Dardaaran (Qiso-Jaceyl-oo-dhab-ah) Qalinkii: Zahro Cabdi Xirsi

Text Size

Guuleed ayaa gurigii aabbihiis orod ku soo galay, islamarkiiba wuxuu albaabka guriga kula kulmay xaaskii aabbihiis eeddo Maryan,eeddo Maryan wuxuu aabbe Xaaji Axmad guursaday ka dib markii ay si kedis ah ku dhimatay hooyadii dhashay Guuleed ee Xabiiba, Guuleed hooyadiis waxay u dhimatay dhiig bax daran oo ku yimid markii ay dhashay wiil oo aan wax badan ka dambeynin hooyadiis oo asna saqiiray.

Markii Guuleed hooyadiis dhimatay wuxuu jiray labo sano, waxna kama xusuusto noloshii hooyadiis iyo sidii ay u ekayd ama araggeedu ahaa, haseyeeshe wuxuu ka dhaxlay hooyadiis wax badan oo dabeecadaheedii iyo aragtideedaba ka mid ahaa, sida dabeecadda wanaagsan ee uu dadka kula dhaqmo, kartida badan ee uu leeyahay iyo waxyaalo badan oo ka muuqda,Guuleed waxaa maran qeyb gudihiisa ah oo wuxuu maalin kasta tabaa hooyadiis in uu rajoninmo ku korayna waa ka muuuqata, waayo waa nin aaminsan xooggiisa oo aan weligiis qof kale ku tashan.

Eeddo Maryan waa ay u roonayd Guuleed markii uu yaraa aad ayayna u dhawri jirtay sidii uu aabbihiisba u dhawri jirtay wiilkiisa ka rajoobay, carruur kalena ma dhalin odeygu, inkastoo uu dhawr jeer guursaday haddana Alle uma garan wax aan Guuleed ka ahayn, dhammaan xaasaskii ka dambeeyay eeddo Maryan wey kala tageen, wuxuuna Xaajigu door biday in uusan mar dambe haween kale haweysan oo uu ku joogo xaaskiisii labaad ee eeddo Maryan.

Markii uu Guuleed eeddadiis si fiican u salaamay ayuu weydiiyay odaygu meesha uu joogo waxayna u sheegtay in uu qolka fadhiga la joogo adeerkiis Rooble, "oo ma adeer Rooblaa jooga,goorma ayuu yimid iyo maxaad iigu soo sheegi weydayn ayuu cod dhawaaq leh ku yiri Guuleed,markii uu galay qolkii ay fadhiyeen odayaashu ayuu ku booday adeerkiis Rooble oo muddo hore isugu dambaysay wuxuuna ku yiri cod kacsan "Adeer goorma ayaad timid maxaase la ii soo wici waayay dhaqso ayaan idiinku imaan lahaaye"

adeer ayaa markaas ku jawaabay "adeer macaan xalay ayaan soo galay caawa ama berritona waan baxaya, xaajiga ayaa ii yeeray oo aan codsigiisa ku imid halkaan"

markaas ayaa Xaaji Axmad wiilkiisa ka codsaday in uu fariisto u dalbayna wax uu cabo, Guuleed ayaa markaas hadalkii qaatay oo yiri "maxaa dhacay kheyr lee sow ma jiraan adeer imaatinkiisaan degdegga ah, sidee ayay wax u jiraan aabbe? markaas ayuu haddana sii raaaciyay maantana waxaa la ii sheegay in aad i doon doonaysay oo iigu timid shaqada,

Xaajiga ayaa markaas wiilkiisii ugu jawaabay "kheyr weyn ayaa jira anigaana adeerkaa u yeeray sababtii aan ugu yeerayna waan u sheegay oo wuu og yahay, waana u mahadcelinaya walaalkay sidii uu u soo dhoweeyay taladaydii iyo fikraddii aan u sheegay, hadeerna adiga ayaan kuu sheegaya waxaana rajeynaya gacmihii furnaa ee uu adeerkaa igu soo dhoweeyay in aad igu soo dhoweyn doontid"

Guuleed ayaan weli fahmin waxa uu aabbihiis wado iyo dhammaan waxa uu u dan leeyahay, wuxuuse jeclaystay in uu maqlo warka odayga wuxuuna yiri "waa yahay aabbe dabcan waan soo dhoweynaya wax kasta oo aad weydiisato ama iga codsato marka horese aan ogaado"

Xaaji Axmad ayaa markaa haddalkii u bilaabay wiilkiisa wuxuuna yiri:wiilkaygii aan jeclaayow waxaad ii tahay baarri weligeyna igama aadan diidin wax aan kaa codsaday, waad og tahay in aad keli igu tahay oo aysan jirin carruur kale oo aan dhalay, taasna aniga ayaa og sida aanan weligey u jeclaysan wax kastase waa qaddar Eebbe, waxaan jeclahay inta ay naftu igu jirto in aan arko carruur badan oo aad dhashay oo aan awowe u noqdo, waad og tahay wax carruur ah waxaa ku ag joogta hal gabar, maal iyo maskaxne Alle wuu iskugu kaa daray, waxaad tahay nin rag ah oo uu Alle afar u banneeyay, anigu kuma oranayo naagtaada fur oo naag kale guurso xaashaa lillaahi waadna u samirtay xaaskaaga wax badan oo waxaad qabtaa 10 sano,

waxaanse aad u jeclaystey in aad la guursato gabadha adeerkaaga Rooble dhalay ee Nasra oo qurux iyo qiimoba leh, waad nasiib wanaagsan tahay oo adeerkaa Rooble wuxuu diyaar u yahay in uu maantaba kugu meheriyo haddii aad doonayso marka arrinkaas ayaa igu soo kordhay jeclahayna in aan adiga kugu soo kordhiyo, talona inta ay kaa maqan tahay waxay ku jirtaa waayeel ayay Soomaalidu ku maahmaahaan, sidee ayaad u aragtaa haddii aad jeceshahay ka soo feker, inkastoo aysanba ii muuqan wax aad u fekertid ama culays kugu ah waayo mar haddiiba laguu sheegay in ay naagtaadu dib dambe wax u dhaleyn wax aad waqtiga isaga lumisid iima muuqdaan."

Qalinkii: Zahra Abdi HersiQalinkii: Zahra Abdi HersiGuuleed ayaa filanwaa ku noqdeen hadalladii aabbihiis, wuuna garan waayay wax uu ugu jawaabo odayga, waayo isma lahaynba wax ayaa dunida kaa maqan iyo taladan oo kale ayaa laguula imaan doona, markii uu cabbaar aamusnaa ayaa hadalkii waxaa qaatay adeerkiis oo yiri "adeer gabdhaha walaalahaa wey badan yihiin Nasrana anigaa kuu doortay waayo waan ku ogahay in aad cilmi leedahay maadaamana ay Nasro wax baratay iyadaa kuu qalanta"

Guuleed ayaa markii uu cabbaar aamusnaa garan waayayna wax uu yiraahdo haseyeeshe aan doonaynin in uu warkan sii socdo ku yiri aabbihiis iyo adeerkiis "waqti i siiya si aan arrinkan uga soo fekero"

Xaaji Axmad ayaa markaas yiri haddaba isku kaaya keen Jimcaha marka salaadda jimce la soo tukado, walaalkayna ha iska baxo berri kollay markii ay xaajaduna noo dhammaato wuu soo noqon karaaye"

Guuleed ayaa intuu is celin waayay markaas la soo booday "maya aabbe jimcaha waa fog yahay ee ma ka soo horumarin kartaa" Xaajiga ayaa markaas yiri goorma ayaad haddaba jeceshahay"

Guuleed ayaa ku jawaabay "berritaba ka warrama inta uusan adeer bixin" Adeer Rooble ayaa markaas oo dhex galay oo yiri Guuleed hadduuba berrito doonayo anigu waan sugi karaa wax dhib ah oo ay taasi igu hayso ma jirto"Xaajiga ayaa markaas oggolaaday in berrito salaadda casar ka dib lagu kulmo gurigiisa.

Guuleed ayaa markaas istaagay isaga oo ciriiri dareemaya islamarkaana isula muuqda dambiile, maadaama uu fadhiyo meel uu isleeyahay waxaa lagu shirqoolayaa xaaskiisa Sucdi, Sucdi hore ayay ugu sheegtay haddii uu naag kale la damco in ay u kala dhammaatay ama iskaga tegayso.

Guuleed isagoo aan caadi ahayn ayuu macasalaameeyay aabbihiis iyo adeerkiis wuxuuna orod uga baxay albaakii gurgii aabbihiis, intii uu waddada ku soo jiray ayuu wuxuu la sheekaysanayay naftiisa, isagoo iskula hadlayay ereyo ay ka mid ahaayeen "adduunka waxaan laga noolaan kareynin dadka kuugu dhow ee ehelka kuu ah, sidee ayay ku dhici kartaa in uu aabbahay isku dayo in uu talo iga siiyo ciddii aan guursan karo iyo arrimo ka mid ah noloshayda gaarka ah,

waa yaab adduunka inta aad joogtid wax kasta waad la kulmaysa, weligeyse ma filayn in uu aabbahay taladan oo kale iila yimaado waliba go’aan iska gaaro oo ii doon doono gabar kale oo aan guursado isagoo aan igala tashan, nasiib wanaag jawaab waan u hayaa, Sucdise sideen ugu sheegaa taladan lidka ku ah nolosheena, haddii aan ka qariya waxaan ka galay dembi oo dhaqan uma lihi in aan wax ka qariyo, haddii aan u sheegana waxaan ka baqayaa in ay ka naxdo, inkastoo aanan weligey yeelaynin in aan sameeyo wax la mid ah fikradahaan oo kale iyo wax u dhowba..

Guuleed isagoo weli isla hadlaya ayuu soo galay gurigiisii, markiiba wuxuu weydiiyay meeday Sucdi, Xaawa ayaa markaas u sheegtay in Sucdi aysan weli soo toosin oo ay jiifto, Guuleed ayaa warkaas aad uga naxay kuna canaantay Xaawa waxa loo toosin waayay oo loogu geyn waayay raashin iyo wixii kale ee ay u baahan tahay, Xaawa ayaa ka naxday carrada Guuleed oo aysan runtii uga baran in uu ku qayliyo kuna jawaabtay. "Abow sow adiga imaad oranin yaanan loo gelin Sucdi qolka ay jiifto, aniga warkaagii ayaan dhowraayay sidaas ayaana u toosin waayay Sucdi, Guuleed ayaa markaas ka xumaaday in uu ku caro baxay Xaawa oo aan waxba samaynin keliya in ay ka soo baxday ballankii ay qaaday mooyaane,

wuxuuna ka codsaday cafis oo ku yiri "raalli iga ahow abbaayo waan illoobay in aan sidaas ku iriye" wuxuuna u soo dhaqaaqay qolkii ay Sucdi jiiftay markii uu albaaka furay ayay ku toostay Sucdi shanqartii Guuleed waxaana Guuleed indhihiisii qabtay waraaqdii saarnayd laabta xaaskiisa,

Sucdi ayaa damacday markaas in ay ka qaado waraaqda laabteeda oo ay ka qariso Guuleed, "maxaad qarinaysa xabiibi waan kuu jeedaa ee i tus warqaddaad gacanta ku haysid." ayuu ku yiri

"maya hadhow ayaan ku tusaa weli ma aanan dhammaynin" ayay tiri Sucdi,

"hadeer i tus waan ku baryayaa ma sugi karo hadhow" ayuu ku baryootamay Guuleed.

"Haddaba hal ii ballan qaad "ayay kula ballantay,wuxuu ugu jawaabay cod aan samir la socon..Wax kasta oo aad doonto waan kuu samaynaya ee iga codso" intii ay warqaddii u dhiibtay ayay ka bariday in uu meel kale ku akhristo.

Guuleed markuu akhriyo warqadda, muxuu noqon doona, waa inoo qaybta afaraad inshaa Allah

Waxaa Qortay Zahra Abdi Hersi
Holland

Waan ka xunahey Qaybahan inama soo gaadhin, laakiin la socda Qaybaha kale ee soo socda

1 2 3

Posted by: axmed mahamed Shaqaale
shaqale_88@hotmail.com

Posted In

Post new comment