Cashirkii Taxanaha ahaa: Tarbiyada Islaamka - Qaybtii 33aad by Saeed Ibrahim Hussein
Ubadkuna mudnaantii, Mawle hadduu ku siiyoo, Magac aad u bixisoo, Mooska kugula noolyiin, Madax baad u tahayoo, Marinkii saxa ahaa, Meeriskii quraankiyo,
Sunnihii u mariyoo, Maankoodu tarbiyada, Mucda diintu dhigaysiyo, Marinkii ha raaceen, Mayalkow adkeeyo.
Tarbiyada Islaamka: Tarbiyada Islaamku waa sida loo raacayo,ee loo baranayo ku dhaqanka waxa diintu ina farayso, oo dhan, oo laga dhiganayo dhaqan, iyo caado la qabatimo.
Tarbiyada Islaamka waa tababaridda,iyo u carbinta qofka ku dhaqanka akhlaaqda wanaagsan,iyo u gudashada waajibadka Alle saaray,sida ugu wanaagsan ee laga rabo.
Tarbiyada Islaamku waa mid,loo wada baahan yahay,oo da' kastaba,u ah lagama maarmaan,waayo mar kasta oo qofku da'duu doonoba ha ahaadee,uu korodhsado aqoon,iyo waayo aragnimo,waxay siyaadinaysaa taqwadiisa,iyo cibaadadiisa, sida Rasuulku inoo sheegay,in aynu dalabno cilmiga,laga bilaabo dhabta hooyada,ilaa laga god gelayo,waayo cilmigu wuxu tarbiyeeyaa qofka,baranaya,oo u siyaadiyaa aqoon fikradeed,iyo mid khibradeedba,sida dhismaha jidhka,iyo xamilidda hawsha:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم(أطلبوا العلم من المهد إلى اللحد)
Xadiiska:Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam,wuxu yidhi;dalba cilmiga ilaa iyo markaad dhabto hooyo ku jirtaan,ilaa aad ka god gelaysaan,oo loxodka la idin dhigayo.
Asalka hore ee qof kasti,waa Islaannimo,oo qof kasti wuxu dhashaa isagoo muslin ah,laakiin tarbiyadda waalidka ayaa duwda,ama toosisa:
"كلّ مولود يولد بالفطرة لكن أبواه يهوديانه أو ينصرانه أو يمجسانه"(حديث)
Xadiiska: Qof kasti markuu dhasho,wuxu ku dhashaa fidrada,oo isagoo Islaanimo ku sugan ayuu dhashaa,laakiin waalidkiisa ayaa u horkaca inuu Yuhuudi,ama Nasrani(Kiristan),ama Majuusi noqdo.
Waxa tarbiyadu iyadoo qaabka iyo nooca ay ku kala geddisan tahay,ay u tahay dadkoo dhan daruuri,iyo lagama maarmaan,waxa ugu horreysa Carruurta,oo lagu soo kacaaminayo,nolosha ku dhisan manhajka Alle inoo dejiyey,sidoo kale qof weyn oo markaa soo islaamay,wuxu u baahan yahay tarbiyada Islaamka,in sida carruurta loogu bilaabo,dadka musliminta ah,ee Islaamka ku dhashay,waxa ay u baahan yihiin,tarbiyo ah in loo laylyo,in ay naftooda,iyo waxqabadkooda oo dhan,ka dhigaan mid ay mar kasta u samaynayaan dar Alle,oo ay u niyaystaan cibaado,waafajiyaanna sharciga Alle
Tarbiyada Islaamka ee Carruurtu,waxay ka bilaabantaa marka waalidkoodu ay is dooranayaan,oo Aabbuhu hooyo diin leh,oo carruurta ugu rabbaysa dariiqa saxa ah, uu dooranayo,waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo;ninku mar buu inankiisa u hiiliyaa,waa markuu hooyadii guursanayo,diintuna waxay ina baraysaa,doorasha guurka:
عَنِ أَبي هُريرة رضيَ اللَّهُ تَعَالَى عَنْهُ عَنِ النبيِّ صَلّى الله عَلَيْهِ وَسَلّم قال: " تُنْكحُ الْمَرْأَةُ لأرْبَعٍ: لمالها ولِحَسَبها ولِجَمَالها وَلدينها: فَاظْفَرْ بذاتِ الدِّينِ تَربَتْ يَدَاكَ " مُتّفَقٌ عَلَيْهِ
Xadiiska:waxa Abu Hurayra,Alle ha ka raalli noqdee,laga weriyey,in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,yidhi;waxa haweeneyda lagu guursadaa,afar arrimood;maalkeeda,nasabkeeda,quruxdeeda,iyo diinteeda,ku dadaala,oo haleela ta diinta leh.
Hooyadu waa aasaaska qoyska,iyada ayaana barbaarisa ubadka,oo uga dhow Aabbaha,hadday hooyada diinteeda iyo taqwadeedu fiican tahay,ilmaha ay diyaarinayso,waxa uu noqonayaa mid ka dhinbiil qaata,dhaqan huwan cabsida Alle,iyo dareen ku aaddan,waajibka ka saaran,cibaadadiisa iyo wadankiisa,iyo dadkiisa,iyo qoyskiisa,ka dibna naftiisa,oo ugu horreysa,uguna danbaysa.
Ilmaha yar hooyadu,waa in ay ku barbaarisaa dhaqanka,iyo sifooyinka ay diinteennu ina farayso,dabeecadda wanaagsan,cadho la'aanta,iyo dagaal la'aanta,run sheegga,iyo dadka oo uu dar Alle u ixtiraamo,una jeclaado,ee aanu ku jeclaan qabiil iyo wax la mid ah,waxa inoo ah ku dayasho Rasuulkeennii nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee:
لقد كان لكم في رسول الله أُسوة’ حسنة’ لمنْ كان يرجواْ الله واليوم اللاخر وذكر الله كثيراً(الاحزاب)
Aayadda:waxa Rasuulkii Alle,idiinka sugnaaday ku deyasho,wanagsan,kii rajeynaya Alle iyo yowmul aakhirada,ee in badan Alle xusaya.
Rasuulku Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxuu ummadda u ahaa naxariis,wuxuna u ahaa macalin,bara xaqa iyo diinta Alle,iyo ku dhaqankeeda:
عن عمر بن أبي سلمة رضي الله عنه قال:كنت غلامًا في حجر رسول الله صلى الله عليه وسلّم وكانت يدي تطيش في الصحفة،فقال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:سمّ الله وكل بيمينك،وكل ما يليك."متفق عليه"
Xadiiska:Cumar Ibnu Abi salama,Alle ha ka raalli noqdee,ayaa yidhi;waxan ahaa wiil yar,dabadeed Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,ayaan wax la cunayey,dabadeed gacantaydu sixniga halkay doonto,ayay cuntada ka qaadanaysey, wuxu Rasuulku igu yidhi;(markaad wax cunayso)bisinka qabso,oo midigtaada wax ku cun,halka sixniga kaaga toosan,ee kaa xigtana ka cun.
Salaadda oo tiir aasaasi ah,waxa la rabaa,in ehelka iyo carruurta lagu tarbiyeeyo:
(وَأْمُرْ أَمُر أَهْلَكَ بالصَّلاةِ واصْطَبِرْ عَلَيْهَا) [طه]
Aayadda:Amar oo far ehelkaaga salaadda,oo ku sabir.
Waxa Rasuulku ina baray,waqtiga ilmaha yar,loo bilaabayo,ee la barayo salaadda:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:"(مروا أولادكم بالصلاة وهم أبناء سبع سنين، واضربوهم عليها وهم أبناء عشر، وفرقوا بينهم فى المضاجع) [أبو داود]
Xadiiska:wuxu yidhi Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee:amra Carruurtiinna salaadda marka ay todoba jirka yihiin,oo ku garaaca,markay toban jirka yihiin,oo hurdadana seexiya meel u gaar ah.
Ubadka waa in la baraa,oo lagu dhiirri geliyaa,dabeecadda wanaagsan,oo laga reebo, oo laga ilaaliyaa camal xumada,iyo cadhada badan:
"وتبسمك في وجه أخيك صدقة)راه الترمذي )
Xadiiska:dhoolla caddayntaadu aad wejiga walaalkaa ku qaabishaa waa sadaqo.
Waxa qofka muslinka ah laga rabaa in uu dadka u muujiyo oo ku qaabilo weji furan, oo aan ahayn weji macbuusnimo,sidoo kale isa saamaxa iyo liqidda cadhada:
"والكاظمين الغيط والعافين عن النّاس والله يحبّ المحسنين(آلعمران)
Aayadda:kuwa laqaya cadhada(cadha burburaya),ee cafiyaya dadka,Alle waa jecel yahay,kuwa muxsiniinta ah,ee ixsaanka iyo wanaagga samaynaya.
Waa in ilmaha yar,aanay hooyadu barin,in uu dagaallamo,oo aanay ku odhan;ha ii iman adigoo ooyaya,oo lagu soo dilay,ee wax iska celi!,laakiin waa in ay bartaa,in uu dadka saamaxo,oo dulqaadka ku dhaqmo,taasi waxay tirtiraysaa cadawtinnimada,iyo dagaalka qofkii ku weynaanayo,ee ay ka dhaadhacsan tahay,haddaad cafis,iyo saamax samayso wuu baqayaa,ayaa lagu odhanayaa,waa in waxa wanaagsan qofku ka doorbidaa waxa xun,oo intuu yar yahay lagu kacaamiyo,oo dadkoo dhami xil iska saaro,ha ugu horrayso hooyadu'e.
Waa in ubadka lagu barbaariyaa dabeecad wanaagsan,iyo dad jacayl,waana in la ogaadaa in waxa carruurtu ku barbaarto ay adag tahay sida looga gooyaa,bulshadiina waxay noqonaysaa mustaqbalkaa carruurtaa iyo fikirkoodii lagu soo tarbiyeeyey:
وتعاونوا على البر والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان(المائدة)
Aayadda:isku caawiya,oo isku kaashada wanaagga,iyo cabsida,oo ha isku caawinina denbiga,iyo cadawtinimada.
Waxa la rabaa oo loo baahan yahay in qofka muslinka ahi ahaado mid calool xaadhan,oo dadka muslinka ah wada jecel,oo sifooyinka wanaagsan ku doorta oo ku ixtiraama,laakiin aan ku ixtiraamin wax kale sida qabiil iyo wax la mid ah:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم "لا يؤمن أحدكم حتّي يحب لأخيه ما يحب لنفسه"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi;midkiinna ma uu rumayn Alle iyo Nebigiisa,haddii aanu walaalkii(muslinka)la jeclaan,waxa uu naftiisa la jecel yahay.
Waa in ubadka la baro,in ay ka dheeraadaan waxa aan faa'iidada lahayn,ee waqtiga ka luminaya,oo waqtigoodu ka dhexeeyo;masaajidka,wax akhris,iyo ciyaarta oo waqti xaddidan leh,oo aanay marna malaa yacni waqtiga ku lumin,ee uu u xisaabsanaado:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم "من حسن الإسلام ترك ما لا يعنيه"رواه الترمدي
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi;Islaamka wanaaggiisu waa ka tegidda waxa maalaa yacniga ah,ee aan faa'iidada lahayn.
Waa in aynu ubadka barnaa,in diinteennu wax ina farayso,waxna innaga reebayso,oo la baro,ilmaha inuu ahaado mid khayrka u orda,oo u dhega nuglaada diintiisa:
وما ءاتاكم الرّسول فحذوه وما نهاكم عنه فانتهوا واتّقوا الله إنّ الله شديد العقاب(الحشر)
Aayadda:waxa uu Rasuulku idiinla yimi qaata,waxa uu idinka reebayna,ka dheeraada, oo Alle ka baqa,ciqaabka Alle waa mid kulul,oo darane.
Waa in ubadka la baro,sida Alle ku jeclaanayo,ee jannada ku gelinayo,iyo sida dadkan uu la nool yahay,ku jeclaanayaan,oo ku ixtiraamayaan:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم" ازهد في الدّنيا يحبّك الله،وازهد فيما عند النّاس يحبّك النّاس"رواه ابن ماجه.
Xadiiska: Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi;ka saahid,oo ha ku degdegin dunida,Alle ayaa ku jeclaanaya'e,oo ka saahid,oo ka dheerow,dadka wixiisa,markaasna dadka ayaa ku jeclaanaya'e.
Ubadka waa in la baro,qiimaha iyo halka waalidku kaga jiro noloshiisa:
"وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً واخفض لهما جناح الذّلّ من الرّحمة وقل ربّ ارحمهما كما ربّياني صغيرًا" ( الإسراء)
Aayadda: Alle wuxu waajib yeelay,inaan isaga mooyee cid kale la caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah,ama labaduba uu da' ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin,oo ku dheh hadal wanaagsan,una debecsanow,oo u dhibirsanow,oo dheh Allow ugu naxariiso,sidii ay ii soo barbaariyeen yaraantaydii.
Aynu bal yar milicsanno sidii Luqmaan inankkisa,u tarbiyaynayey,ee u siinayey talada,iyo waanada:
وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يابنيّ لا تشرك بالله إنّ الشرك لظلم عظيم...يا بنيّ إن تك مثقال حبّة من خردل فتكن في صخرة أو في السّماوات أو في الأرض يأت بها الله إنّ الله لطيفٌ خبير يا بنيّ أقم الصّلاة وأمر بالمعروف وانه عن المنكر واصبر على ما أصابك إنّ ذالك من عزم الأمور ولا تصعر خدك للنّاس ولا تمش في الأرض مرحًا إنّ الله لا يحبُّ كلّ مختال فخور واقصد في مشيك واغضض من صوتك إنّ أنكر الأصوات لصوت الحمير(لقمان)
Aayadda:waqtigii(sheeg Rasuul Allow)uu yidhi Luqmaan isagoo waaninaya inankiisa,Inankaygow ha u shariig yeelin Alle,shirkigu waa dulmi weyne….. Inankaygow haddii xabbad khardal ah(xabuub yar),ay dhadhaab ku dhex jirto,ama samada taallo,ama dhulkaba,Alle waa keenayaa,Alle waa Ladiif oo waa khabiir, Inankaygow salaadda oog,oo tuko,oo dadka wanaagga far,oo xumaha ka reeb, oo u sabir waxa ku asiiba,ee kugu dhaca,arrinkaasi waa go'aan adayge,oo dadka afka haw taagin,oo dhulka ha u socon is qaadqaad,Alle ma jecla qofka kibirka iyo faanka badane,oo deggeni u soco,sawdkaagana hoos u dhig,waxa loogu neceb yahay sawdka dameeraha'e.
Ubadku marka ay yihiin kuwo khayr qaba,oo Alle ka baqaya,oo si fiican loo soo tarbiyeeyey,waalidkood way adeecaan,oo waajibkiisa ayay gudaan,Nebi Ibraahin markuu inankiisii Ismaaciil,ku yidhi,anoo ku gawracayaan ku riyooday muxuu ugu jawaabey?!
فلمّا بلغ معه السّعي قال يا بنيّ إنّي أرى في المنام أنّي أذبحك فانظر ماذا ترى قال ياأبت افعل ما تؤمر ستجدني إن شاء الله من الصّابرين(الصّافات)
Aayadda:markuu gaadhey sacyigii,ayuu yidhi;inankaygiiyow waxan ku riyooday anigoo ku gawracaya,ee bal maxaad aragtaa,oo ay kula tahay,wuxu yidhi;Aabbow samee waxa lagu amray,insha Allah mid sabra ayaan noqon doonaaye.
Ilmaha aad si fiican u tarbiyadayso,ee aanad cuntada iyo huga keliya ugu dadaalin, way ku anfacayaan,If iyo Aakhiroba,naftooda,dadkooda,dalkooda iyo diintoodana way anfacayaan:
قال عليه الصلاة والسلام : ( إذا مات الإنسان انقطع عمله إلا من ثلاثة إلا من صدقة جارية , أو علم ينتفع به , أو ولد صالح يدعو له ) رواه مسلم
Xadiiska:wuxu Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi;hadduu dhinto insaanku camalkiisu wuu go'aa,oo istaagaa,saddex mooyee;
Sadaqo jaari ah,ama cilmi lagu intifaaco,ama weled saalix ah oo u duceeya.
Ubadkuna mudnaantii
Mawle hadduu ku siiyoo
Magac aad u bixisoo
Mooska kugula noolyiin
Madax baad u tahayoo
Marinkii saxa ahaa
Meeriskii quraankiyo
Sunnihii u mariyoo
Maankoodu tarbiyada
Mucda diintu dhigaysiyo
Marinkii ha raaceen
Mayalkow adkeeyoo
Mubsuud ha kuu ahaadeen
Muraadkaaga caawinta
Milgo ha kuugu aadeen
Marka mawdku uu yami
Ubadkii mubaarigi
Mawlay ka tuugaan
Maxabbo iyo raxmaddiis
Marley inuu ku siiyoo
Madashii jannada iyo
Muraadkaaga qummiyee
Ha moogaan tarbiyadood
Maroor yaanay noqonine
Midhiheed aad guratide
Maanta fursadda eegoo
Meel mari rabbaayadda
Ma ogtahay da'dii yari
In ay maydhan tahay oo
Sidii maaxda tahayoo
Marinkaad ku toosiso
Ay wada mushaaxey
Adigaa masuul ka ah
Wakhtigaa markhaatiya
Madadaalo ma aha'e
Mucdu way fogtee garo
Macnuhuna ha kuu dhaco
Meel mari rabbaayadda
Muwaadin aan samaynee
Manfacada naftiisiyo
Masaariifta qoyskiyo
Milgadii dalkiisaba
Kii maamulaayee
Maaraayntiis dareensane
Muharaan ka yeeshee
Maadhiinka sharaftiyo
Diintu moosinkaw xidha
Aan mabda' u yeellee
Dhibaatadii la soo maray
Aan maydhno idiloo
Macdantiyo dheemanta
Maankeennaa ka guuxay
Aan soo mudhbixinnee
Meeleeya tarbiyada
Maskax lagu shaqeeyiyo
Maankoo la kaashado
Miyir hawsha loo wado
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Muhandiskii mishiinnada
Maraakiibta badihiyo
Diyaaradaa hawada mara
Macnohood yaqaan ee
Makaaniga la yaabka ah
Mayaadaha dabkaa sida
Moobayladiyo qalabada
Muhandiskii samayn kara
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Mufti diinta mariyoo
Masaajiddada tujiyoo
Muxaadarooyinkii iyo
Masa'looyinkii fura
Mufasirkii quraankee
Macnaynaayey diintana
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Muwaadinka dhabta ahee
Manfac soo kordhinayee
Masuuliyad dareemee
Qabyaalad aan la marinayn
Dadka wada maseeyee
Uu dalkuna miciinsado ee
Mudnaantana dantaa guud
Ku mudhbixiya aragtida
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Muruqa xoogga dalka ee
Mahuraanka nabaddiyo
Meerisyada xuduudahu
Magantooda ay tahay
Millateriga geeshka ah
Iyo madasha booliiska
Mayalkiisa ninka suga
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Macalinka wax bara'ee
Quraankii marinayee
Malcaamadaha dhigaayee
Kutubtii marinayiyo
Kuwa maaddi cilmiyeed
Macnohooda sheegaya
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Maalka iyo xisaabaha
Maaraynta ganacsiga
Musuqmaasuq li'idiyo
Kuwa maalka dhawree
Xalaalnimo ku meelmara
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Maamulkiyo siyaasadda
Midka khayrka magansada
Munaafaqad ka dheeree
Mawlihiis ka baqayee
Miisaama hawlaha
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Muxaamiga garta u naqa
Markay xaajo murugtee
Ee aan mutihinaynee
Mugga siiya xaqa oo
Marinkeeda garanaya
Maxkamadahana kala wada
Mucda tarbiyadeennaan
Maaxdaa ka sugaynaa
Muraayad aan ahaannee
Waxay muhato laabtuna
Marinkii xaqa ahaa iyo
Mabda'a nololeed iyo
Manhajka Alle dhigay
Midho aan ka yeelnee
Mahwigaan gudhayniyo
Madhaafaanka uga yeel
Magantiisa noqodka ah
Miyirkood ha qaatee
Manhajkii Illaahay iyo
Muxibadii Rasuulkeen
Diinta moosinkow dhiga
Miisaanka hadalkiyo
Muuqaalka aragtida
Meesha ay ka maaxdaan
Maankooda ku ogow
Khayrka haw mashquuleen
Ku midee cibaadada
Waxan Alle ka baryaynaa in uu ina waafajiyo,sida ugu habboon ee uu ka raalli yahay, ee aan nafteenna iyo ubadkeennaba u tarbiyeynayno,ee uga dhigayno kuwo u hoggaansama amarka Eebbe.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
















Post new comment