Mowjadii Tahriibta waa Maanso uu Curiyey Abwaan Cabdulqaadir Axmed Xassan iyo sida ay Dadka Liibiya u Xunyihiin

Text Size

Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah Bahda shabaakadda calamiga ah Ee Somalilandinfo & Asxaabta uruurka S.y.n-Eu waxaa xusid iyo qadarin mudan Guddoomiyaha uruurka S.y.n-Eu Shevodinio Mohammed Ahmed "Mudiir Shevodinio"...

Maansadan waxaa layidhaahda Mowjadii Tahriibta waxaa midhaheeda curiyay ama sameeyay Abwaan Cabdulqaadir Axmed xassan, abwaanku wuxuu ku sharaxaaya maansadan dhibaatada Tahriibtu lee dahay iyo dalka Liibiya oo shacabkiisi aad u xunyihiin Ninka soo mara garanaya ama dareemikaraya wuxuu ku billaabay sadan wacaan:

Madawgii saxaraha iyo
waxaan siliic la soo meeray
waxaan magafo soo maree
midiba mid ii dhiibay
mujrim Liibiyaan ahii
waxuu maalka naga miistay
sidii miskiin yaroo yitiim ah
waxaan madaxa laalaadshay
ma arag xiniin yaalaha iyo

geesigu meel uu kaga liitoo
ma arag meel aan salaada
lagugu xidhanayn midab
daraadiiyee
ma arag meel aan muslinamaduu
magac ku la haynee

malaa,igtii ilaah iyo
waxaay maxammed caayaanba
Gacmis lood iyo waxaay
magac sab sheegaanba
magacaa ba,a Liibiyaay
maantaba ku soo dhaafay,

waxayse mowjadu nagu kacdoo
Baddu maanka naga qaadoo
Maalta nimi ilaah mahadii
weeyaane
mase filayn

maxbuus inaan qondo iyo
maqsin la igu oodaayee
mowlow Allahayoow
maantana bal noo hiilii.

Waa bilaahi tawfiiq

Hanandeeqa maxamuud cabdi
England Uk -head office S.y.n-Eu
E-mail hanandeeqa@live.se
manager S.y.n-Eu
E-mail shevodinio7707@hotmail.com

Posted In

Post new comment