Mucaaridkii ugu Nasiibka badnaa uguna Ayaanka Darnaa Qalinkii ISMAIL M GADIID
Wacanoo wanaagsan, akhriste waxeynu qormadan ku faaleyn doonaa wacyiga iyo wayaha siyaasadeed ee geeska Africa, haa oo waa mucaaridkii ugu nasiibka badnaa mucaaridka hada ka jira Jamhuuriyada Somaliland sababtoo ah waxey ku soo beegmeen:
• Maamul baahsan oo habacsanaan badani ku jirto
• Nidaam ku jira yagleel oo leh galdaloolo aan lasoo koobi Karin
• Dastuur uu ku jiro LAAXIN aad u weyn oo nidaamka dheeli ku ridey
• Bulsho u ooman ISBEDEL balse ka daashey hebel BEDEL IWM
Haa oo mar kale waa mucaaridkii ugu ayaanka darnaa ee soo mara taariikhda JSL isla markaan si weyn loogu xusi doono taariikhda Somaliland sababtoo ah
• Dhaliisha oo ay ka doorbidaan bandhiga aragtidooda siyaasadeed
• Siyaasadooda oo ka qofowdey kuna daaleen wax ka sheega shaqsiga xagii ay nidaamka yoolka saari lahaayeen.
• Fursadaha ay heystaan iyo kartida aqooneed oo ayna marna biyo-dhiijinin
• Nidaamka curdinka ah ee sida shaandhada oo kale u daldaloola una baahnaa aragti siyaasadeed oo buuxisa oofaha daloola ee nidaamka oo ay garab mareen IWM.
Su’aali kama taagna in bulshada Somaliland sideedaba u ooman tahey Isbedel dhabb ah waqtigan xaadirka ah haseyeeshee macnaheedu maaha imika CID UUN IYO SI UUN, ee wey u meel deyeyaan, oo wey gagab gooyeen, oo sahan la’aan ayeey marar hore guureen, oo midho darey ayeey horee duuduub ugu liqeen hadase waxa laabtooda ka guuxaya
midho darey hadaan beri
duuduub ku liqi jirey
doorkan waxaan hubsanayaa
dirxi inuu ku hoos jiro (gaariye)
Qodobka aduunka oo dhami dilaalo ayaa Somaliland agteeda isagoo bisil yaala maamulka hada joogaaana midhahaa bisil ma heli karo sababahana waxaa ugu weyn weel u nidaamsan oo lagu soo qaataa ma unkana, hada gara’oo waa xaalada siyaasadeed ee gobolka bariga Africa guud ahaan, mucaaridku waxey fursad badan u haysteen iney godkaasi buuxintiisu faa’ido dhaqaale iyo siyaasadeedba leedahey yaheyna qodob iibkiisu fududaa shaley iyo manta berito-se mooyi.
Godka dhaxanta badan ku haya bulshada Somaliland degen muran la’aan waa cadaalad xumida bariisatey dalka taas oo ciriqeedu ku arooro qaab dhismeedka garsoorka ee Dastuurkeenu dhigayo oo uu isku lifaaqeyo waaxaha GARSOORKA IYO FULINTA oo ay aheyd iney kala madax banaanaadaan nidaam ahaan,
halkaasna mucaaridku wuu ka baaqsadey iney buuxiyaan waaney kala masuugeen bulshada Somaliland waxey labada doorbideen iney bulshada Somaliland iyaga u abaal guddo halkii ay ka aheyd iney umadda u Ill-bixiyaan halka dhaxantu kaga imaneyso weliba la odhan karo qodobkan wey ka badheedhayaan si ay ugu fadhiistaan kursiga isku darsadey awood badnaan lagusii lifaaqey waaxdii garsoorka hadii kale oo la yidhaa kamay badheedhine balse may dhaadeynin qodobkaas LAAXINKA ah markaasna waxeynu odhan karnaa umaba qalmaan hogaanka umadda sababtoo ah ma laha aragti siyaasadeed oo ay caqabadaha umadda kaga saaraan,
si kastaba ha ahaatee waxa la joogaa xiligii doodo furan oo leh ujeedo durugsan laga geli lahaa gudaha Somaliland(khaastan Jaamacadaha) iyo dibedaba, lana dhaafo aragtida gaaban ee muranka madhaleyska ah ee hebelbaa federal ah iyo heblaayaa guri iibsatey taasoo gef iyo cey ku ah caqliga saliimka ah.
Gebegebadii Somaliland waxey u baahan tahey ISBEDEL NIDAAM ee uma baahna BEDEL hebel, qaloocu wuxuu ku jiraa dhismaha guriga si kastood gudaha guriga uga shaqeyso ama aad ugu daasho gara’oo gurigii wuu marooraa hadaad toosin weydana wuu dumi.
IMGadiid
LONDON
imgadiid@gmail.com
Related News
- Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in doorashada Somaliland wakhti badan qaadan doonto : 11 Mar 2010 - 21:43
- Ciidanka Amaanka ee Laascaanood oo Xabsiga u Taxaabay Shan Suxufi oo shaqadooda ku guda jiray : 11 Mar 2010 - 20:12
- Xukuumadda Somaliland oo u digtay Isimada Gobolka SOOL iyo Heegan la galiyay Ciidamada Amaanka ee Somaliland : 11 Mar 2010 - 20:03
- Afhayeenka xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda ku eedeeyey in xiliga doorashooyinku soo dhawyihiin ay bilawdo balan qaadyo Been ah : 11 Mar 2010 - 19:48
- "Somaliland waxaa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato, Canshuurtana lagu Naas-Nuujiyo" Cali Khaliif Galaydh : 11 Mar 2010 - 19:18
- Sawiro: Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqasho ku tagey Magaalada Burco : 11 Mar 2010 - 18:55
- Xisbul Islaam oo dagaalkii maanta wax gacan ah ka gaysan ugana baxday Al Shabaab : 11 Mar 2010 - 18:07
- Watch: Saudi's King Abdullah awards Turkey's Erdogan for service to Islam : 10 Mar 2010 - 22:29
- Afhayeenka Xibiga Udub oo si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo : 10 Mar 2010 - 19:40
- Bayaan:- Salaadiinta Habar Yoonis oo ka shiraya sidii Magaalada Maydh looga furi lahaa Dakad Maraakiibtu ku soo xirtaan : 10 Mar 2010 - 19:23




























Post new comment