Ma Laga Yaabaa In Komishanka Doorashooyinku Dalka Ku Khal-Khaliyaan Aamusnaan Halka Kuwii Hore Ku Khal-Khaliyeen Hadal Badan?
Somaliland ayaa waxa mar kale miisaankooda saaran Komishanka Cusub ee qaabilsan Doorashooyin aan la ogeyn wakhti ay dici doonaan, balse ah rajada keliya ee Somaliland kaga badbaadi karto qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni darro ka dhalata muran kale oo saameeya doorasooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, isla makaana ay soo baxaan arrimo soo afjaraya Samirka iyo dulqaadka shacab weynaha khaatiga ka jooga xukuumadda Rayaale.>
Komishankan oo ay ilaa imika reer Somaliland u haystaan odayaal iyo aqoonyahanno isku darsaday Edeb, Aqoon iyo sifooyin kale oo laga yaabo inay la wadaagaan Komishankii hore ama kaga duwanyihiin.
Marka la eego hawlqabadka Komishankan cusub ee lagu magacaabay shuruudihii xisbiyada mucaaradku ku xidheen degenaanshaha dalka iyo siyaasaddisa ayaan ilaa imika cidd soo hadal qaadi kartaa aanay jirin maadaama xisbiyada, dawladda iyo dalalka Somaliland saaxiibka la ahi isku qanciyeen inay yihiin kuwa Somaliland gaadhsiin kara dimuqraadiyad kale iyo doorashooyin xor oo xalaal ah,
sidaa darteedna ay dhamaan dhinacyadaasi shacbiga iyo siyaasiyiintaba kula taliyeen inaan hawlahooda farageliyaan, balse dhinaca kale arrimaaasi waxay durba keeneen weji kale oo dhinacyada siyaasadda Somaliland isku haya dareen geliyey, balse dhinac keli ahi ku dhici la’yahay inuu bilaabo wax ka sheegga Komishanka cusub ee doorashooyinka. Markaad eegto dhinacooda ama dhinaca komishankaasi, waxaad mooddaa inay weli bulshada, dawladda iyo xisbiyadaba gooni iskaga xidheen, isla markaana ay go'aansadeen in aanay cidna la hadal, xitaa marka lagu daro hawshii loo igmaday ee ahayd dooraashooyinka.
Komishankaasi weli ma caddayn in dalka doorashooyin ka dhacayaan saddex bilood ama afar bilood kaddib markii ay meesha ka saareen Komishankii hore ee lagu eedeeyey inay khalkhaliyeen siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalkaba, isla markaana iyaga laftoodu iskaga hor yimaaddeen warbixino badan, hadal badan iyo musuqmaasuq badan, Inkastoo Komishankaa hore mar kasta sheegi jireen wax dadka ka farxiya, been iyo run midlkay doontaba ha ahaatee, ayaad mooddaa in Komishankan cusubi aanu weli maalinna ka farxinin daweynaha, dawladda iyo xisbiyadaba, isla markaana aad mooddo inay iyagu noqdeen astaan dadkan lagu illawsiinayo waxay xaq u leeyihiin oo ah doorashooyin dalka ka dhaca sida ugu dhakhsaha badan.
Weli may sheegin goortay xafiisyo doorasho la furi doono, weli may sheegin inay hawsha doorashooyinku soconayso wakhti dhaw iyo inyasna socon doonin. weli may sheegin, inay haystaan kharashkii lagu geli lahaa doorashooyinka, tababarida shaqaalaha iyo hawlwadeenada ka hawlgeli doona, weli may magacaabin cid, sida ay mustaqbalka uga hawlgeli doonaan gobolada dalka oo dhan.
Arrimahaas oo dhamina waxay muujinayaan sidda Komishankani ku doonayo inuu aamusnaan ugu fadhiyo kuraasta sannado, bilo ama wiigag, iyagoo aad moddo in haddii ay shacbiga wax u sheegaan lagu soo jeesan doono sidaa darteedna ku talo galeen in gebi ahaanba la illoobo Komishanka cusub, doorashooyinka, tartanka axsaabta iyo kormeerayaashaba.
Sidoo kale ayaanay Komishankani kala saarin cidda kala saari doonta diiwaangelintii, waxay ka yeeleen Interpeaace, inkastoo xukuumaddu iyo iyaguba sheegeen in arinkaasi laga heshiiyey weli lama hayo ciddii beddeli lahayd, marka laga reebo shirkad lagu sheegay Ingiriis oo qandaraas lagu siiyey hawsha Serverka.
Sidoo kale Komishankan cusub ayaa looga baahnaa inay sheegaan dhibaatooyinka haysta si wax loogala qabto oo waxay dawladdu ka qaban kari weydo ama diiddo inay qabato xisbiyada mucaaradka ah weydiisato. waxa qudha ee ay hayaana waa kalsooni aan la ogeyn inta ay sii socon doonto oo ay shacbiga iyo dawladdaba ka haystaan. Dadka qaar ayaa durba aamuska Komishankan cusub shaki ka muujiyey una qaatay inay dawladda shuraako kula yihiin aamuska iyo wax qarinta lagu yaqaanno xukuumadda Rayaale.
Komishankan cusub ayaa qaarkood hadalhayaan inaya mar kale u kici timi doonaan dal debedda ah si loosoo tababaro, halka kuwa kalena sheegayaan in Komishankan cusubi ka amar qaato dalal kale oo aan jeclayn in lasoo haddal qaado doorashooyin xor ah, dimuqraadiyad iyo mucaaradba, sidaa darteedna ay ballamo qarsoon ka haystaan siddii loo taageeri lahaa ama xukunka loogu dheerayn lahaa xukuumadda maanta dalka haysata ee UDUB.
Si kastaba ha ahaatee shaqaale, guddi ama masuuliyiin kaleba waxa la bartaa marka ay guddo galaan hawll loo xilsaaray, balse haddii aan looba diran wax hawl ah ama aan laga maqal hawlo ay qabteen lama qiimayn karo wanaaggooda, xumaantooda, caddaladdooda iyo caddaalad daradooda, dhex dhexaadnimadooda iyo eexashadooda, sidaa darteedna Komishanka cusubi u muuqdo mid aan weli hawl qabanin, isla markaana aan lala ogeyn firfircoonaantooda, adkaysigooda, daacadnimadooda iyo aqoontooda, saddex bilood ama afar bilood ku dhawaad aanay weli wax ka farxiya xisbiyada mucaaradka, kana cadhaysiiya muxaafidka ummadda u sheeginna ayaa loo qaadabn karayaa wakhti ka lumay horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland oo sii murginaya is’aaminka iyo wadashaqaynta bulshoweynta Somaliland dawladd iyo shicib, siyaasi iyo waxgaradka kaleba,
sidaa darteedna aamuska Komishanka qaranku sabab u yahay xumaan kastoo kusoo socota siyaasadda Somaliland haddii aanay degdeg uga farxinama uga cadhaysiinin dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland, haddii ay taasi kun dhaqaaqi waayaanna loo qaadan karayo in komishanka cusub dalka aamusnaan ku duminayo, halka kuwii ka horreeyey ku dumin gaadheen hadallo been ah iyo musuqmaasuq, balse la dareemi karayey inay ka dhaqdhaqaaq badnaayeen komishanka haatan ku oodan gurigii la fadhiisiyey maalintii xilka loo magacaabay.
Weriye Maxamed C. Sheekh
Related News
- Ciidanka Amaanka ee Laascaanood oo Xabsiga u Taxaabay Shan Suxufi oo shaqadooda ku guda jiray : 11 Mar 2010 - 20:12
- Xukuumadda Somaliland oo u digtay Isimada Gobolka SOOL iyo Heegan la galiyay Ciidamada Amaanka ee Somaliland : 11 Mar 2010 - 20:03
- Afhayeenka xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda ku eedeeyey in xiliga doorashooyinku soo dhawyihiin ay bilawdo balan qaadyo Been ah : 11 Mar 2010 - 19:48
- "Somaliland waxaa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato, Canshuurtana lagu Naas-Nuujiyo" Cali Khaliif Galaydh : 11 Mar 2010 - 19:18
- Sawiro: Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqasho ku tagey Magaalada Burco : 11 Mar 2010 - 18:55
- Xisbul Islaam oo dagaalkii maanta wax gacan ah ka gaysan ugana baxday Al Shabaab : 11 Mar 2010 - 18:07
- Watch: Saudi's King Abdullah awards Turkey's Erdogan for service to Islam : 10 Mar 2010 - 22:29
- Afhayeenka Xibiga Udub oo si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo : 10 Mar 2010 - 19:40
- Bayaan:- Salaadiinta Habar Yoonis oo ka shiraya sidii Magaalada Maydh looga furi lahaa Dakad Maraakiibtu ku soo xirtaan : 10 Mar 2010 - 19:23
- Qandaraas ku baxaya 500-kun oo dollar oo lagu dayactirayo Madaarka Hargeysa oo uu Warancade ka cadhooday, iyo Madaarka oo xidhan : 10 Mar 2010 - 19:13



























Post new comment