Dowlada Sheekh Shariif oo maanta u dabaal dagtey Sanadguuradii maalintii Jabuuti lagu soo dhisey
Muqdisho, (sli)- Dawlada Taagta daran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u dabaal-dagtay sanad kadib markii lagu soo dhoodhobey Magaalada Jabuuti ee Wadanka Jabuuti, Xafladan oo uu sheekh shariif ku dhigtey Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa halkaas ku wehelinayey, Ra'iisul Wasaarahiisa Cumar C/rashiid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Wasiiro iyo Xildhibaano kala duwan.
Shariif Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabada hadaladiisii ayaa ka mid ahaa mid Faan ahaa iyo Jees-Jees, wuxuu sheegay in aanay cabsi gelineyn Kooxo uu ku tilmaamay argagixiso caalamka firxad ka ah iyo waxa uu ugu yeeray Caasi waalidiin diinta ka been sheegay, waxaana uu ku faanay in Dowladiisa ay wax badan banaanka soo dhigtay. Argagaxisadaan uu ka hadlaayo oo ahaan jirtey dadkii uu ka mid ahaa ee illa Eriteria iyo Maxaakiimta uu ka tirsanaa hadana uu ku jees-jeesteenaayo.
Sheekh Shariif iyo saaxiibadiisa ayaa ku adkeysto in sanadkii hore 31-kii Janaayo dadka soo doorteen loona doortay Madaxweyninimada, kadib doorasho ka dhacday dalka Jabuuti. Waxaa hubaal ah tan iyo markii Sheekh Shariif iyo Saaxiibadiisa la doortey ay Dagaaladii laba laabmeen, qaraxyo badana ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo Gobolada Somalia, Waxaa kaloo hubaal ah in Dowladaan ay u dhaci doonto sidii Dowladahii hore ee ka horeyey oo iga taageero buuxdo ka heystey Caalamka laakiin Madaxweyne kasta oo soo maro ayaa dadka ku shaqeysta u qoondeeyeen ama loogu talagaley in uu labo sano wadanka qaribo, dilo dadka, markaasna xukunka laga qaado.
Si kastaba ha ahaatee xafladan ayaa ku soo aadeysa xilli xalay ilaa saaka magaalada Muqdisho ay marti gelisay dagaaladii ugu cuslaa ee soo mara, kaasoo dadka reer Muqdisho ay wali hadal hayaan, isla markaana xalay ku riday soo jeed.
Somalilandinfo.com
Muqdisho
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment