Qormadeenan Xiisaha lehi waxay kamid tahay Qoraalo todobaadle ah, waa qormo ka warbixisa Dhambaalada Jacayl ee waaray
Hargeysa, (sli)- Qormadeenan waxaynu ku soo qaadanaynaa waraaq ma hadho reebtay oo uu qoray wiilka loo aqoonsaday aabaha jacaylka aduunka waa ninka loogu magacdaray maalinta jacaylka aduunka, ee Valentine’s Day, wiilkan layidhaa valentine ayaa ka tagay dhambaal jacayl oo tiiraanyo iyo calaancal xambaarsan taasi oo uu u hibeeyay inantii uu jeclaa, inta aynaan warqada akhriyin aan sikooban u sharaxno maalinta jacaylka aduunka ,iyo valentine laftiisu muxuu ahaa muxuuse kasahaqaynjiray halkuu seh joogay markuu warqadan qoray.
Bisha Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii Jacaylka Aduunka (Valentine's-Day),waxaana la isku diraa Salaamo,Ubaxyo qurux-badan,iyo Hadyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel.
Hadaba maxay tahay ujeedada ka dambeysa munaasabadan iyo xafladaha lagu maamuuso maalinta kalgacalka iyo xiisaha Jacaylka?
Marka ay dhagahaaga ku soo dhacaan ereygan Valentin'es waxaad markiiba dareemaysaa in magacani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo asal-ahaan diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka,bal aan is-weydiino kumuu ahaa Valentines?
Qarnigii saddex iyo tobnaad dhalashadii nabi ciise kadib (calayhi salaame) waxaa jiri jiray boqor layidhaa Calodhis oo ka tallinjiray wadanka hada layidhaa Italy ,boqoka ayaa waxaa uu dhalintii ilaalinaysay amar ku siiyay inay san guursan ,isagoo ka baqaaya inay a woodiisa maamul hoos u dhacdo .waayo haday guursadaan way mashquulayaan oo boqorka iyo arimihiisa ayay kamashquulayaan.
Waqtigaas baa Nin layidhaa Valentinis oo kamid ahaa dhallintii ilaalinaysay boqorka ayaa ka horyimid awaamiirtii Boqorka .
wuxuuna bilaabay inuu si hoose u guursado dumar fara badan,hadaba markii ay soo shaac-baxday guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentines,waxa uu Boqorkii amray in loo dhaa-dhiciyo Xabsi lana dal-dalo.
Qalinkii : Xamse Suldan Aden Faraaxsida lasoo wariyay Valentines waxaa xabsiga ku soo booqan jiray saaxiibadii waxaanay u keeni jireen hadyado fara badan iyo xidhmooyin ubaxyo ah, waxaa kalooy u soo qori jireen dhambaalo ay kaga waramayaan xaladaha wakhtigaa taagnaa , dadkii ku soo booqanjiray xabsiga dhambaaladana usoo qori jiray waxaa kamid ahayd gabadh yar oo uu dhalay ninkii xabsiga xukumaayay waagaas ,valentine jacayl ayaa xabsiga dhexdiisa ku helay waxaanu jeclaaday inantan uu dhalay odayga xabsiga haystaa ,valentine waxa uu ladhacay jooga iyo jamaalka inantani ilaahay ku galladay,waxaanay isu heleen fursad inay saacado jeelka dhexdiisa kuwada hadlaan taasoo sii kordhisay jacaylkooda
Waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay Qolkii uu ku xidhnaa,taas uu halkudheg u ga dhigay "Ka socota Valentinkaagii" wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso maalintan oo kale.
Laakiin maadaama aan nahay dad muslimiina ma haboona inaynu ku dayano gaalada
Akhriste waxa aad iswaydiinaysaa waxaa weeye tollow muxuu valentiin ku qoray warqadaa?
W/Q: Xamse Suldan Aden Faraax
Xamse101@hotmail.com Tell: 4427272 ama 0014197129974
Hargeisa, Somaliland
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo Mar qudha Shaqadii ka Eriday Shaqaale badan oo Ku-Meelgaadh ahaa iyadoo Wax wargelin ah la siin : 2 Sep 2010 - 20:36
- Xidhiidhkii Itoobiya & Somaliland oo sii Xumaanaya iyo Xukuumada oo Dib-u-eegis ku samaynasa Jidka Isku Xidha Berbera & Itoobiya : 2 Sep 2010 - 20:29
- Taliyaha Ciidanka Booliska Laascaanood oo sheegay in Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Asluubta uu ahaa Mid Aano Qabiil ah : 2 Sep 2010 - 20:07
- Ururka UDHIS oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay inuu Kaga Dhabeeyo Balanqaadyadii, haddii kale Cawaaqib Xumo ayuu la Kulmi : 2 Sep 2010 - 20:01
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland oo ku Taliyay in laga Faa'ideysto Xooga Maxaabiista si loogu dhiso Xabsiyo Waa Weyn : 2 Sep 2010 - 19:51
- Arin la yaab leh oo ka dhacday Wadanka Somalia kadib markii ay Kooxo Ma Soomayaal ah & Kooxo Soomayaal ah uu dagaal dhexmaray : 2 Sep 2010 - 18:25
- Tony Blair oo Buug uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku dhintay dagaalkii Ciraaq! : 2 Sep 2010 - 01:17
- Al Shabaab oo soo Bandhigtey Askari kasoo goostay Ciidamada Sheekh Shariif : 2 Sep 2010 - 01:08
- Dhageyso: Gud. UDUB ee Gobolka Awdal oo ka waramay Xadhigiisii & inay qabanqaabinayaa Mudaaharaadyo looga soo horjeeda Xukuumada : 1 Sep 2010 - 17:25
- Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Britain : 1 Sep 2010 - 13:38
















Post new comment