Daawo Warshada Sabuunta iyo Kiriimyada ama Labeenta dadku Jidhkooda mariyaan oo laga Furay Boorama

Text Size

Boorama, (sli) Warshada Sabuunta iyo Kiriimyada ama labeenta dadku jidhkooda mariyaan ayaa maanta magaalada Borama laga furey, Mulkiilaha warshada Mudane Maxamed cabdilaahi Yoonis (Maxamed talyaani) oo ah aqoon yahanka aas-aasay ayaa ka war bixinayay qaabka iyo sida warshadu u shaqayso.

Jaamacada Camuud ayaa waxa furitaanka Warshada ka qayb galay wasiirka warshadaha Maxamed cali ubaxle, wasiirka qorshaynta cali sanyare iyo wasiirka warfaafinta Axmed Haaji daahir iyo Madaxda Gobolka Awdal iyo Degmooyinka iyo dhamaan qabayaha Bushada reer Awdal gudo iyo dibadba.

Ugu horayn waxa furay hadalka aas aasaha warshada Maxamed cabdilaahi yoonis oo ka warbixiyey fikirkani sida uu ugu dhashay iyo siyaabaha ay warshadu u shaqayn doonto. Waxa kale oo Mikrofoonka iskaga kala danbeeyey Sheekh Cabdilaahi sheekh Cali jowhar. Sul. C/raxmaan Jaamac dhawal. sadexda wasiir Xubanaha Qurba Jooga iyo Marti sharaf kale oo maanta ka soo qayb galay Munaasibada furitaanka warshada Cusub .waxana soo xidhay xaflada wasiirka warshadaha soomaliland Maxamed cali Ubaxle.wasiirka oo shahaado gudoon siisay aas aasaha warshada cusub Aqoonyahan maxamed cabdilaahi yoonis

Warshadan ayaa waxay noqon doontaa warshadii ugu horeysay ee nuucan ah ee laga dhiso gobolka Awdal.

Somalilandinfo.com

Post new comment