Idaacadii 16aad oo maanta Muqdisho laga furay iyo Halka Somalilandna ay leedahey Laba idaacad kaliya
Muqdisho, (sli)- Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay tahay mid ku shaqeyneyso xaalad qatar ah saxafiyiintuna qaar la dilayo, qaar la dhaawacayo qaarna ay ka cararayaan dalka ayaa hadana waxaa marba marka ka sii dambeyso ku soo badanayo magaalada Muqdisho ee Caasimada Hey'adaha Warbaahinta ay leeyihiin ganacsato ama dad ka madax banaan nidaamka dowliga ah.
Hadaba Magaalada Hargeysa ayaa laga dhageystaa Idaacada Codka Dowlada ku hadasha iyo Radio Horyaal oo iyada aan Xukuumada Aqoonsaneen oo ay wali Baadigoob ugu jirto sidii ay u xidhi laheyd iidaacadaa labaad, Xukuumada Somaliland oo doonasa in ay Cidaacad walba faragaliso halka idaacadeedii ay dayacdey.
Waxaa isweydiin mudan sababta Somaliland loo Cunaqabateeyo idaacadaha, halka ay idaacadaha Cadowga Somaliland ee dhulalka fog fog iyo Gobalada Somalia ka soo la-liyaan oo ay beentooda iyo danahooda laga dhageysto Gobolada Somaliland, idaacadahaasoo kala ah VOA, BBC, Radio Garow iyo kuwa kale oo farabadan oo aan halkan ku soo koobi karin.
Wasiirka WarfaafintaWaxaa shaki ku jirin in Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi uu Cunaqabateen iyo Cago-jugleyn ku hayo Wariyeyaasha idaacada Codka Dowlada iyo Wariyeyaasha kale ee iskood u madaxbanaan, wasiirkan oo aan hal idaacad ku oolin Gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal ee hadana idaacadii kaliya ee ay ka dhageysan jireen Caasimada Hargeysa uu ka door bidey in lagu badiyo Barnaamijyada Suugaanta sida Heesaha, kaasoo uu ka mamnuucay Barnaamijyadii Bulshada, Siyaasada Somaliland halka ay maraso oo kala socon lahaayeen Xukuumadooda waxey ku talaabsanaso ama u qaban laheyd dhamaan Somaliland iyo siiba Barnaamijyadii Diinta, Baraarujinta ama Waxbarashada.
Dhinaca kale sida uu Wariyaha Somalilandinfo ee Muqdisho ku soo waramey maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Janaayo waxaa lagu wadaa in si rasmi ah xariga loogaga jaro Idaacadi 16-aad oo FM-ah oo laga dhageysanyo magaalada Muqdisho, waxayna sii badineysaa idaacadaha ka howl gala ee ka jira magaalada Muqdisho.
Idaacada Maanta loo fasaxi doona hawada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa Idaacada Tusmo oo ku soo biireysa Idaacadaha gaarka loo leeyahay ee ka howl gala magaalada Muqdisho.
Idaacadaha ka jira Magaalada Muqdisho:
1-Radio Banaadir,
2-Horn Afrika,
3-Shabelle,
4-Somaliweyn,
5-Simba,
6-Sahan,
7-Idaacada Quraanka Kariimka,
8-Codka Nabada,
9-GBC,
10- Idaacada Xurmo,
11-Danan,
12-Radio Xamar VOD,
13-Al-Furqaan,
14-Radio Muqdisho Codka Dowladda,
15-Cabital Voice,
16-Tusmo
Somalilandinfo.com
La soco Dhacdooyinka ka socda Somaliland...
Related News
- Barnaamijkii Caafimaadka: Waa maxey Muhiimada ku jirta Fiitamiin D? : 9 Mar 2010 - 20:02
- Marwo Edna Adan oo ka qayb galasa Kulan Caalami ah oo ay Haweenka Dunidu isku Arkayaan : 9 Mar 2010 - 19:46
- Akhriso Gabadhii Qardho laga soo xadey oo uu Walaalkeed sheegay in la Damacsanaa in dibeda xubnaha Jidhkeeda looga Ganacsado : 8 Mar 2010 - 10:09
- Wasiirka Qoyska oo sheegtay in Sharciga la horkeeno dadkii u dhashay Somaliland ee Wakiilka u ahaa ninkii Ruushka ahaa : 8 Mar 2010 - 09:55
- "Raga qaylinaya Faarax Macalin 10 Arday ayuu waxbarasho jaamacadeed u fidiyay idinkuna Hub baad Ubadkiinii siiseen" Xaabsade : 8 Mar 2010 - 09:40
- Abwaan Sangub oo Shaaca ka Qaaday in uu Taageersan yahey Xisbiga KULMIYE : 8 Mar 2010 - 09:26
- Weftigii China ka Socday oo Madaarka Berbera ka dhoofay, & Warancade oo Faahfaahin ka bixiyey Ujeedadoodii : 7 Mar 2010 - 22:29
- Gabadh Soomaaliya laga soo Xaday oo maanta Wasaarada Qoyska ay ku Wareejisay Ehladeedii : 7 Mar 2010 - 22:22
- Xaflad Meher Oo Ilyartu is Qabatay! Hambalyo Boqor Hassan Abaadir Hassan & Boqorada Caasha Cali Farah : 7 Mar 2010 - 22:05
- Wafti Salaadiin, Guurti & Abwaano oo Jabuuti tagaya si ay uga Qayb-galaan Marti-qaad Lagu Maamuusayo Ugaaska Beesha Ciise : 7 Mar 2010 - 13:49



























Haybe waxey illa tahey in
Horta qofka qof ku sheega jaahil isagaa jaahil ah oo taa shaki kuma jiro,markasta oo aad qof farta ku fiiqdana adigana suulkaa kugu fiiqan,intaa haddaan kaga gudbo qolooyinkii jaahilka igu sheegay aan u dhaadhaco faa'iidada ay ku sheegeen idaacado badan.
Horta la ogaayoo qaran kuma dhismo isagoon laba aqoonsanayn idaacado badan,tan Xamar ka taaganina idaacad walba reerbaa ka hadla oo reeraha kale ku durduriya,waxaase la maldahaa magaca idaacada malaha aqoon baa idiinku laabane.
Haddaba su'aashu waxay tahay iyadoon wali la ina aqoonsan,qaarkeen aanay wali ka soo kaban qaxootinimadii,madaxda qaar maanta jooga sida kuwii shalay Daahir Rayaale u qaadayay heesta DHULKA SOW ANIGU MALIHI IYO NINKII DHOOF KU YIMID BAY GEERIDU DHIBAYSAA,ma idinla tahay in ay haboon tahay in la horboodo oo loo furo idaacado la magac baxay;
HABARYOONIS VOICE,(mise waxaynu u bixinaa Oodwayne Voice)
RADIO HABARJECLO CABAAD(sidoo kale Yiroowe Radio,and so on the rest)
HABARAWAL BRODCAST MEDIA,
ARAB TV,
CIIDAGALE NEWS,
MAKAAHIIL SAMAROON RADIO,
MAXADCASE MURAAYADDILAAC VOICE OF LUGHAYA'
JIBRAACIN JOURNAL,
DHULOOS DAILY MEDIA,
WARSANGELI LATEST INFO,iyo qaar kaloo badan?
Jawaabtu waxaa la waydiin dadwayaha wadaniyiinta xalaasha ah ee nabada dalkan aan aqoonsi iyo dhaqaale midna lahayn ku dadaalaya.
Imikaa saaxibayaal khaati laga taagan yahay kuwa jira ee internetka ka soo gala ee aabahay goblanta lagaga hadlo kuwa ka shaqeeyana yaa tolaay lagu shaqaalaysiiyo.
Dabeeto aan eegno bal halka ay ku dambayso Somaliland iyo saadaasha aqqonsigeedu.Haddaba qol
Waxaan filayaa inay qoladii aqoonta ku faanaysay ay dib isugu noqon doonaan,waxaanan odhan lahaa waar bal dib iskuulo u gala oo soo kala barta farqiga u dhexeeya Qaran iyo Qabiil,inkastoon uba malaynayo inaydaan waligiin iskuul ka xaadirin,haddaad tagteena dugsi hoose kaga baxdeene.
Wasalam
Haybe
Hargaysa,Somaliland.
Dadka Somaliland oo iyaga ah
Dadka Somaliland oo iyaga ah dad Af Somaliga Nuxur iyo Dhandhan u yeela, ayaa waxaad moodaa in dagaal hoose lagu wado oo Warbaahintoodii, idaacadoodii iyo horumarkoodii laga hortaagan yahey, Wadana haduu cidaacado badan laheyn horumar ma gaadho oo halkiisa unbuu taagnaadaa, oo caqligu ma koro, cilmina uma kormo.
Ma runbaa in Xukuumada Somaliland iyo Puntland
Ma runbaa in Xukuumada Somaliland iyo Puntland ay heshiis wada galeen in Idaacadaha la yareeyo, halka ay puntland ka idaacad badan tahey Somaliland, oo ay been uga talaabsatey si shacibka somaliland ay Xukuumada somaliland u cunaqabateeso oo dib u dhac iyo jahli ku yimaado ummada somaliland.
War hooy Somaliland hurdada ka kaca oo wax qabsada oo isgaadhsiinta awooda saara, waa iga dardaaran
Idaacadii 16aad oo maanta Muqdisho
U malayn maayo in loo calaalayo in aynu 16 idaacadood yeelano,waayo hadday idaacado badani wax hagaajiyaan Xamar bay ka muuqa lahayd.
Haybe
Hargaysa,Somaliland.
Haybe waxey illa tahey in
Haybe waxey illa tahey in aadan la socon faa'iidada ay leedahey isgaadhsiintu maxaa isku xidhey idaacadaha badan ay leedahey somalia iyo ta somaliland, waxaan kuu sheegayaa idaacadaha ma aha in ay wax dumiyaan ama colaad huraan ee waxaa loo sameyaa si dadka loo cilmi galiyo waana sida ay Somalida muqdisho wado oo ay doonayaa in ay dadkooda wax ku baraan oo jahliga iyo ku tiirsanaanta idaacaha dadka kale leeyihiin uga maarmaan, marka ma waxaad doonasaa in ay somaliland hoos timaado Somalia oo idaacadahoodaas ay dhageystaan oo dadka somaliland afka la qabto oo jahli iyo dib u socod ku abuurto,
su'aasha bal adaan kaa sugayaa waa adigan isla roon oo tusaal caanteen ah soo bandhigey, mise waxey kaa tahey xukuumadaa lagu ceyn doonaa ee yaa idaacado badan la sameyn my friend u r wrong, qof dowladiisa naceb ma jiro ee waxaa la doonayaa in dowlada la saxo markey khalad gasho lana tuso markey wax fiican sameyso si dadka dooranaya ay u ogaadaan ciday dooranayaa..
Haybe sxb ka fiirso intaadan hadal ee iska daa dib u socodka iyo jahliga.
nabadgalyo...
Sahal
Hargeysa
Post new comment