Taariikhda Haweenkii Asxaabta “Ninkii Jecel Inuu Xuural-caynta Arkaa Ha Eego Uma Roomaan”
Uma Roomaan oo magaceedu yahay Zaynab Bintu Caamir Binu Cuweymir Binu Cabdishamsi Binu Caqaab Binu Azneyh, waa gabadh uu Nebi Maxamed (SCW) uga markhaati kacay inay tahay calaamad lagu tilmaansan karo xuural-caynta.
Uma Roomaan waxay tahay gabadh ka mid ah dadka ehlu-jannada ah, waxay ahayd gabadh waqtigeeda oo dhan ku bixisay inay hana-qaado diinta islaamku, siday tilmaamaan taariikhyahannada islaamku waxay bud-dhig u ahayd bar-bilowgii diinta islaamka iyo maalintii uu Nebiga (SCW) u hijrooday magaalada Madiina, waayo waxay xambaartay hami iyo sirweyn oo dhibaato badan ka soo gaadhsiiyeen Qurayshtii kale.
Uma Roomaan waxay ahayd haweenaydii u qabay Abu-bakar As-sadiiq oo gurigiisu ahaa xoolkii lagu xifdiyey dacwaddii socod-baradka ahayd ee Nebiga (SWC) ka dhex bilaabay ummad badawtinimadu ka sal tahay oo neefka geelu kala weyn yahay nafta qofka.
Uma Roomaan waxay ahayd haweenay mutaysatay in Nebigu (SWC) uga markhaati kaco inay u eg tahay xuural-caynta. Sidaa darteed qormadeena toddobaadkan waxaynu ku soo qaadan doonaa taariikhda dahabka ah ee ay lahayd Uma Roomaan,
Uma Roomaan wuxuu ahaa magac liqay magaceedii dhabta ahaa oo la odhan jiray Saynab, Uma Roomaan waxay ku barbaartay goob ka mid ah dhulka jaziirada Carabta ee ballaadhan oo loo yaqaanay goobta Az-zaraa. Oo ah dhul caan ku ahaa buuro iyo taagag badan oo is-dabayaal, sidoo kalena ahaa meel ay deggaan ahaan degenaan jireen qoyskeedu.
Uma Roomaan si aad u qurux badan ayey ugu dhex barbaartay qoyskeeda iyo reerkooda, waxaanay noqotay qof aad u muuqata oo gabadhnimadeedu dhammaystiran tahay.
Wiil dhallinyaro ah oo ay isku degaan ahaayeen ayaa u soo geed-fadhiistay Uma Roomaan oo waalidkeed ka badalbaday inuu u dhiso, si fudud ayuu aabbaheed ugu oggolaaday, waxaanay u meheriyey wiilkaas oo la odhan jiray Xaaris Binu Sakhbara.
Markii ula aqalgalay waxay si wadajir ah oo nolol wanaagsan ah iskaga noolaayeen halkii ay deggenaayeen ilaa uu u dhashay wiil loo bixiyey Dufayl.
Waqiti ka mid ah waqtiyadaas ayuu Xaaris safar ku tegay magaalada Maka si uu ugu soo indho-kuusho kacbada oo aannu indho ka qaadin tan iyo intii uu dhashay marka laga reebo sheekooyin uu ehelkiisa ka maqli jiray.
Markii uu safarkii uu dhammaaday ayuu u xadhko xidhay inuu dib ugu noqdo dhincii ay ka xigtay degmadii reerkoodu deggenaayeen, markii uu soo gaadhay degaankiisiina waxa soo dhoweysay xaaskiisii Uma Roomaan oo ay in muddo ah kala maqnaayeen, waxa uu uga sheekeeyey waxyaabaha mucjisada ah ee uu ku soo arkay magaalada Maka iyo siday xarun ugu tahay dadweynaha kala duwan ee booqashada ku imanaya dalkaas.
La soco…
Jamhuuriya
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo Mar qudha Shaqadii ka Eriday Shaqaale badan oo Ku-Meelgaadh ahaa iyadoo Wax wargelin ah la siin : 2 Sep 2010 - 20:36
- Xidhiidhkii Itoobiya & Somaliland oo sii Xumaanaya iyo Xukuumada oo Dib-u-eegis ku samaynasa Jidka Isku Xidha Berbera & Itoobiya : 2 Sep 2010 - 20:29
- Taliyaha Ciidanka Booliska Laascaanood oo sheegay in Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Asluubta uu ahaa Mid Aano Qabiil ah : 2 Sep 2010 - 20:07
- Ururka UDHIS oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay inuu Kaga Dhabeeyo Balanqaadyadii, haddii kale Cawaaqib Xumo ayuu la Kulmi : 2 Sep 2010 - 20:01
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland oo ku Taliyay in laga Faa'ideysto Xooga Maxaabiista si loogu dhiso Xabsiyo Waa Weyn : 2 Sep 2010 - 19:51
- Arin la yaab leh oo ka dhacday Wadanka Somalia kadib markii ay Kooxo Ma Soomayaal ah & Kooxo Soomayaal ah uu dagaal dhexmaray : 2 Sep 2010 - 18:25
- Tony Blair oo Buug uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku dhintay dagaalkii Ciraaq! : 2 Sep 2010 - 01:17
- Al Shabaab oo soo Bandhigtey Askari kasoo goostay Ciidamada Sheekh Shariif : 2 Sep 2010 - 01:08
- Dhageyso: Gud. UDUB ee Gobolka Awdal oo ka waramay Xadhigiisii & inay qabanqaabinayaa Mudaaharaadyo looga soo horjeeda Xukuumada : 1 Sep 2010 - 17:25
- Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Britain : 1 Sep 2010 - 13:38
















Post new comment