Maansadii Abaal Qalinkii Abwaan Shevodinio Mohammed Ahmed
Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah Bahada Shabakaadda calamiga ah Ee Somalilandinfo & Akhyaarta sharafta badan Ee somaliland Maansadan waxaa layidhaahdaa Abaal Waa maxaay Abaalku?, Balse maxuu yahay dulucdiyo u jeedada maansada Lamood balse noqonsee weeyday, maansadan waxaan ku sharaxaaya Abaalku waxaa u yahay waxaan ku billaabay sidan wacaan:
Aar guun ahoo weynoo
galamleeya u gaadhiyo
geela kiisa waaweyn iyo
garab yaraw adhiilaha
oo gayiga looga yaacay baa
geed hadhac ahoo weyn
galab seexday hoostii,
garamyaallee jiiroo
bisad baasi goobtoo
godkastaba ka saartaa
gondihiisa hoosiyo
guudkiisa shaashka leh
iyo gafuurkii kuu joogsaday
galgalimaysay aarkii
gacantii la halacsayoo
garabkiina soo qabay
kolba gees ka joogsay
goolaaftanyoo cadhooyoo
garan waa waxuu yahay
kuye geed yahow ilaan yari
yaa guudkayga shaashka leh iyo
gafuurkaygii laga cabsoon jiray
ku galgalimayso kugu yidhi ?,
shaw wadnahaa gariiroo
garamyaalihii jiir
kuye bisad baa i goobtoo
god kastaba ii diidoo
geed aad ag jiifto
iyto gayi aad ku nooshahay
ma imaadee ogsoonow,
Abaal gud bal ii dhiigoo
galabtuun i siidaa,
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
qosol la galgalayna aarkii
gawsahaa badh muuqden
abaalkaad bal ii gali
wuxuu yahay bal ii sheeg ?
Abwaan Shevodinio Mohammed Ahmed
geed yahow i taal yari
geesuun bal ii dhaaf
guurguurayoo dhaqaaqyoo
ka huleelna geedkii,
shaw gayiguu gumaadee
duunyaddii ka laayaa
go,aan waxay ku gaadheen
guurti iyo cirooliyo
gidigood dhammaantood
in aadkaa la gowracoo
gees kastaba dabin
la yuururi,
isagoo guuro socoduu
saqdii dhexe gundhada
dabin u soo galay
goor uu waagii guduutuu
garamyaalihii jiir
gees dheer ka halacsaday
soo gurguurayoo yimi
ilkihiisii gaagaabnaa buu
ku id leeyay shabagii
waa guul Eebbe keenee
hadba gees u bood bood
kuye gowso weynow
bal ii waran,
gasariir iyo layaabkii
guudka laga soo tuur
hadalkii ku soo goo
gidi habar dugaag iyo
gidi ina raggoodow
in Abaal la gudi karo
kolay garamyaalle jiir tahay
guurtiyahay ogsoonow.
jaw nabad waa bilaahi tawfiiq
Thank you By
Abwaan Shevodinio Mohammed ahmed
Manager S.y.n-Eu Shevodinio Mohammed Ahmed "Mudiir Shevodinio"
E-mail shevodinio7707@hotmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























salaan qaali ah axsaabta somalilandinfo
waxaan idiin soo diraaya salaan qaali ah axsaabta somalilandinfo mudiir shevodinio dhab ahaanti waa halyeyga somaliland waana nin yaqaana qodobka maansada maxamuud dalmar maxamed deutschland frankfurt city
salaan qaali ah somalilandinfo
allah mudiir shevodinio waa nin qaali ah ama murtida miidha sidaa ayaa loo bahad yahay ina gabayga loo curiyo ama loo sameeyo by kawsar axmed
Post new comment