Daawo:Sarkaal kasoo Goostay Ciidamada Sheekh Shariif, iskuna dhiibey Al Shabaab
Muqdisho, (sli)- Al Shabaab ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu ka soo goostay Dowladda Sheekh Shariif iyo Hub gacmeed gaaraya 50-qori Ak47 ah, kuwaasoo aanay cidina wadan, balse ay sheegeen in lagala soo goostay Dowladda.
Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Sarkaalka iyo Ciidamo ay la soo goosteen, inkastoo saxaafada ay u soo bandhigeen sarkaalka kaliya iyo Qoryaha Ak47 oo gaarayay ilaa kontameeyo.
Cali Dheere ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan Ciidamo kasta oo ka soo goosta Dowladda Sheekh Shariif, kuwaasoo uu sheegay hadii ay ka soo laabtaan wadada qaldan ay ku socdaan.
Sarkaalka ay soo bandhigeen Shabaabka oo isna saxaafada la hadlay ayaa magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur, waxaana uu tilmaamay inuu Taliye u ahaa Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Warshadii Nac-naca ee degmada Wada Jir.

Sarkaalkan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Ciidamadii hore ee xooga dalka, isagoo tibaaxay inuu go'aansaday in Dowladda KMG isaga soo tago, maadaama ay ku qaladay buu yiri arrimo badan oo aanay ka dhabeyn fulinteeda.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli magaalada Muqdisho xaalkeeda u muuqdo mid dagaal sugto ah, kadib markii dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal ay bilowday Dowladda KMG, mana jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan sarkaalka ay sheegeen Shabaabku inuu ka soo goostay.
Ma ahan markii u horeysay ee dhinacyada isku haaya Siyaasada Soomaaliya ay soo bandhigaan Ciidamo iyo saraakiil ay sheegaan inuu dhinaca kale ka soo goostay, hase ahaatee shaqsiyaadka hadba ku qanci waayay mansabkiisa siyaasadeed ayaa caado noqotay inuu dhinaca kale uu ku biiro.
Somalilandinfo.com
Muqdisho
Related News
- Watch: Saudi's King Abdullah awards Turkey's Erdogan for service to Islam : 10 Mar 2010 - 22:29
- Afhayeenka Xibiga Udub oo si kuluul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo : 10 Mar 2010 - 19:40
- Bayaan:- Salaadiinta Habar Yoonis oo ka shiraya sidii Magaalada Maydh looga furi lahaa Dakad Maraakiibtu ku soo xirtaan : 10 Mar 2010 - 19:23
- Qandaraas ku baxaya 500-kun oo dollar oo lagu dayactirayo Madaarka Hargeysa oo uu Warancade ka cadhooday, iyo Madaarka oo xidhan : 10 Mar 2010 - 19:13
- Barnaamijkii Caafimaadka: Waa maxey Muhiimada ku jirta Fiitamiin D? : 9 Mar 2010 - 20:02
- Marwo Edna Adan oo ka qayb galasa Kulan Caalami ah oo ay Haweenka Dunidu isku Arkayaan : 9 Mar 2010 - 19:46
- Akhriso Gabadhii Qardho laga soo xadey oo uu Walaalkeed sheegay in la Damacsanaa in dibeda xubnaha Jidhkeeda looga Ganacsado : 8 Mar 2010 - 10:09
- Wasiirka Qoyska oo sheegtay in Sharciga la horkeeno dadkii u dhashay Somaliland ee Wakiilka u ahaa ninkii Ruushka ahaa : 8 Mar 2010 - 09:55
- "Raga qaylinaya Faarax Macalin 10 Arday ayuu waxbarasho jaamacadeed u fidiyay idinkuna Hub baad Ubadkiinii siiseen" Xaabsade : 8 Mar 2010 - 09:40
- Abwaan Sangub oo Shaaca ka Qaaday in uu Taageersan yahey Xisbiga KULMIYE : 8 Mar 2010 - 09:26




























Post new comment