon jiray Ummu Xaliima.

8-Su’aal Sheeg Raa’isal wasaarihii hore ee dalka Malaysia
Maxamed Mahatiir sanadkii uu dhashay?

8-Jawab: Wuxu dhashay 10 luulyo 1925-kii.

9-Su’aal Sheeg Maxamed Mahatir inta sano uu Raa’isal
wasaare ka ahaa dalka Malaysia?

9-Jawab: Wuxu ka ahaa 22 sano.

10-Su’aal Sheeg Maxamed Mahatiir sanadkii uu Raa’isal
wasaare ka noqday Malaysia?

10-Jawab: Wuxu ka noqday 16 Luulyo 1981, wuxuuse ka dagey
31 Oktober 2003.

Dhex-taal Gaaban.:

Haddii aad tahay qof cusub doonaayana in uu kamid noqdo
Bahda ku taxan barnaamijka Xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, La-xriir baashi053@hotmail.com, si’aad u heshid casharadii ku dhaafay anagana waxaa ku balan qaadeynaa in’aad heli doontit Insha’Allah….

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Kuala Lumpur Malaysia
Kedis114@hotmail.com

Posted In

Post new comment