Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in masuul kasta oo Xil u haya Somaliland uu la soo shaqeeyay Faqashtii Maxamed Siyaad Barre

Text Size

Hargeysa, (sli)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa sheegay in masuul kasta oo xil u haya dhinacyada siyaasadda dalku uu la soo shaqeeyay nidaamkii dawladdii Faqash ee Maxamed Siyaad Barre, Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Axmed Daahir Cilmi, waxa uu difaacay hadalkii Madaxweynaha oo madaxda xisbiyada Mucaaradku naqdiyeen, taas bedelkeedana waxa uu sheegay in Mucaaradka looga baahan yahay inay caddeeyaan in badhkood aaminsan yihiin nidaam Federaal ah oo Soomaaliweyn.

Wasiirku waxa uu weeraray madaxda Mucaaradka oo uu sheegay inay taageerayaan Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo uu ku tilmaamay eedaysane ka soo horjeestay nidaamka Garsoorka Somaliland. Warsaxaafadeedka Wasiirku waxa uu u dhignaa sidan; "Axsaabta Mucaaridka, ayaa sidii caadada u ahayd si cadaan ah ugu fashilmay inay si munaasib ah ugu jawaab celiyaan shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu bixiyay todobaadkii la soo dhaafay, kaasoo xambaarsanaa waxyaabo badan oo xaqaa’iq ah oo ku lug leh dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo weliba tallooyin dhaxal-gal ah oo ku saabsanaa mustaqbalka, sida in laga wada tashado arrimaha isdulsaaran ee ay ka mid yihiin golaha Wakiilada ee waqtigiisu dhamaadka ku dhaw yahay ee aanay jirin wax sharci ah oo u yaala ka soo socda qaabkiisa doorasho iyo ka Guurtida oo isna uu sidoo kale gebagebo ku dhaw yahay waqtigiisii.

Runtii siyaasiyiinta Mucaaridku waxa jawaabahoodu noqdeen kuwo iskugu soo ururay cay iyo aflagaado, waxaana ugu wacnayd iyagoo ku haftay waxyaabihii wada dhabta ahaa ee uu xambaarsanaa shirkii jaraa’id ee uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu u qabtay saxaafada dalka iyo wakiilada warbaahinta dibbada, taasoo wax weyn ka badashay ra’yal caamkii bulshada reer Somaliland ee ku saabsanaa siyaasada Axsaabta Mucaaridka.

Arrimaha looga baahnaa inay jawaab ka bixiyaan siyaasiyiinta Axsaabta Mucaaridku waxa ka mid ah, inay mawqifkooda cadeeyaan waxa laga yeelayo sharci la’aanta dhinaca doorashada golaha Wakiilada ee uu dhamaadka yahay waqtigoodii, ka soo socdana aan waxa sharci ah loo haynin, maadama kii lagu soo doortay golaha hadda uu ku sinaa oo kaliya waqtigooda oo ahaa shan sanno, haatana wax sanad ka yari uga hadhsan yahay iyo ka Guurtida oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyay in laga wadahadlo inta goori goor tahay.

Hase yeeshee, siyaasiyiinta axsaabta Mucaaridku waxyaabaha danta qaranka kuwooda ugu culculus ka mid ah ee wada qabyada ah inay wax ka yidhaahdaan waxay ka door bideen inay faafiyaan waxyaabo ka baxsan milgaha siyaasada oo aan haba yaraatee kala fogaynta shacbiga mooyee aan waxtar kale u lahayn bulshada reer Somaliland sida ‘Madaxweynuhu faqash buu ahaa soddon sano ka hor iyo waxyaabo kale oo ka sii liita.’

Haddaba, aan iswaydiinee waa ayo cidda aan Faqash soo ahayn? Ma Axmed Siilaanyo oo Wasiir ka ahaa, mise ina Biixi, mise ina Kaahin? iyo kuwa kale oo badan oo saraakiil sarsare ka ahaa Faqashta laysku caayayo. Waxaan leeyahay, Faqashta nin kasta oo wax ahi wuu la soo shaqeeyay, qofba maalin uun buu ka soo dhaqaajiyay, si kastaba ha ku soo dhaqaajiyee, sidaas darteed maanta wax allaale wax ka yaala soo hadal qaadkeeda ma jiraan oo labadii qoriga iskala soo horjeeday ayaa ku heshiiyay inay iska tiiriyaan oo ay wada dhistaan Jamhuuriyada Somaliland, kana wada shaqeeyaan horumarkeeda iyo hirgalinta jiritaankeeda qaranimo, loona tartamo si xalaal ah, isla markaana siyaasiyiinta Mucaaridku ha kala gartaan Rayaale iyo qaranka jiritaankiisa oo inta ay xanaaqa iska dhaafaan, ha kala cadeeyaan inay Federaalka ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi u aaminsan yihiin sida afkooda laga hayo iyo inay ka noqonayaan oo ay shacbigana cafis iyo saamaxaad waydiisanayaan.

Mida kale ee ay soo hadal qaadaan Madaxda axsaabta Mucaaridku waxa ka mid, ahaa iyagoo taageeray eedaysane ka soo horjeestay oo isla markaana diiday jiritaanka tiir ka mid ah tiirarka uu qaranku ku taagan yahay oo ah hay’ada Garsoorka sida Maxamed Xaashi Cilmi.

Haddaba, waxaan su’aalayaa Axsaabta Mucaaridku maxay u tartamayaan mar haday garab iyo gaashaanba u yihiin shakhsi ka soo horjeestay hay’adihii amniga iyo kuwii garsoorkaba? Mida kale mar haday ka hadli waayeen wixii danta ummada iyo ta qarankuba ku sii jiri lahaa ee uu Madaxweynuhu u soo jeediyay ee ahaa buuxinta jagooyinka ku soo banaanaanaya ee golayaasha Wakiilada iyo Guurtida oo la’aantoodna aan qaran jiri karin, kana doorteen cay iyo aflagaado ay ku wiiqayaan midnimada iyo wadajirka ummada, ma idin la tahay inay doorasho doonayaan?.

Mucaaridka Somaliland, waxa ka muuqata inay ku asqoobeen waxyaabihii xaqaa’iqa ahaa ee shacbiga dhagahooda la maqashiiyay, sidaa awgeedna ay sidii carsaanyada kolba gees u carareen, ka dibna ka il-duufeen inay si miyir qab ku jiro iskaga maydhaan fadeexadaha iyo burburinta midnimada ummada ee uu Federaalku ka mid yahay ee banaanka la soo dhigay."

Post new comment