“Waligay Maan Arag Xukuumadan Rayaale Mid Ka Liidata, Waxay Hawshoodii iskugu soo Ururtay Cun, Seexo & Soo Toos” Eng.Faysal Cali
Hargeysa, (sli) - Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay noqotay mid ku sifoowday musuqmaasuq, Fadhiidnimo iyo hawl-gab, isagoo intaa ku daray in qurba jooga reer Somaliland uu ka tacsiyadaynayo hadaladii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale uga soo jeediyey inaanay dhaqaale ku taageerin axsaabta mucaaridka.
Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo khudbad shalay u jeediyey Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee dalka UK, islamrkaana uu wehelinayay musharaxa madaxweyne ku xigeenkiisa Dr M/rashiid Sh Xasan.
Ugu horayn Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo la hadlaya jaaliyada waxa uu yidhi "walaalayaal waxaan idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen ilaahay ha idin sharfo waad na sharafteene, walaalayaal waxaan doonaya inaan idiinka tacsiyadeeyo hadal uu madaxweynaha Somaliland idinku yidhi oo ahaa inaad lacagaha aad nagu taageertaan aad ku burburinaysaan Somaliland, waa hadal meel waayey, waa hadal aan u qalmin nin masuul ah oo ummad dhan iyo qaran dhan madaxweyne u ah inuu afkiisa ka soo baxo, jaaliyadaha reer Somaliland walaalayaal waa kuwii dalkaasi dhisay, maanta dalka dhan ee Somaliland wuxuu dhaqaale ahaan %80 ku tiirsan yahay waa gacantiina waa taageeradiina, idinka waddanka dhisay, xaasha eh hadalkaasi idinkama gayo waanan idinka tacsiyadaynayaaye ka raali ahaada" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Ucid isaga oo ka hadlaya xukuumadda Madaxweyne Rayaale "weligay intaan noola ee aan jiray ee aan arkaayey xukuumado xita tii ina siyaad barre-na ku dhaho ma arag xukuumad tani rayaale ka liidata, waxay hawshoodii iskugu soo uruurtay cun, seexo oo soo toos, wax kale oo la qabto ma laha, xafiiskii madaxweynahu wuxuu noqday meel loo sheeko tago, afar afmiishaar oo uu wasiiro ka dhagtay ayuunba dhegta wax ugu sheega" ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay in xukuumadda Rayaale ay marmarsiiyo ka dhiganayso inay abuurto khilaaf dalka ka dhaca si looga durko doorasho dhacda "maalin kasta waxaanu u taaganahay inaanu khilaaf xalino, haddana mid kale ayaa la hurinaya, tii koomishanka ayaad ogaydeen, tii wakiilada ayaad ogaydeen, imikana waa guurtidii, wax kale oo noo hadhi ma jiro eh ilaahay ha na dhaafiyo ina rayaale" ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo sharaxaad ka bixinaya qaabkii keenay muranka diiwan gelintii cod bixinta wuxuu sheegay in ay jirtay afar waxyaabood oo is dhinac ordaya isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi "horta dhibtu waxay ka timid inaga dhexdeena, mid ay sababayeen gobolladu oo gobol kastaaba ka kale yaanu ka cod badan lahaa, iyo mid ay reeraha iyo qabaa´ilku ay sababayeen oo ahayd yaan reerna reerka kale ka badan, iyo mid ay sababayeen ashkhaas tuugo ah oo doonaayey inaan dalkani degin" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu eedda khaladkii ku dhacay codbixintii diiwangelinta dusha uga saaray xubin ka mid ahayd koomiishankii dhawaan xilka wareejiyey oo aanu magaciisa sheegin "mida ugu weynayd ee dhibta keentay waxay ahayd nin koomiishankii xilkasnimada darra ka mid ahaa ayaa farta ku walaaqay, oo haddii cadaalad timaado aan anigu maxkamad keeni doono" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay in Somaliland ay weli ka kaban laadahay wuxuu ku tilmaamay kala qaybsanaan bulsho iyo siyaasadeed oo midnimadii ay Somalia la gashay ku keentay "walaalayaal weli waxaynu ka kaban laanahay oo ka soo bogsan laanahay nimankii aynu la midawnay ee inagoo aan dawlad ahayn intaynu u tagnay sida birta ina calaashaday kala qaybsanaantii iyo kala qoqobnidii ay inagu beereen, waxay inagaga tageen kooxo is wada haysta oo midba ka kale eegaayo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal wuxuu ka hadlay qaabka uu xisbigiisu dalka u maamuli doono haddii la doorto wuxuuna sheegay inuu dhisi doono dawlad aad u tiro yar oo ka kooban ayuu yidhi 18 wasiir wuxuuna markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in haweenku ay golahaasi wasiiradda ku yeelan doonaan 5 wasiir.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo sheegay in xisbigooda dhexdoodu ay isku dhaarsadeen in ay barnaamijka siyaasadeed ee ay dalka ku xukumi doonaan haddii la doorto ay sidiisa u fulinayaan, dhinaca kalana wuxuu ka hadlay Dr. Maxamed Rashiid qaabkii islaamku usoo gaadhay Somaliland isagoo ku tilmaamay in islaamku soo gaadhay Somaliland intaanu Madiina soo gaadhin "markii Nebi Muxumed C.S.W oo u diray asxaabtii oo uu ku yidhi taga Ardul xabash waxaa idin nabad gelin doona boqor caadil ah oo halkaasi jooga eh, waxay ka soo degeen Saylac, wakhtigaasi diintu may gaadhin Madiina, markaa in maanta la yidhaahdo Somaliland ayaa diin loo keenaya waa waxaan caqliga iyo garaadku qaadan karin" ayuu yidhi Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan.
Waxaa iyaguna madashaasi ka hadlay guddoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye iyo UDUB ee gobolka Midland ee dalka ingiriiska, gebi ahaanba madasha ayaa ahayd mid aan hore usoo marin magaalada Birmingham oo ay dadweynaha ku kala aragti duwan hanaanka siyaasadda Somaliland ay u dhamaystirnaayeen.
ugu danbayntiina waxaa jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Birmingham iyo nawaaxigeedu ay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Rashiid Sh. Xasan ay guddoonsiiyeen shaahado sharaf reer birmingham ay u dhamaystiran yahiin.
Haatuf
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment