Maansadii Soolane oo la socotay Silsiladii Sa'layda sir ma qabe iyo Abwaan Khadar Kayse Maxamuud
Sa'layda sir ma qabe waa Silsilad mudo soo socotay oo abwaaniin farabadan oo ku jira Ururka Hal Abuurka ay soo daadahinayeen iyagoo Abwaanada Ururka Hal Abuurka uu mid waliba ka qaybqaatey, ayaa maanta waxaan go'aasaney in aynu idin soo bandhigno Maanso Gilgishey Madashii aad iyo aadna u xiiso badneed Maansadanoo uu Curiyey Abwaanka Weyn ee Caanka ah Abwaan Khadar Kayse Maxamuud maansadaasoo uu ugu magacdarey SOOLANE waxeyna aheyd Maansadii 16aad ee la socotay Silsiladii Sa'layda Sir ma qabe, Maansadan SOOLANE oo uu soo saaray ama ka soo maaxday sanadka markuu ahaa 2009, hadaba aan iska kaaya baxno idinka iyo Abwaan Khadar Kayse Maxamuud iyo Maansadii Soolane:
Dhalintaanu sabadiyo
Saligi aqoontiyo
Suugaan wadaagniyo
Inta samaha jeceleey
Salaantii islaamkiyo
Salaawaadka nabigiyo
Sunihii rasuulkaan
Ku salaamayaa gebi
Marka xigana sarbeebtiyo
Faaladan salkeedii
Ninba meel u saaree
Sahwiyaa dhaqaaqdee
Dar siyaaasadeeyee
Samadaa la koraybaan
Horta soo deg leeyahay
Saaxiibka wacaniyo
Adiguna siciidoow
Jacaylkani ku solayee
Inta uu ku saanyaday
Sanka kaa dalooshee
Intuu seeto iyo dabar
Labadaba ku wada sudhay
Siidhi kuu afuufee
Kugu xidhay silsiladee
Kugu riday sursuurtee
Faralkii ku seejee
Kaa soonshay oontee
Saacii la joogaba
Sabaday ku noolayd
Barafkaa sabbeeyo
Kugu yidhi socoo gaadh
Aniguu i saaqoo
Sidaadaan ahaayoo
Warmuhuu sitaabuu
Halbawlaha ku sarayoo
Wakhtigaan sagootiyey
Ama aan salkaba dhigay
Waa sideetamaadkii
Sababtuna waxay tahay
Soo jireen ayaan ahay
Sanadkiisu waynyahay
Dadku ruux silooniyo
Soongaa lay malay jiray
Sidoon saarar leeyaa
Sacab laygaraaciyo
Saamo laytumayee
Aan kaa sanceeyoo
Talo aan ku siiyee
Sibqi erayadaydoo
Waanada ku soo durug
Marka ay su’aal tahay
Ha ka sugin jawaabaha
Singalkaan ogaynee
Saadaalinaayiyo
Surinkaa ninkaan marin
Ama saayibta u qaban
Ma sifaynkaraayee
Solanaha ha waydiin
Xaajadu surwaaliyo
Gacmahoo la saydhiyo
Singalaydh hadday tahay
Misna ay ku saacidi
Sabigaad dhashaaniyo
Sabadana ka adagtahay
Iyo soo dhawayntaba
Marka saafir aad tahay
Hadday sooryadaadiyo
Sahayduba diyaartoo
Sibraarkaagu hilanyahay
Soomaali dhaafoo
Siiqna muu haddeer dhalo(Siiq=hindi)
Ama saancadaaleba (gaal)
Sinjigeedi hore iyo
Ha ku daalan saban tegay
Saxansaxo udgooniyo
Waa seermawaydoo
Sheekadu sideedaba
Sirbay cidhib kuleedoo
Sagxaddaa rag joogaa
Kula raba suldaarade
Ha ka degin sangahakani
Ha ka suulin weligaa
Diintu way saxaysaa
Waxa saaka joogiyo
Waxa soo socdee maqan
Ku salee aqoontaa
Ka salgaadh xogteedana
Saatirbaa hadeeyoo
Nin samraa sadkii hele
Ha saluugin weligaa
Abwaan Khadar Kayse Maxamuud
Afartaa sureerkiyo
Siibadiiba ma u xidhay
Nimankaa salaaftee
Sahan beena guuriyo
Saha maanta joogow
Sadar kalena wuxu yahay
Somaliland iyo
Ninka saaxil joogoow
Safka uu horkacayiyo
Saaxiib talaabooy
Dhaqankiyo hidaha sugan
Dharka sideen u xidhanaa
Suxuladda banaaniyo
Saddex qaydku waa maxay
Timahoo la soohoo
Sixinkii lo’deeniyo
Lagu dhoobay subagbay
Saydhaan haweekuye
Xijaabkii ma saaraan
Sifihi islaamkiyo
Sunnihii ma wadanaa
Sabarkoo la muujiyo
Diraca iyo saadhiga
Ruuxii sitee xidhan
Summaddoodu waa maxay
Socodkeeda gabadhiyo
Waxba yaan surwaaliyo
Garan yaroo sidoolaa
Sabab loga dhigin taa
Waayahaa salguuriyo
Wakhtigaa siqaayoo
Seemehaa wax jarayiyo
Waa seef wax gooysoo
Saynisbaa lagaadhoo
Xidigaha siraatiyo
Sayruuq la fuuliyo
Samadaa la korayaa
Inaguna sideenii
Ka sabaan ahayeenee
Iyadoo sagaal dhaloo
Sadkeedii dhamaadoo
Sidixeedi wadatay (sidix=sabi)
Sooryadii dhadhaartaa
Adhigay sunsumisaa
Marna awrta soofteey
Hadba soo rogtaayoo
Seeto ay ku jiidaa
Markaad saamigiinii
Suuqaad ka waydaan
Sidii ruux siloonbaad
Sanniftaan caruurtoo
Simbiidhaan haweenkee
Suun lagu garaaciyo
Serbi inaad la fuushaan
Xadiiskii saxiixiyo
Suuraday ku taalaba
Saaxiib bal ii sheeg
Afartaa sureerkiyo
Siibadiiba ma u xidhay
Nimankaa salaaftee
Sahan beena guuriyo
Saha maanta joogoow
Sadar kalena wuxu yahay
Qurbe dumarka lagu sabo
Ninka sufihi moodiyo
Sunbo aan wax dhaqanoow
Saqdhaxaad gudatyasaa
Weligeed sabaaliyo
Sasabiyo wax sheegbaa
Saldhigood ahaan jiray
Cilmibaa siyaadoo
Aqoonbaa la siiyee
Dumar waa sidoodii
Sida loo dhaqaayina
Sifo gaara weeyoo
Nin sudeefiyaa garan
Waa saylad dunidani
Nin waliba sabeeniyo
Sumalkiisa keenoo
Qaarbaa siyaadiyo
Hela saamiga u badan
Sifir qaar kacaa jiroo
Soofdaran halaabee
idinkiyo safkaaguna
Haddii ay Siciidtahay
Ama saykaletaba
Saacay ahaataba
Sodoh weeye inantuye
Maahmaah sarwayniyo
Sarbeebaa waxay tidhi
Ilayn seeddi weeyee
Saygeeda weligaa
Sina haw coloobina
Suuban dee walaashaa
Si ay yeeli mooyee
Afartaa sureerkiyo
Aan suusadda u xidhoo
Sheekada sargooyee
Waxan idhi sareedana
Waxkastoon samaynaba
Saatir wuu arkaayaa
Malaa’iig la soocaa
Sajilaysa ficiladoo
Saxar aanu dhaafayn
Sawd aad u dheeriyo
Suurbaa la tumayaa
Samahaa la badiyaa
Salaadaa la oogaa
Rukuucdiyo sujuudaa
Dhulka lagu saleeyaa
Subcisbaa la qaadaa
Xumahaa la saydhaa
Waxa jira socdaal dheer
Surmi iyo haraad iyo
Silicbaa lamarayaa
Waana shay saxiixoo
Nimuu saamaxoo qudha
Ayaa samata bixi kare
Safka hore ku soo durug
Suubanoo rasuulkiyo
Sawjadii asxaabaha
Adigoo sagsaagayn
Dhaqankoodi soo celi
Curintii Abwaan Khadar Kayse Maxamuud
Ottawa, Canad
Related News
- Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in doorashada Somaliland wakhti badan qaadan doonto : 11 Mar 2010 - 21:43
- Ciidanka Amaanka ee Laascaanood oo Xabsiga u Taxaabay Shan Suxufi oo shaqadooda ku guda jiray : 11 Mar 2010 - 20:12
- Xukuumadda Somaliland oo u digtay Isimada Gobolka SOOL iyo Heegan la galiyay Ciidamada Amaanka ee Somaliland : 11 Mar 2010 - 20:03
- Afhayeenka xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda ku eedeeyey in xiliga doorashooyinku soo dhawyihiin ay bilawdo balan qaadyo Been ah : 11 Mar 2010 - 19:48
- "Somaliland waxaa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato, Canshuurtana lagu Naas-Nuujiyo" Cali Khaliif Galaydh : 11 Mar 2010 - 19:18
- Sawiro: Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqasho ku tagey Magaalada Burco : 11 Mar 2010 - 18:55
- Xisbul Islaam oo dagaalkii maanta wax gacan ah ka gaysan ugana baxday Al Shabaab : 11 Mar 2010 - 18:07
- Watch: Saudi's King Abdullah awards Turkey's Erdogan for service to Islam : 10 Mar 2010 - 22:29
- Afhayeenka Xibiga Udub oo si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo : 10 Mar 2010 - 19:40
- Bayaan:- Salaadiinta Habar Yoonis oo ka shiraya sidii Magaalada Maydh looga furi lahaa Dakad Maraakiibtu ku soo xirtaan : 10 Mar 2010 - 19:23




























Post new comment