Maanso ka hadlasa waxaa sababay wakhtigan iyo durufaha maanta aynu kujirno Mubaarik Maxamed Jaamac
Maansadan Cusub ee uu Curiyey Mubaarik Maxamed Jaamac oo ugu magacdarey "Sakal" waxay ka hadlaysaa waxaa sababay wakhtigan iyo durufaha maanta aynu kujirno waxa sababay sa,da gabaygayga siinka baryaha waan ka saahidaye sakalaha markii ay gashaan seefihii dhigaye...
saakana waxaa iigu wacan salawga yedhaaya
sinta uu uraray inagalaal magaca siinlaye
sahal looma guuriyo adaan haysan gaadiide
sahanli,ina waa lagu lumaa socodka qaarkiise
sabadaa dagteen waan arkaa samada qiiqaysa
saqadhbaa baxaysoo arladu way sargantahaye
samihii la dhaafyoo sharkay daris wadaageene
sune lagu dhaqmaa iyo majiro diin la dhawraye
saxa culimadii laguyaqaan diinta fidinteeda
wax siraadaymooyee sahwiye subsxan manta ahe
saatiraw allahayaw mar uunsamaha ku hagaaji
afartaa sifeeye hadaan saafo hadalkayga
saxalkiyo abaaraa hdaan si uga faaloodo
sahal uma hadlaayee hadaan mariyo dawgiisa
seedaha hadii an ku jaro saancad ii muuqda
sifaheedu waa kaan arkaa suuraduu yahaye
guurtida iswada haysatee samaha garanwayday
siri uma qarsono dadkuba wuu ogsoonyahaye
sidii roon alahayaw arlada saaka nagu toosi
saban hore warkiisii hadaan eray ka faaleeyo
sanadkiidagaaladu dheceen sama udirirkeena
saldhigeenu waakii ahaa saxa ha looguuro
sunihii rasuulkiyo sharciga xukun halagayeesho
dastuurbay jeclaysteencabdaw gal uleedahaye
saxariirka waakaa badee silicu saameeyay
surmigiyo haradkiyo waxaa sababay sooyanka
siigada waxaa noogu wacan boodhka qiiqaya
saredada raga loo idmaday dawladnimadeena
sabankay yimaaden ilaa subaxdan aan joogno
sama lagu bariistaa majiro subaxan manta ah
saxal iyo abaaraa dhacoo suule xooliye
anna sadarka mansada waxan siinka ugudoortay
samirbay dan moodo ma ,oga waxa ka soojeeda
safahan lawda daadiye maartu aafaysay
fusadoodi maantay tehee magic halooyeelo
sunihiina yaan laga tagine saxa halagu tooso
aamiin... aamiin
Mubaarik Maxamed Jaamac (hiraal)
hiraal_01@hotmail.com
borco somaliland
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment