Maanso Loo Curiyey Shirkada Isgaadhsiinta ee Casriga ah ee SOMTEL Abwaan Rooble Saalax Axmed (Xabeeb)

Text Size

Maansadan Hoos Ku Qoran Waxa Tiriyey Abwaan Rooble Saalax Axmed (Xabeeb) Wuxuuna Ku Soo Dhaweynayaa Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee SOMTEL Oo Dhawaan La Filay Inay Hawada Soo Gasho Isla Makaana Soo Kordhiso Adeegyo Casri Ah Oo Cusub Dadkuna Aad Ugu Baahnaa, Mudo Dheerna La Sugayey Wuxuu Yidhi Abwaanku:-



Sancadeedu Waligeed Sare Ayay U Socotaa
Somalida Dhamaanbaa, Saadaalinaysoo Somtel Sugaysoo
Waan Soo Dhaweynee, Ahlan Wasahlan Somtel
Sanadkan Aynu Joognana, Labada Kun Iyo Tobankana
Saraa Loo Socdaayoo, Samadiyo Xidigihaa Sahal Lagu Tagaayoo
Sayruukh La Ridaybaa Sabab Laga Dhigtaayo
Subaxdii Timaadana Safaraa U Baxa Oo
Dayaxaa Siraataa Lagu Soo Sawirayaa
Aduunyadan Socdaashee Sardhadii Ka Toostee
Hadba Nooc Samaysaa Sancadii Aad Ogaydeen
Qaar Ka Sii Sareeyaa, Inay Soo Baxaayaan Waa Inaad La Socotaan
Somalida Dhamaanbaa Saadaalinaysoo, Somtel Sugaysoo
Waan Soo Dhaweynee, Ahlan Wasahlan Somtel

Samadiyo Daruuraha, Sawd Soo Dhexmara Oo
Dhegtaa La Iska Saaraa Somtelbaa U Sitadoo
Sanca Heer Sarasoo, Taawar Dheeri Sido Bay
Buurahaa Dul Saartoo, Subax Iyo Habeen Iyo
Saacadii Aad Doontaad, Sanku Neefle Oo Idil
Meel Kastuu Ku Sugan Yahay, Saani Ula Hadlaysaa
Sorry Iyo Sug Malahoo Samadaa La Buuxshay
Saaka Ugu Dambaysee Waa Inaad La Socotaan
Somalida Dhamaanbaa Saadaalinaysoom, Somtel Sugaysoo
Waan Soo Dhaweynee, Ahlan Wasahlan Somtel

Somtel Warkeedana, Waan Kuu Sifeeyee
Sahal Ha U Malaynine, Suuqyada Aduunyada
Kuwa Ugu Sareeyey Safka Kula Jirtaayoo
Salka Waxay Ku Haysaa, Ina Siciid Ducaaloo
Dahabkaba Sifeeyee
Sadiiq Weeye Dhabahoo, Siday Tahay Amaanada
Dadkeedii U Siiyoo
Sumcada Iyo Wax Qabadkana, Loo Wada Saxeexoo
Bilad Jeebka Loo Sudhay
Somaalida Dhamaanbaa Saadaalinaysoo, Somtel Sugaysoo,
Waan Soo Dhaweynee, Ahlan Wasahlan Somtel

Simicard Macquuloo, Oo An Saxal Lahaynbaa Somtel Sidaye
Mobile Saafiyoo Saani Loogu Bogaybaa Somtel Sidaaye
Layn Kula Socdoo, Safar Kula Gelaayoo Aan Silig Lagu Xidhaynbaa Somtel Sidaa
Somalida Dhamaanbaa Saadaalinaysoo, Somtel Sugaysoo
Waan Soo Dhaweynee, Ahlan Wasahlan Somtel

Sanca Weeye Wacanoo, Laga Wada Maqsuudee
Waa Inaan La Wada Soconoo Saani Ugu Xidhnaanaa
Somalida Dhamaanbaa Saadaalinaysoo, Somtel Sugaysoo
Waan Soo Dhaweynee, Ahlan Wasahlan Somtel

Dhamaad

Diyaariye: Rooble Saalax Axmed (Xabeeb)
Berbera, Somaliland
Tell: 4444489

Posted In

Post new comment