Sidee lagu baabi’in karaa takoorka iyo quudhsiga lagu hayo beelaha la hayb sooco? by Nimco Iid Salaan
Waa maqaal si xidhiidh ah ugu soo baxa wargayska Jamhuuriya oo ku saabsan xaquuqda ula sinaanta iyo ka qaybgalka horumarka iyo siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco. Waxa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka beelaha la hayb sooco ee VOSOMWO, waxaana maalgelinta ka taageeray NED.
Ururka Codka haweenka Dadka Laga Tirada Badan Yahay - Voice of Somaliland Minority Women (VOSOMWO) waa urur waddani ah oo ay aasaaseen haween u kacay si ay ugu adeegaan hurumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Waxa uu higsanayaa In dadka la hayb soocaa gaadhaan maalin sharaftooda la dhaawacay ay buuxiso qadarin iyo sinnaan dhinac walba ah ay ula sinnaadaan bulsho-waynta Somaliland ee ka mid ka yihiin oo ay ula wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed si loo wada siman yahay, iyadoo laga duulayo diinteenna wanaagsan ee islaamka ah siday ina farayso ee xuquuuqda iyo sinnaanta dadka muslimka ah. Sidoo kale, distoorka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka ee la jaanqaadaya xeerarka caalamaiga ah iyo kuwa gololeed ee xuquuqda aadamaha iyo dimoqraadiyadda. Waxaa fure u ah taageerada siyaasadda iyo hoggaamiyayaasha qaranka, taageerada xukuumadda iyo golayasha sharci-dejinta, maamullada gobollada iyo degmooyinka, culimada diinta iyo hoggaan-dhaqameedka.
Haddii la helo isbeddel dhaqanka guracan ee dhamaan shacabka ka soo jeeda qabaa’ilka tirada badan ee tacadigu ka yimaad iyo sidoo kale kuwa beelaha la hayb sooco. Guud ahaan in bulshada ka soo jeedda qabaa’ilka tirada badan iyo hoggaanka dalka oo dhan ay si balaladhan u fahmaan dhibta jirta, meesha ay ku sal leedahay, isla markaana baaxadda dhibaatada ka dhalanaysa iyo saamaynta ay ku leedahay maaha nolosha dadka la hayb sooco oo keliya, balse horumarka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalkeena guud ahaan.
Markaad eegto kaalmaha hooseeya ee beelaha Gabooye kaga jiraan nolosha mujtamaca Somaliland haddii aan tusaale u soo qaadanno dhinaca maaulka, hoggaanka siyaasdada, dhaqaalaha, wax-soosaarka iyo aqoontaba. Sida runta ah takoorka ama quudhsiga qabaa’ilka la haybsooco lagu hayaa innaga oo og inay tahay hawl adag in Soomaalida laga fur-furo takoorka iyo quudhsiga. Haddana, haddii la helo iskaashiga dadka waxgaradka ah ee fahmsan dhibaatada ay caadadaas foosha xun ku hayso mujtamaca ku nool dalkan Somaliland. Taageero iyo dhawaaq xooggan oo xagga culumada diinta ah oo ay culimadu raacaan diinta dadkana raaciyaan oo aanay caado raac noqon sida dadka caammada ah. Su’aasha culimada diinta hortaallaa waxay tahay – culimadu ma waxay aaminsan tahay in dhaqanka diinta la waafajiyo, mise in diinta dhaqanka la waafajiyo?
Arrintan wax-ka-qabashadeedu waxay u baahan tahay xal aan ku soo bood iyo caaddifad ahayn oo si qorshaysan looga baaraandego oo leh istriraatiyadda waqti dheer leh oo laga wada qaybqaato heerarka kala duwan ee nolosha, gobol ilaa heer qaran. Xalku wuxuu ka iman karaa laba dhinac: 1) dhinaca uu quudhsigu amma takoorku ku dhaco iyo dhanaca uu quudhsigu ka yimaad, labada dhinacba dadkooda waxgaradka ah.
Waxa nasiib-darro ah in beelaha muddada dheer dulmanaa uu dulmigii ku yeeshay raad aad u xun, iyadoo laga yaabo inay naftooda yasaan intaan dad kaleba la gaadhin, sidaa darteed dadkkaasi waa inay fahmaan in quudhsigu yahay waxaan caqliga iyo diintuba aqbali Karin. Dadka la hayb soocaa ha ogaadeen in quudhsigu yahay imtixaan, haddii ay ku samraanna ajarkiisa heli doonaan, sidaa darteed waa in aanay is-niyad jebin, haddii ay dhulka isdhigaan ha ogaadeen inay adkaan doonto in la baabi’iyo caadadaas xun. “Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan.” Tusaale ahaan; takoorka yasidda ku dhisan tahay ee loo hayo dadkaas, sida takoorka dhinaca guurka oo ah midka ugu adag.
Haddaba, in si caam ah loo garawsan yahay xuquuqda dadka la hayb-sooco iyo inay xaq u leeyihiin inay si kasta ula siman yihiin muwadiniinta kale waa bilowga xalka.
Waxa lagama maarmaan ah in heerka xuquuqda dadka la hayb sooco ee Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geeddi-socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta guud ahaan. Dadyawga laga tirada badan yahay / la hayb sooco ee dalkan Somaliland ku nooli waxay xaq u leeyihiin sinnaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha saameeya i ay helaan.
Waan soo dhawnaynaa, aadna ugu mahadnaqaynaa abwaannada ay ka midka yihiin Abdwaan Yuusuf shaacir – oo tiriyey gabayga qiimaha badan ee Dhibbanaha la Quudhsaday iyo abwaanka Hadraawi – Dhulgariir, kuwaasoo suugaanta ugu hiilayay dadka la hayb sooco. Cid kastoo ka qaybqaadanaysa doodaha iyo falanqaynta sidii mushkiladddaas xal loogu heli lahaa waa inoo furan tahay.
Nimco Iid Salaan – VOSOMWO Hargeisa.
Related News
- Barnaamijkii Caafimaadka: Waa maxey Muhiimada ku jirta Fiitamiin D? : 9 Mar 2010 - 20:02
- Marwo Edna Adan oo ka qayb galasa Kulan Caalami ah oo ay Haweenka Dunidu isku Arkayaan : 9 Mar 2010 - 19:46
- Akhriso Gabadhii Qardho laga soo xadey oo uu Walaalkeed sheegay in la Damacsanaa in dibeda xubnaha Jidhkeeda looga Ganacsado : 8 Mar 2010 - 10:09
- Wasiirka Qoyska oo sheegtay in Sharciga la horkeeno dadkii u dhashay Somaliland ee Wakiilka u ahaa ninkii Ruushka ahaa : 8 Mar 2010 - 09:55
- "Raga qaylinaya Faarax Macalin 10 Arday ayuu waxbarasho jaamacadeed u fidiyay idinkuna Hub baad Ubadkiinii siiseen" Xaabsade : 8 Mar 2010 - 09:40
- Abwaan Sangub oo Shaaca ka Qaaday in uu Taageersan yahey Xisbiga KULMIYE : 8 Mar 2010 - 09:26
- Weftigii China ka Socday oo Madaarka Berbera ka dhoofay, & Warancade oo Faahfaahin ka bixiyey Ujeedadoodii : 7 Mar 2010 - 22:29
- Gabadh Soomaaliya laga soo Xaday oo maanta Wasaarada Qoyska ay ku Wareejisay Ehladeedii : 7 Mar 2010 - 22:22
- Xaflad Meher Oo Ilyartu is Qabatay! Hambalyo Boqor Hassan Abaadir Hassan & Boqorada Caasha Cali Farah : 7 Mar 2010 - 22:05
- Wafti Salaadiin, Guurti & Abwaano oo Jabuuti tagaya si ay uga Qayb-galaan Marti-qaad Lagu Maamuusayo Ugaaska Beesha Ciise : 7 Mar 2010 - 13:49



























Post new comment