Tirada dhimashada Tahriibayaal ku soo caaryay xeebta Sanaag oo kordhay
Ceerigaabo (sli)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, ka dib markii Laash ay saarnaayeen kula soo caaryay xeebaha gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay madaxa laanta Socdaalka ee gobolka Sanaag Saciid Cige Maxamed, dadkaa dhintay waxay ka mid ahaayeen 110 Tahriibayaal ah oo Doon ka raacay xeebaha Puntland, kuwaasoo Laashkii ay wateen markii uu xumaaday kula soo caaryay xeebta tuulada Waqdariya oo 25 Km Galbeed ka xigta degmada Laasqorey.
Waxa uu sheegay inay haatan xaaladoodu liidato ilaa 70 qof oo ka mid ah Tahriibayaashaas oo Itoobiyaan u badan, isla markaana la la’yahay ilaa 30 kale, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Yemen. “Waxa la xumaaday Laashkii ay wateen, waxayna ku soo caaryeen xeebta Waqdariya,” ayuu yidhi. “Dadkani waa Itoobiyaan. Xog badan kama hayno, mana ogin inta maalmood ee ay Doonta dulsaarnaayeen, laakiin Tahriibayaashu waxay noo sheegeen inay ku socdeen Yemen, kana yimaadeen Boosaaso,” ayuu raaciyay Siciid Cige oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Saxaafada.
Waxa uu sheegay in xaalada dadkaa ay haatan Ciidanka Xeebuhu ku hayaan Waqdariya ay la socodsiiyeen hay’addaha gargaarka degdega ah ee gobolkaa ku sugan. “Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dhici karta in khasaaraha dhimashadu sii kordho. Waxaanu ku wargelinay hay’adda Bisha Cas ee Ceerigaabo oo noo sheegay inay u baxayaan degaankaas,” ayuu yidhi Madaxa laanta Socdaalka gobolka Sanaag. “Waxay ahaayeen 110, ilaa todobaatan waa la hayaa, kuwii dhintay waa la aasay, intii kalena baadi-doonkoodaa lagu jiraa,” ayuu raaciyay. “Inta la hayo, waxa ku jira qof keliya oo Soomaali ah,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cige.
Tahriibayaasha ka socdaalada xeebaha Puntland oo Doonyo liita ka raaca Boosaaso, intooda badana u socdaala Yemen iyo Sucuudiga, waxay la kulmaan dhibaatooyin galaafta ama halis geliya naftooda.
Ogaal
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo Mar qudha Shaqadii ka Eriday Shaqaale badan oo Ku-Meelgaadh ahaa iyadoo Wax wargelin ah la siin : 2 Sep 2010 - 20:36
- Xidhiidhkii Itoobiya & Somaliland oo sii Xumaanaya iyo Xukuumada oo Dib-u-eegis ku samaynasa Jidka Isku Xidha Berbera & Itoobiya : 2 Sep 2010 - 20:29
- Taliyaha Ciidanka Booliska Laascaanood oo sheegay in Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Asluubta uu ahaa Mid Aano Qabiil ah : 2 Sep 2010 - 20:07
- Ururka UDHIS oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay inuu Kaga Dhabeeyo Balanqaadyadii, haddii kale Cawaaqib Xumo ayuu la Kulmi : 2 Sep 2010 - 20:01
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland oo ku Taliyay in laga Faa'ideysto Xooga Maxaabiista si loogu dhiso Xabsiyo Waa Weyn : 2 Sep 2010 - 19:51
- Arin la yaab leh oo ka dhacday Wadanka Somalia kadib markii ay Kooxo Ma Soomayaal ah & Kooxo Soomayaal ah uu dagaal dhexmaray : 2 Sep 2010 - 18:25
- Tony Blair oo Buug uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku dhintay dagaalkii Ciraaq! : 2 Sep 2010 - 01:17
- Al Shabaab oo soo Bandhigtey Askari kasoo goostay Ciidamada Sheekh Shariif : 2 Sep 2010 - 01:08
- Dhageyso: Gud. UDUB ee Gobolka Awdal oo ka waramay Xadhigiisii & inay qabanqaabinayaa Mudaaharaadyo looga soo horjeeda Xukuumada : 1 Sep 2010 - 17:25
- Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Britain : 1 Sep 2010 - 13:38
















Post new comment