Wasiir sheegey haddii Midowga Yurub iyo NATO awood Milateri adeegsadaan, in aanay Soomaaliya ku soo celin karin Nabad

Text Size

Munich, (sli)- Ururka Midowga Yurub, ayaa sheegay in iyaga iyo isbahaysiga NATO aanay awood u lahayn inay nabad ku soo celiyaan Soomaaliya.

Wasiirka Khaarajiga dalka Spain, ahna madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Mr. Meekawil Mishal, ayaa sheegay in xataa haddii ay awood Milateri adeegsadaan aanay awood u lahayn xasilinta Soomaaliya oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay dhibaatooyin ka taagnaayeen.

Wasiirka Khaarajiga Spain oo ka hadlayay shir lagaga hadlayay arrimaha nabadgelyada caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, waxa uu sheegay in amaanka qaarada Yuurb ku xidhan yahay dalalka deriska la ah eek u yaala qaarada Afrika iyo Bariga dhexe.

Wasiirku waxa uu sheegay in Budhcad-baddeeda Soomaalidu sii labanlaabeen hawlaha afduub ee ay wadaan, taasna ay sabab u tahay xaalada cakiran ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aanu xalku ku jirin in awood Milateri loo adeegsado Soomaaliya, isla markaana ay keenayso inay xaaladu ka sii darto.

Hase yeeshee, Raysal-wasaaraha Spain oo todobaadkii hore ka qaybgalay shir madaxeedkii Afrika ee Addis Ababa, waxa uu shegay in xalka Soomaaliya ku jiro in awood Milateri loo adeegsado.

W.Wararka

Post new comment