Dhaqan Guur waa maanso ay curisay Deeqa Xasan Axmed

Text Size

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabaraakat; waxan markale madashatan idiinku soo bandhigayaa maanso aan tiriyay oo magaceedu yahay dhaqan guur, micnaheedana aad ka fahmidoontaan midhaha ay ka unkantahay, hadaba waxan idin leeyahay dhamaantiinba akhris wacan.

Maanso : Dhaqan – Guur.

Indhowaydba maansiyo
Tusaalii ma dhigin oo
Waan ka dhawrsanaayee
Faysaloow dhawaaq kale
Hadal dhiifta kulul oo
Dhag tu ay la yaabtiyo
Hurdo taan ku dhawrtaba
Gama’ii dharaarahan

Kuma dhalan xagaygoo
Dhalandhoolka waaberi
Socodkaan dhakoolaa
Dhibihayn naftaydoo
Waxa dhaliyay buuqaa
Ana dhabarka ii jabin

Baadi dhigay hortaydii
Dhami uunka oo idil
Dhaqan galay hugaygoo
Udub dhigay awoowgeen
Iyo dhaxalka koowaad
Hide dhixirka ii xidhay
Misna raacay dhiigay

Hadba dhaladka waagana
Waxan dhinac ka raadshaa
Beeshu dhigay socdaalkii
Ku dhamaaday geedigu
Iyo ubadka dhawrtee
Dhursugaygu beegsaday

Ma dhantaalmo hoygay
Runtu dhidib u taagtee
Xubnihii dhisaayiyo
U dhanyihiin xariirtii
Nafta dhinaca saartaa
La mabsuud dhacayso

Balse dhuuxa maansada
Waxa dhibay naftaydani
Ama dhudhunka ii riday
Ka dhawaajay maankay
Hadaan golaha soo dhigo
Dhalin weeye jiidh gala
Dhabta kuwaan wadaagnay
Iyo dharabka hooyada

Badi way ku dheeleen
Dhaqankiyo hugiisii
Intay dhalasho diideen
Abtirsiin ma dhaafeen
Hadba dhidibka waayeel
Dhaxay ugu hibeeyana
Ma rideen dhankoodii

Sida ruux dhagoole ah
Ma dhugtaan warkaygoo
Dhami diide baaqii
Ku dhibcaayay maankood

Inkastoon ka dhiidhiyay
Ka dhaliil duwaayoon
Dhagxumina u diiday
Ma’ay garan dhanbaalkii
Ku lifaaqmay dhuuxee
Ragu dhinaca xiirtoo
Maba laha dhafoorkii
Dhululubo sideedii
Foodu dheer afkeedoo
Dhanjafbaa la moodaa
Inu madaxa dhaawacay

Dumarkuna dhalaalkii
Mawle dhabanka saaray
Ka xayuubshe dheehii

Ase erey ku dheegtoo
Maanso dhaliyay taahee
Wuxu sawdku ii dhigay
Dhalintani habowdaay
Ma ogtihiin dhamaan duni
Dhankastooy ahaataba
Inta duul dherertaa
Dhaqankooda gaarkiyo
Hidahoogay dhawraan
Ka duwaan dhaliisha
Dhaadashadu dhab weeyee
Waligood ma dheeshaan

Idinkana dhankii badan
Laga reebay dhawr qudha
Sidii duul dhunkaal qaba
Hadba dhaladka waaberi
Midkii soo dhalaalee
Dhaqan lagu tilmaamee
Dhurawguna xagiisiyo
Kuba dhalan dushiisoo
Barakadu ka dheertoo
Sidii geedkii dhuumood
Hadba dhinac daloolaad
Dhalinyahay la fooftaan

Bal hadaba dhaliishii
Dhidibkeeda maansadan
Anigoon dhantaalayn
Waxan dheeg su’aalay
Ama dhudi ku leeyahay
Markaad uunka dhalateen
Ama dhoocil gaadheen
Dhaayihiinu buuli’yo
Sadexqayd dharkiisiyo
Dhaankoo aroor taga
Iyo dhiisha caanaha
Ma dhugteen guyaal badan

Dhankalena hadaan dayo
Caado dhaqanka dhawrtiyo
Oday dhaliya xaajada
Geedka lagu dhihdiibsadee
Inan lagu dhisaayo
Ama guurti loo dhaqay
Inay dhaawac reebaan
Godob dhalatay beeshaa
Bal xasuuso dheegoow
Adna dhudi xisaabi
Intaad dhaayo saarteen? .

Dhacle dumarka loo xidho
Go’a shaalka loo dhigay
Dhaanto lagu caweeyo
Ama dhalinta suugaan
Haasaawe dhaadheer
Laga dhaafay beentoo
Dhabta laga hadlaayo
Iyo geesi dhiirani
Kaa dhicin cadaawaha
Marti dharaga sooryada
Dheri looga buuxshay
Ha ku dheef xasuusteen
Dhaqankeena mooyee
Horta dheeg ayaa dhigay
Dhudiyeey miyaad garan?

Dhaqan Guur waa maanso ay curisay: Deeqa Xasan AxmedDhaqan Guur waa maanso ay curisay: Deeqa Xasan Axmed
Waxse dhibi garaadkay
Dhalinyahay su’aalee
Dhalashadu maxay tahay
Hadaan dhaadsigeed jirin ?

Markaliyo dhaliishii
Anigoon hal dhaafayn
Dheegoow ogsoonoow
Waxan dhabanka yaabkii
Sacab ugu dhirbaaxay
Dhibkaad adigu beertaa
Anigana I dhaawacay
Dhudi diiday caawimo
Inay dhami I siisoo
Baadi taan u dheelmaday
Jidku dhama’a mooyee
Weli dhinucu muu ladin
Hurdo dhigay warkeedii
Jidhka dhidid ka hooryoo
Afku dhiidhi muu dayn
Balse dhawr su’aalee
Dhalintaan jeclaayeey
Miyuu dhaadsigiin jirin

Siday dheriga xaabadu
Uga dhaliso qiiqaan
Ana dhamac ku beeraa
Murti dhigasho suugaan
Si’an dhagaha xuubkood
Waxan manta dheehdiyo
Beritaba wixii dhiman
Hadna ugu dhibceeyo
Inta maan ka dhaadhici

Balse maxaad dhasiigiyo
Ani dhaawacaygiyo
Dhibka uga helaysaan

Ma kolaan dhaqaaliyo
Hawlo aniga ii dhana
Ii dhameeya leeyahay

Waxa gama’a dheershee
Hurdo iga dhantaalay
Igu dhaliyay baaqana
Dhaqan weeye meel gala
Iyo dhaxal la eegto
Dhayal lagu helaynoo
Saami lala dhigaa jirin

Ogow dhabar adaygaba
Dhalintaan jeclaayeey
Ninka dhaliya guushu
Inu dheemantii helay
Dhaqo lagu ogaanjiray

Waxan dhuuxa maansada
Ama dhidibka weedhaha
Dhexmuquurshay xaajada
Nin dhibkiisu muuqdaa
Dhaymo lagu dayaaye
Ani dhaawacaygani
Dhalintaan jeclaayeey
In ka dhiijinaysiyo
Intii dhaafi mooyee
Inta dhaada maan arag

Runtu dhadhan ma diidee
Wuxu culaygu dhiishii
Burcad dhalasho keenay
In dhalaanka awgii
Saca dhiija caanuhu
Dhalin waayay xoorkii
Ana dhugashadoodiyo
Dhursugooda maan helin

Bal hadaba dhagwayneey
Inta dheeg warkaygani
Dhibihaayo maankii
Ama dhudi la yaabkeed
Rajo dhalinin baaqani
Dhaqan guuraybaa badan

Waxse dhibi garaadkay
Markalena I dhaawici
Dhalinyahay su’aalee
Halkeen dhaadka dunidani
Dharabkay ku yeelaa
Hidahay ku dhawrtaa
Damqashadu dhab weeyee
Alloow yaa dhibaatada
Ila qaban dhankiisoo
Isna dhaliya aayaha
Lagu dhaqan ilaasho

Sida dhibica roobaad
Ama danab dhawaaqii
Codka sare u dhaadheer
Ereyada dhinbiisha ah
Dhuuntu xiiqi waydoo
Waxa dhididka keenay
Ama dhaliyay oonkaba
Nin dharkayga qaatoo
Dhiig miiray waa hore
Inta dheeg I diidiyo
Dhudi inan la daawado

Dhalintaan jeclaayeey
Nin dhurwaa ka liitaa
Intu dheefta beegsaday
Madhi dhuunigaygii

Bal hadaba dhawaanshaha
Calashaan dhaqaaq jiidh
Kiinee u dhiiran
Dhakhso diira aaxdii
Ana ila dhibtoodoon
Dhalashada wadaagnaa

Horta dhuuxa weedhoo
Ma ogtihiin dhamaantiin
Inaan nahay dhalaankii
Awoow uu ku dhaatee
Abtirsiinta dheeriyo
Dhalashada wadaagee
Abidkood is dhaafayn

Dhankalena hadaan dayo
Ninka caano soo dhamay
Ama dhabarka hooyada
Qaydka dhinaca haystay
Dhab ahaan walaalkay
Iyo waa dhigaygii

Waxan dhidibka maansada
Hadba udub ku dhawraba
Seeto dhigay talaabada
Idinkuna dhamaantiin
Is banbaansha dheegoow
Dhudiyeey u roonoow
Huga dhinaca kuu sudhan
Dhaclahaaga eegoo
Ha dhaqaaqin goortuu
Sadexqayd dhinaado
Ama dhaxal awoowgeen
Dhimashada la nooc yahay

Bal inaan dhafoorkiyo
Dhudhunkayga eegoon
Dhaashigay daneeyoon
Socodkaan dhakooleen
Dhibihayn naftaydani
Dhakhso uga fadhiistoon
Dhaldhalaalka dunidiyo
Dhaqashadiis haleelo

Dhamaad ;
Midhihii deeqa .
hargeisa cadey , hoyga nabada iyo suugaanta

Posted by: axmed mahamed Shaqaale
shaqale_88@hotmail.com

Posted In

Post new comment