Ka faa'ideyso: Gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha iyo Sidii uu ku Bilaabmay
Burco, (sli)-Qormadan oo noqon doonta bille waxaan kaga hadli doonaa taariikha gudniinka hablaha qaybihiisa kala duwan sida fircooniga iyo sunnaha, Waxa diyaarisay hay’adda waddaniga ah ee Candlelight xafiiskeeda magaalada Burco.
Gudniinka fircoonigu waxa uu dunida ka bilaabmay 50 qarni ka hor dhalshadii Nebi Ciise (CS), waana caado iyo dhaqan ka soo jeeda dalka Masar, waxana soo saaray ninkii la odhan jiray Fircoon oo ka talin jiray dalka Masar, ahaana ninkii adduunka ugu gaalnimada badnaa ee sheegtay Ilaahnimada.
Waxaynu ognahayna sida taariikhda ku cad makey u sheegeen faaliyayaashiisii inuu dhalan doono wiil reer Bani Israa’iil ah, isla markaana ka qaadi doona boqornimada. Fircoon wuu rumaystay warkii ay u sheegeen faaliyaashiisii, markaas ayaa isagoo xukunkiisii u baqaya uu isyidhi yaan rag kugu soo kicin, dabadeedna dumarkii ayuu ku bilaabay in la jarjaro oo la toltolo. Halkaas ayuu ka soo jeedaa gudniinka fircoonigu, waana halka asalkiisu ka yimi.
Waa dhaqan aan diinta islaamka meelna ka soo gelin, xukunka shareecadana gef ku ah qofka iyo dhibaato loo geysayo.
Markii Faraacinadu muddo ku dhaqmayeen caadada gudniinka hablaha ee Fircoon ayey u soo gudubtay waddamadii ay xidhiidhka ganacsi lahaayeen Carabta, Aasiya iyo Afrikaankaba ee isticmaali jiray.
Afrika waxa ka isticmaala 28 waddan oo kala ah; Benin, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Chad, Cote d'Ivoire , Democratic Republic of Congo, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Eritrea, Gambia, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Kenya, Liberia, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Senegal, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Tanzania, Togo iyo Uganda.
Sidoo kale Carabta waxa istimaalay 3 dal oo kala ah; Oman, United Arab Emirates iyo Yemen, halka dalalka Aasiyana lagaga dhaqmo 4 waddan - India, Indonesia, Malaysia iyo Pakistan.
Dhammaan waddamadasi waxay isticmaali jireen afarta nooc ee gudniinka habluhu u qaybsamo oo ah fircooni iyo sunni, waxayna ku kula duwan yihiin dalalka isticmaala caadadan d’ada gabdhaha lagu sameeyo, waxayse u badan yihiin 7-10 jir.
Dalalka sameeya amma isticmaala gudniinka hablahu waxay haystaan diimo kala duwan, sidaa darteed looma tiirinkaro diinta islaamka.
Qormada waxa diyaarisay weriye Sahra Cabdiwahaab Sh. Axmed.
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo Mar qudha Shaqadii ka Eriday Shaqaale badan oo Ku-Meelgaadh ahaa iyadoo Wax wargelin ah la siin : 2 Sep 2010 - 20:36
- Xidhiidhkii Itoobiya & Somaliland oo sii Xumaanaya iyo Xukuumada oo Dib-u-eegis ku samaynasa Jidka Isku Xidha Berbera & Itoobiya : 2 Sep 2010 - 20:29
- Taliyaha Ciidanka Booliska Laascaanood oo sheegay in Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Asluubta uu ahaa Mid Aano Qabiil ah : 2 Sep 2010 - 20:07
- Ururka UDHIS oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay inuu Kaga Dhabeeyo Balanqaadyadii, haddii kale Cawaaqib Xumo ayuu la Kulmi : 2 Sep 2010 - 20:01
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland oo ku Taliyay in laga Faa'ideysto Xooga Maxaabiista si loogu dhiso Xabsiyo Waa Weyn : 2 Sep 2010 - 19:51
- Arin la yaab leh oo ka dhacday Wadanka Somalia kadib markii ay Kooxo Ma Soomayaal ah & Kooxo Soomayaal ah uu dagaal dhexmaray : 2 Sep 2010 - 18:25
- Tony Blair oo Buug uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku dhintay dagaalkii Ciraaq! : 2 Sep 2010 - 01:17
- Al Shabaab oo soo Bandhigtey Askari kasoo goostay Ciidamada Sheekh Shariif : 2 Sep 2010 - 01:08
- Dhageyso: Gud. UDUB ee Gobolka Awdal oo ka waramay Xadhigiisii & inay qabanqaabinayaa Mudaaharaadyo looga soo horjeeda Xukuumada : 1 Sep 2010 - 17:25
- Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Britain : 1 Sep 2010 - 13:38
















Post new comment