Abaartii SIMA: Xukuumada Somaliland oo Qaylo-dhaan u dirtay Caalamka Abaarta Sima
Hargeysa, (sli)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta qaylo-dhaan abaareed u dirtay Beesha Caalamka, waxaanay sheegtay in guud ahaan gobollada Somaliland ay soo food-saartay abaar ba’an.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Maxamed Muuse Cawaale oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dalka soo food-saartay Abaar ba’an oo saamaysay dalka oo dhan. “Dalka waxa ka jira Abaaro dalka oo dhan saamaysay, haba lagu sii kala badnaado gobollada’e, waxaana sababay Roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo yaraaday. Gobollada bariga Somaliland ee Togdheer, Sool iyo Sanaag kama di’in wax Roob ahi, taasina waxay keentay inay noqdaan goobo abaaraha ka jiraan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed oo ka hadlay Shirkaa Jaraa’id. Waxaanu sheegay in deegaannada Hawdka Hargeysa iyo Burco ay ugu daran yihiin abaarahan.
Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo isna sheegay in abaartan loo magac bixiyay SIMA. “Sababtoo ah, dalka oo dhan way sintay, waanay wada saamaysay.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Muse. Waxaanu ka digay in haddii aan Roobku dalka ka di’in bishan April ay nolosha dadka iyo Xooluhuba halis ku jiraan.
Masuuliyiintani waxay Beesha Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo Ganacsatadaba ugu baaqeen in ay gargaar degdeg ah la gaadhaan dadyowga abaartu saamaysay.
Somalilandinfo.com
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo Mar qudha Shaqadii ka Eriday Shaqaale badan oo Ku-Meelgaadh ahaa iyadoo Wax wargelin ah la siin : 2 Sep 2010 - 20:36
- Xidhiidhkii Itoobiya & Somaliland oo sii Xumaanaya iyo Xukuumada oo Dib-u-eegis ku samaynasa Jidka Isku Xidha Berbera & Itoobiya : 2 Sep 2010 - 20:29
- Taliyaha Ciidanka Booliska Laascaanood oo sheegay in Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Asluubta uu ahaa Mid Aano Qabiil ah : 2 Sep 2010 - 20:07
- Ururka UDHIS oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay inuu Kaga Dhabeeyo Balanqaadyadii, haddii kale Cawaaqib Xumo ayuu la Kulmi : 2 Sep 2010 - 20:01
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland oo ku Taliyay in laga Faa'ideysto Xooga Maxaabiista si loogu dhiso Xabsiyo Waa Weyn : 2 Sep 2010 - 19:51
- Arin la yaab leh oo ka dhacday Wadanka Somalia kadib markii ay Kooxo Ma Soomayaal ah & Kooxo Soomayaal ah uu dagaal dhexmaray : 2 Sep 2010 - 18:25
- Tony Blair oo Buug uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku dhintay dagaalkii Ciraaq! : 2 Sep 2010 - 01:17
- Al Shabaab oo soo Bandhigtey Askari kasoo goostay Ciidamada Sheekh Shariif : 2 Sep 2010 - 01:08
- Dhageyso: Gud. UDUB ee Gobolka Awdal oo ka waramay Xadhigiisii & inay qabanqaabinayaa Mudaaharaadyo looga soo horjeeda Xukuumada : 1 Sep 2010 - 17:25
- Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Britain : 1 Sep 2010 - 13:38
















Post new comment