Dhacdooyinka ka socda Somaliland: Afyaheenka Xisbiga UDUB Muj. Cali Guray oo Laga Hor Istaagay Inuu galo Madaxtooyadda
Hargeysa, (sli)- Afhayeenka Xisbiga Tallada haya ee UDUB Mujaaid Cali Guray ayaa saaka ciidanka illaada madaxtooyadda Somaliland ka horjoogsadeen inuu gallo xarunta madaxtooyadda, ka dib markii abaaro 11:00 duhurnimmo ee maanta isagoo doonaya inuu gallo madaxtooyadda ay askarta illaladu ku wargeliyeen inaan la ogolayn cid gudaha u gudubta, waxaana halkaa ka dhashay muran dhexmaray ciidanka iyo mujaahid Cali Guray.
Dad goob ka ahaa dhacdadan ayaa sheegay inay arkayeen murramnka xoogaystay ee u dhexeeya askarta iyo afhayeenka, kaasoo saxmad iyo buuq ka abuuray afaafka hore ee madaxtooyadda iyo wadada wadnaha ah ee hormarta, ka dib markii dadweyne aan sidaas u sii badnayd iyo gaadiid wadada marayey ay halkaas ku hakadeen. dadka goobta joogay waxay sheegeen inay arkayeen askarta oo tusaysa warqad aanay garanayn wax ku qoran, ka hor intii aan murranku abuurmin.
Haseyeeshee daqiiqado ka dib oo aanu goobta soo gaadhnay, ayaanu la kulanay Mujaahid Cali Guray oo taagan ka sooo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr tallaabo u jirta madaxtooyadda, isagoo dhex fadhiya gaadhiisa, islamarkaana ku mashquulsan telefoonkiisa gacanta ee Mobile-ka, oo ay ka soo yeedhayaan erayo uu ku muujinayo dareenkiisa iyo sida uu uga cadhooday arrintaa. waxaanu isku daynay inaanu weydiino waxa dhacay, balse isagoon weli jawaab noo celin, waxa goobta soo istaagay mid ka mid saraaksha sare ee illaalada madaxtooyadda, kaasoo doonayay inuu dejiyo Xaallada Mujaahidka, kuna qanciyo inuu raaco,
Sarkaal oo Gadhka haya Mujaahid Cali Gurey
laakiin isagoo Cali Guray ku mashquulsan weli telefoonkii uu gacanta ku hayay wuxuu ugu jawaabay sarkaaslkaa "Waan is-casilayaa, dibna umma gelayo, innan gumeed baa tihiin, isagana {madaxweyne Rayaale} imikaan telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan Guul-wadayaashii Cali Gobonimmo iyo kuwa la midka ah ayuu na moodayaa"
kuwaasi waxay ahaayeen erayadii uu Cali ugu jawaabay Sarkaalka ka socday Madaxtooyadda oo aan weli ku qanacsanayn inuu sidaa kaga tago, laakiin akhirkii guul-darro kala hulleelay.
Mujaahid Cali Guray, oo u muuqday in laga qaban waayey ama uu mashquul galay telefoonkii "Telefoonka oo la-kal dhigay ama lagu hadlayey" madaxweyne Rayaale ee uu doonayey inuu la hadlo waxa uu ka dhaqaaqay goobtii, isagoo ku dhawaaqayay erayo ah ka mid yihiin "Saxaafadda ayaan immika isugu yeedhayaa" dhawr ka mid ah dhallinyaro ag taagnayd oo la socday xaallada illaa iyo wixii ka dhacay afaafka madaxtooyadda, ayaa ugu dhawaaqay "Caliyiw is-casil oo isbed-doonka ku biir amma halkaagii ku noqo"
Berbera News
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo Mar qudha Shaqadii ka Eriday Shaqaale badan oo Ku-Meelgaadh ahaa iyadoo Wax wargelin ah la siin : 2 Sep 2010 - 20:36
- Xidhiidhkii Itoobiya & Somaliland oo sii Xumaanaya iyo Xukuumada oo Dib-u-eegis ku samaynasa Jidka Isku Xidha Berbera & Itoobiya : 2 Sep 2010 - 20:29
- Taliyaha Ciidanka Booliska Laascaanood oo sheegay in Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Asluubta uu ahaa Mid Aano Qabiil ah : 2 Sep 2010 - 20:07
- Ururka UDHIS oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay inuu Kaga Dhabeeyo Balanqaadyadii, haddii kale Cawaaqib Xumo ayuu la Kulmi : 2 Sep 2010 - 20:01
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland oo ku Taliyay in laga Faa'ideysto Xooga Maxaabiista si loogu dhiso Xabsiyo Waa Weyn : 2 Sep 2010 - 19:51
- Arin la yaab leh oo ka dhacday Wadanka Somalia kadib markii ay Kooxo Ma Soomayaal ah & Kooxo Soomayaal ah uu dagaal dhexmaray : 2 Sep 2010 - 18:25
- Tony Blair oo Buug uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku dhintay dagaalkii Ciraaq! : 2 Sep 2010 - 01:17
- Al Shabaab oo soo Bandhigtey Askari kasoo goostay Ciidamada Sheekh Shariif : 2 Sep 2010 - 01:08
- Dhageyso: Gud. UDUB ee Gobolka Awdal oo ka waramay Xadhigiisii & inay qabanqaabinayaa Mudaaharaadyo looga soo horjeeda Xukuumada : 1 Sep 2010 - 17:25
- Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Britain : 1 Sep 2010 - 13:38
















Post new comment