Donald Payne Iyo Ismacil Cumar Geele Midkee Somaliland La Saaxiib Ah? Qalinkii Sacad Ciise Cumar
Berbera - Marka Hore Waxaan Salaamaya Dhamaan Shacabka Reer Somaliland Marka Xigta Waxaan Salamaayaa Bahda Saxaafada Somaliland Kuwaada Xorta Ah, Sida Aan La Wada Socono Wax Baryahaa Saxaafada Reer S/Land Ku Soo Noqnoqonaayey Ninka La Yidhaahdo Donald Payne Oo Ah Senatorka Maraykank U Qaabilsan Arimaha Debeda Qaarada Africa Sida La Sheegayna Gudoomiyeha Xusbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo Kula Kulmay Washiton Dc Socdaal Uu Ku Tagay Dhawaan Cariga Maraykanka.
Kulanka Siilanyo Iyo Donald Payne Oo La Sheegay In Uu Ka Soo Baxay Nuxur Qiimo Weyn Ugu Fadhiya Somaliland Ayaaa Waxa Sas Iyo Qaylo Gaadhay Heer Aad U Sareeya Ka Muujisay Xukuumada Somaliland, Iyagoo Shacabka Siinaayey Sawir Ah In Ninkaa Doland Aamisan Tahay Somaliweyn Cidii La Kulantaana Ay La Hadaf Tahay Darajo Kasta Oo Ay Leedahay..
Marka Ay Sidaa Tahay Waxa Inala Gudboon In Aynu Dhex Galno Dawlada Iyo Mocaaradka Gaar Ahaaan Kulmiye Oo Aynu U Kala Markhaati Furno Waxa Aynu Kala Socono Siyaasada Arimaha Debeda ( Wuxuu Yidhi Ninkii Waayeelku Waa Kuwee Markaasaa Loogu Jawaabay Waa Inaga Oo Aaan Is Yeelyeelayn)
Marka Aynu Sawir Buuxa Ka Bixino Dalalka Ay Booqdaan Waftiyada Reer S/Land Muxaafid Iyo Mocaaradba, Waxay U Qaybsan Yihiin Qaar Aynu Ka Dareeno Waxoogaa Dabac Ah Marka La Waydiiyo Su’aalaha Somaliland Ku Saabsan Iyo Qaar Ay Debeda Uga Soo Baxday Cadaawada Ay U Hayaaan Dadka Reer Somaliland Oo Wax Kale Iska Daaayoo Xitaaa Afkooda Ka Ilaaliya Magaca Somaliland Aaan Soo Qaato Laba Dal Waa Maraykanka Iyo Djibout
Wadanka Maraykanku Waa Wadan Aad U Baaxad Weyn Dal Ahaan, Dad Ahaan Iyo Awood Ahaanba, Waxaana Aan Qabaa Waftiyada Maraykanka Ka Yimi In Aanay Inooga Iman Wadamo Badan Oo Aynu Is Lahayn Waxay Idinla Yihiin Saaxiib, Maraykan Waxa Inooga Yimi Doland Payne Iyo Gabadhii Ahayd Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Debeda Qaarada Africa Janday Frazer Iyo Waliba Waftiyo Kale Oo Badan Markastana Waxay Sheegaan In Somaliland Ay Amaanan Tahay Aduunkana Ay Ku Haboon Tahay In Ay Wax La Qabato” Laakiin Waxay Hoosta Ka Xariiqeen In Aanay Noqon Doonin Dalka Ugu Horeeya Ee Aqoonsada Somaliland Hadii Ay Dalkeena Joogaan Iyo Hadii Ay Meel Kale Joogaanba,
Sacad Ciise CumarTaasi Waxa Ku Tusaysaa In Ay Kuu Badheedheen Oo Runta Kuu Sheegeen ( Somaliduna Waxay Ku Maahmaahdaa Waraaba Ka Ciya Iyo Ka Aamusa Keebaa Xun) Hadii Ay Il Inoo Dabaan Oo Yidhaahdaan Anaga Ayaa Waxa Idiin Og Dee Waxaan Filayaaa In Ay Mar Uun Fashilmi Lahayd Kadibna Aynu Media Ka Weerari Lahayn, Laakiin Hada Inta Ay Runta Inoo Sheegeen Ayey Eegayaan Samirkeena Bal In Aynu Hawsheena Sii Wadano Iyo In Aynu Ka Hadhno,, Waxase Inoo Farxad Ah In Ay Reer America Ay Isticmaalaan Magaca Ah Somaliland,, La Kulanka Axmed Siilaanyo Ee Senatorka Waxaan Qabaaa In Ay Qiimo Badan Wadanka Ugu Fadhido Waayo Jaaniska Lama Baneeyo Hadii Aad Buuxin Waydo Waxa Buuxinaysa Oo Ka Faa;Iidaysanaysa Cid Kale, Tashuuska Lagu Furana Wuxuu Ka Dhigan Tahay Tacabkeenee Oo Aynu Daadka Raacinay….
Wadanka Jabuuti Waxa Aynu Nahay Jaar Aad Isugu Dhaw Isku Afna Waa Ku Hadlnaa, Marmarna Waxaaba Aynu Nidhaahnaa Waa Waleelaheen, Laakiin Xaqiiqadu Sidaa Waa Ka Duwan Tahay, Jabuuti Waxa Booqda Oo Ku Noqnoqda Waftiyo Ka Socda Xukuumada S/Land Kuwaas Oo War Bixinahooda Inoogu Soo Kooba Waanu Is Fahanay Ama Wixii Aanu Ka Wada Hadalnay Waanu Isku Af Garanay,, Marka Taas Laga Yimado Waxa Jira Waraysiyo Laga Qaado Madaxda Wadanka Jabuuti Oo Ku Saabsan Arimaha Somaliland.. Anigu Wax Badan Ayaaan Dhageystay Hadalka Madaxweynaha Jabuuti Isagoo Ka Hadlaaya Arimaha Somaliland… Waxa Uu Adeegsadaa Kalmada Ah ( Deegaanada Waqooyiga) Xidhiidh Fiican Ayaanu La Leenahay Taasi Maxay Ina Tusaysaa In Xitaa Magac Somaliland Aanu Inoo Quudhayn Iska Daa Wax Tar Iyo Citiraam Kalee..Si Kale Hadii Aan U Dhigo Jabuuti Waxa Lagu Soo Dhisay Dawlado Badan Oo Reer Somaliya Ah Oo Ay Ugu Danbeysa Tan Hada Eee Shiriifku Madaxda Ka Yahay ( Waaba Fadaraalka Hooyadii) Hadii Danbi Lagu Galaayo La Kulanka Dawlada Aamisan Somalweyn…
Hadaba Marka La Is Barbar Dhigo Natiijooyinka Ka Soo Baxay Ama Sawirada Aynu Ka Daalacan Karno Wadamadaa Ay Booqdaan Waftiyadaa Kala Duwan Ee Somaliland Ka Tagay Waxa Muuqata In Maraykanku Inooga Dhaw Yahay Jabuuti Waayo Waxaan Uga Shidaal Qaadanaynaa Dalkastaa Jawaabta Uu Inaga Bixiyo Marka Arimaheena Lala Soo Qaado.. Dabcan Booqashooyinka Waxa Qiimo Iyo Dhadhan Yeelanaysa Taas Reer America
Waxaan Ku Soo Koobayaa..
Aduunka Qasbi Kari Maynee Aan Xoodaansano Maah Maah Ayaa Ahayd Toot Sidaad Ku Maali Karta Ku Maal.
Dalalka Aduunka Kii Inoo Qosla Iyo Kii Inoo Qamoonyeystaba Afkeenu Kama Xidhna
Sacad Ciise Cumar
Berbera Somaliland
E-Mail F_Bihaary@Hotmail.Com
Tell:- 2522-4480649
Related News
- Barnaamijkii Caafimaadka: Waa maxey Muhiimada ku jirta Fiitamiin D? : 9 Mar 2010 - 20:02
- Marwo Edna Adan oo ka qayb galasa Kulan Caalami ah oo ay Haweenka Dunidu isku Arkayaan : 9 Mar 2010 - 19:46
- Akhriso Gabadhii Qardho laga soo xadey oo uu Walaalkeed sheegay in la Damacsanaa in dibeda xubnaha Jidhkeeda looga Ganacsado : 8 Mar 2010 - 10:09
- Wasiirka Qoyska oo sheegtay in Sharciga la horkeeno dadkii u dhashay Somaliland ee Wakiilka u ahaa ninkii Ruushka ahaa : 8 Mar 2010 - 09:55
- "Raga qaylinaya Faarax Macalin 10 Arday ayuu waxbarasho jaamacadeed u fidiyay idinkuna Hub baad Ubadkiinii siiseen" Xaabsade : 8 Mar 2010 - 09:40
- Abwaan Sangub oo Shaaca ka Qaaday in uu Taageersan yahey Xisbiga KULMIYE : 8 Mar 2010 - 09:26
- Weftigii China ka Socday oo Madaarka Berbera ka dhoofay, & Warancade oo Faahfaahin ka bixiyey Ujeedadoodii : 7 Mar 2010 - 22:29
- Gabadh Soomaaliya laga soo Xaday oo maanta Wasaarada Qoyska ay ku Wareejisay Ehladeedii : 7 Mar 2010 - 22:22
- Xaflad Meher Oo Ilyartu is Qabatay! Hambalyo Boqor Hassan Abaadir Hassan & Boqorada Caasha Cali Farah : 7 Mar 2010 - 22:05
- Wafti Salaadiin, Guurti & Abwaano oo Jabuuti tagaya si ay uga Qayb-galaan Marti-qaad Lagu Maamuusayo Ugaaska Beesha Ciise : 7 Mar 2010 - 13:49




























Post new comment