Siday u Madowdahay uma Rajo Xuma!: Rayi uruurin aan ugu kuur galay in aan wax kaga ogaado Quruxdu waxay tahay

Text Size

waase runtii wax aad loo wada jecel yahay, erayga quruxna waxaan filayaa in uu yahay mid miisan ku leh nolosheeena waayo macnaha loo adeegsado awgeed.

Rayi uruurin aan ugu kuur galay in aan wax kaga ogaado quruxdu waxay tahay oo aan la yeeshay dadbadan ayaa runtii jirta, dadkaasi oo ay ka mid yihiin tiro badan oo hablo ahi, ayaa waxaan ku ogaaday si rasmi ahna iigu soo baxday in quruxdu tahay wax lagu kala aragti duwan yahay, maxaa yeelay markaan dadkaasi ka uruurinaayey afkaartooda ku wajahan quruxdu waxay tahay, waxa mid kastaaba ii sheegayey wax cusub iyo si ka duwan sidii qofkii hore uu ka aaminsanaa quruxda, wayse jiraan qaar badan oo waxay quruxda ka aaminsan yihiin uu isku mid noqday.

Midabka cas, dhererka, akhlaaqda, dabeecada, dhaqanka wanaagsan iyo shakhsiyada diinta iyo dadnimada leh ayey in badan ku tilmaameen oo ay iigu sheegeen in quruxdu tahay.laakin waxa aad u badnaa inta dabeecada,akhlaaqda iyo dhaqan wanaaga ku sifeeyey quruxuda rasmiga ah.

Ka waran haddii qof aad u cas aad aragto,laakin aan dabeecad iyo dad ladhaqantoona lahayn,ma qof qurux badan ayaa lagu tilmaami karaa mise mid foolxun?

Shucuubta aduunka ee midabada cadaanka iyo casaanka ah leh,oo runtii qaarado badan aduunka ka camira,waxay quruxda u aaminsan yihiin qaarkood in ay tahay iyada oo loo eekaado midabka maariinka ah ee sida chocolate-ka oo kale ah.hase ahaate xaggena waxa inta badan quruxda loo yaqaanaa iyada oo la casaado.

Waxa inta badan la yidhaahda doqon iyo habeen baa madow,haddayse sidaasi tahay qof kasta oo madowi ma doqonbaa.waxay taasi macno ahaan noqoneysaa in qofkasta oo midabka madowga la soo raaciyey uu yahay mid nasiib xun,doqonimaduna waxay soo hoos gelaysaa taasi uun.qof kasta oo casaan la soo raaciyey haddaba isna ma waxa la odhan karaa ,waxa uu wataa haybad aan ka tageynin oo dheeraad ah.

Waxa had iyo jeer la yidhaahdaa ama inta badan aad arkeysaa iyada oo la isku waafaqsan yahay in gabadha madowi ay tahay runtii qof fariidnimo dheerad ah leh,marka la hordhigo gabdhaha midabka cas leh, karti,maskax badni iyo hawl karnimo ayey iyadu kusoo jiidanaysaa dadkii,halka midda casi ay midabkeeda oo keliya ku kasbaneyso

Siday doonto ha u eekaate waxa jira imtixaan lagu miisaamo gabadh walba kaasi oo ah in sheeko la wadaago,waxa haddaba gabdhaha madow lagu tilmaama kuwo intooda badan codkar iyo aftahanimo leh,sidoo kale fur,furnaantuna xagooda ayey u badan tahay.halka inta badan la arko kuwa cascas oo qosol yar mooyee aan qancin kale laheyn,casaankuna wuxu runtii ku beera dumarka qab iyo kibir dheeraad ah,halka ta madowna madowgu ku beero cuqdad ay nafteeda ka qaado.

Siyaabo kale duwan ayey runtii maanta u dhaawacday bulshadeena gaar ahaan haweenka, isticmaalka noocyada kale duwan ee dawooyinka midabka wejiga ka badalaa.runtii waxaad arkaysaa hablo badan oo aan ku kalsooneyn naftooda iyo midabkoodiiba oo ku kacaya isbedelo muuqooda wax ka badalaya,sida in wejiga la cadeeyo iyada oo la isticmaalayo dawooyin kimikal ah oo runtii diiniyan,dhaqaniyan iyo caafimaad ahaanba aan u wanaagsaneyn.

Waxaad arkaysaa dumar madow oo isticmaalka dawooyinka wax cadeeya bilaabaya,kadibna u eekanaya muddo kadib caddaan,hadday ku sii wadaana noqonaya sidii sanbabka.waxaad arkeysaa mid madow oo muddo badan isticmaalaysay oo ilaa hadda ay waxba ka qaadi laadahay,jidhkeeda oo adag awgii,waxaadse arkaysaa qaar markii hore casaan u dhashay oo haddana dawooyinkaasi kasii dayaaya casaan ka badan ka ay hadda heystaan.

Waxa isweydiin leh ta madow haba wareerto oo in uu wax kala maqan yahay casaanku ha u aragtee,ta cas ee is marineysa dawooyinkan la isku cadeeyo maxaa ugu wacan?gabadha madowse ma waxay u heysataa in ta casi ay tartan kaga guuleysaneyso?

Dhibta ku gadaaman ama lagala kulmo wejiga diirkiisa laga qaaday,ma yara,waxana ka mid ah in qaarkood laguba naco casaankii ay sameysteen oo dadkiiba ay ka boodeen.cadceeda ma arki karaan,habeen socodna way noqdeen,nabadarada iyo qoonta wejiga soo gaadha sida kuwa dagaalkuna hore uma bugsadaan,dheriga iyo cunto karintuna way ku adkaataa,wejigana wey ka gubtaan.

Haddii lacag badani kaga bixi jirtay sidii ay midabkooda u bedeli lahaayeen,wax mar labaad maanta lacag badani ay kaga baxdaa sidii ay cafimaadkoodii u soo ceshan lahayeen.runtiina hablo badan oo marsaday dawooyinkaasi maanta ma jecla in lagu soo hadal qaado,maxaa yeelay waxay ogaadeen dhibta ay kala kulmeen dawooyinka magaca buufis u keenay.

Runtii maqaalkani waa mid aan ugu talo galay in aan ku soo bandhigo qeyb ka mid ah waayo xanuun badan oo habluhu ay kala kulmaan isticmaalka dawooyinka la isku cadeeyo.si loo ogaado waxa laga macaasho iyo dhibta ku jirta qofka oo sidii ilahay u abuuray in uu badalo damcaa.kuwa keena dawooyinkaasi iyo inta isticmaasha iyo weliba dawladana waxan odhan lahaa midkastaaba doorkiisa uu arintan ku joojinaayo ha ka qaato.

Ugu danbeyntiina waxan odhan lahaa hablaheenu ha ka digtoonadaan dawooyinka maanta wadanka laga soo buuxiyey ee loo adeegsado in wejiga diirka lagaga qaado,iyada oo laga damacsan yahay in qurux lagu helo.waxa laga yaaba in dawadaasi aad ku weydo qurux aanad arkeynin oo aad heysato,kuuna keento foolxumo ka daran midda aad ka carareyso.midabka madowna waa mid jira,jirina doona,ogsonowna in aanad keligaa madow aheyn ee lagula qabi karo.rajada iyo qadarkana qofka cas iyo ka madowba wey u siman yihiin,oo taasi ilahayba maamulkeeda leh.siday u madowdahay uma rajo xuma!

Abdifataah Mohamed ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com

Posted In

somaliland maxaa laga damcay

dalka ma ninkaliyaa taladiisa haye maxaa laga damcay dadka iyo dalka ma sidaa iyaa horomar lagu gaadhi karaa ilama aha waayo waxaad moodaa inay ka baxday dimuqraadiyadii

Anonymous | February 10, 2010 - 3:23pm

Post new comment