Cashirkii Taxanaha ahaa: Dabeecadda Insaanka iyo marxaladihiisa - Qaybtii 35aad by Saeed Ibrahim Hussein

Text Size

Dabeecadda Insaanka iyo marxaladihiisa: Insaanku waxa uu ka mid yahay makhluuqaadka Alle abuuray, waana ugu sarreeyaa, oo Illaahay ayaa siiyey, fadli uu kaga sarreeyo khalqiga kaloo dhan:.


ولقد كرمنا بني آدم
وحملناهم في البر والبحر ورزقناهم من الطّيبات وفضلناهم على كثير ممن خلقنا تفضيلا
( الاسراء)


Aayadda:
xaqiiqa'e waxannu karaamaynay, oo mid sare ka dhignay, Bini'aadamka, oo Berriga iyo baddaba, u suuragelinnay inuu ku noolaado, oo ku irsaaqnay dayibaad wanaaqsan,oo ka fadilnay, in badan oo ka mid ah, makhluuqa aanu abuurnay.

Alle subxaana watacaalaa,waxa uu u doortay Insanku inuu maamulo
Adduunkan,oo isagu ahaado,ka ay saaran tahay,masuuliyadda tooska ah,ee
Adduunkani:

وإذ قال
ربّك للملائكة انّي جاعل في الأرض خليفة(البقرة)


Aayadda:
waqti xus(Nebi Allow)Rabigaa
ku yidhi Malaa'igta waxa aan dhulka u samaynayaa khaliif maamula.

Alle waxa uu abuuray Aadan,oo ah aabbihii ay ka tafiirmeen
Insaanku,ee durriyadiisa yihiin,waxana Aadan laga abuuray dhoobo,Xaawona isga
ayaa laga abuuray,waa awoodda Illaahay,iyo xikmadiisee,wixii danbe waxa Alle ka
abuuray candhuuf yar, oo ka kooban biyaha ragga iyo ugxanta dumarka,ka dib ayuu
marxaladaha kala geddisan maraa,qofku ilaa laga oofsanayo,oo ciiddii laga
abuuray asalkiisii hore,dib loogu celinayo:

ولقد
خلقنا الإنسان من سلالة من طين ثمّ جعلناه نطفة في قرار مّكين ثمّ خلقنا النّطفة
علقة فخلقنا العلقة مضغة  فخلقنا المضغة عطامًا فكسون العطام لحمًا ثمّ أنشأناه
خلقًا ءاخر فتبارك الله أحسن الخالقين ثمّ إنّكم بعد ذالك لميّتون ثمّ إنّكم يوم
القيامة تبعثون (المؤمنون)

Aayadda:xaqiiqa'e waxannu insaanka ka abuurnay dhoobo is
jiidanaysa,dabadeed waxan ka dhignay candhuuf(mani),ku sugan meel loo
diyaariyey,ka dib waxannu candhuufadii ka abuurnay,xinjir yar,ka dib xinjirtii
ayaannu ka abuurnay waslad,ka dib wasladdii ayaannu ka abuurnay lafo,ka dib
lafihii ayaannu huwinnay,oo ku dedney jiidh,ama hilib,ka dib ayaannu abuurnay
khalqi kale,Alle ayaa sarreeya,oo ugu wanaagsan cid wax abuurta,ka dib waad
dhiman doontaan,oo dabadeed la idin soo saari doonaa,maalinta qiyaamaha.

Waxa Insaanka col la ah,oo cadaawad aan qarsoonayn kula jira
Shaydaanka,waxana mar kasta Insaanka iyo Shaydaanka dhex yaalla,loollan ah
weerar iyo difaac,waxana arrinkaasi bilawday markii la Abuuray Nebi Aadan
calayhi salaam,oo Shaydaanku diiday,in uu u sujuudo markii Alle amarkaa
bixiyey,isagoo Ibliis kibraya ayuu ka faanayaa,basharka oo odhanayaa ma waxa aan
u sujuudaa,cid aad ka abuurtay ciid, iyadoo aad aniga iga abuurtay naar:

ولقد
خلقناكم ثمّ صورناكم ثمّ قلنا للملائكة اسجدوا لأدم فسجدوا إلا إبليس لم يكن من
السّاجدين قال ما منعك إذ أمرتك قال أنا خير منه خلقتني من نار وخلقته من طين
(ألأعراف)


Aayadda:
xaqiiqa'e waannu idin
abuurnay,dabadeed suuradda iyo qaabka ayaan idiin samaynay,oo ku nidhi
Malaa'igta u sujuuda Aadam,way sujuudeen Ibliis mooyee,oo kama mid ahayn inta
sujuuddey,waxa Alle ku yidhi;maxaa kaa manciyey,oo kuu diidey in aad u
sujuuddo,haddaan ku amray,wuxu Ibliis yidhi;aniga ayaa ka khayr badan,oo waxa
aad iga abuurtay naar,isagana waxad ka abuurtay dhoobo.

Halkaa waxa ka bilaabantay,colaadda Insaanka iyo Shaydaanka
wayna soconaysaa,ilaa qiyaamaha,oo qofkii Shaydaanka iska ilaaliya,ee ka
guulaystaa waa badbaadayaa,kii uu ku guulaysto in uu duufsadona,cadaab ayuu u
horseedayaa:

ولقد
ذرأنا لجهنّم كثيرًا من الجنّ والإنس لهم قلوبٌ لا يفقهون بها ولهم أعينٌ لا يبصرون
بها ولهم ءاذانٌ لا يسمعون بها أولئك كالأنعام بل هم أضل أولئك هم
الغافلون(ألأعراف)


Aayadda:
xaqiiqa'e waxannu Jahanama u
samaynay,kuwo badan oo Jinka,iyo Insiga ah,oo waxay leeyihiin qalbiyo aanay
waxba ku fahmaynin,iyo indho aanay waxba ku arkaynin,iyo dhego aanay wacba ku
maqlaynin,kuwaasi waa sida xoolaha,iska daa xoolaha'e,way ka sii daran yihiin,oo
ka sii baadiyaysan yihiin,waana kuwo qaafiliin ah,oo warmoog ah.

Alle subxaana watacaalaa,Insaanka marxalado kala duwan,ayuu
mariyaa,oo isaga ayuu,ka abuuray,oo ka dhigay lab,iyo dheddigii,waxyaalihii uu u
baahnaana,u abuuray,oo u sakhiray:

خلقكم
من نفس واحدة ثمّ جعل منها زوجها وأنزل لكم من الأنعام ثمانية أزواج يخلقكم في بطون
أمهاتكم خلقًا من بعد خلق في ظلمات ثلاث ذالكم الله ربّكم له الملك لا إلـه إلا هو
فأنّى تصرفون(الزمر)


Aayadda:
(Alle)wuxu idinka abuuray naf
keliya,oo ka sameeyey sawjaddeeda,oo waxa Alle idiin soo dejiyey,sideed qaybood
oo xoolaha ah(geela 2 awr & hal, Idaha 2 wan & lax,Riyaha
2 Ri' & Orgi,Lo'da 2 dibi&sac),waxa Alle idinku abuuray
caloosha hooyooyinkiin,abuuritaan ka danbeeya abuuritaan kale, idinka oo ku jira
saddex mugdi(caloosha,ilma galeenka iyo xuubka qofka
ku sii dahaadhan)
,sidaasi waxa ay ka sugnaatay xagga Rabbigiin,Isaga
ayaa iska leh mulkiga,Isaga mooyee Alle kalena ma jiro,waar xaggee ayay u
leexanayaan.

Alle isagaa korreeyee,waxa uu Insaanka siiyey,dariiq sharci
ah,oo ay ku tarmaan,oo isagaa,ugu deeqa qof kasta ubad,hadduu doono,iyo sida uu
u doono:

لله ملك
السّماوات والأرض يخلق ما يشاء يهب لمن يشاء إناثًا ويهب لمن يشاء الذّكور أو
يزوجهم ذكرانًا وإناثًا ويجعل من يشاء عقيمًا إنّه عليمٌ قدير(الشورى)


Aayadda:
Alle waxa u sugnaaday,oo uu
leeyahay samooyinka iyo arlada,oo waxa uu doono ayuu abuuraa,qofkuu doono wuxu u
hibeeyaa,oo siiyaa hablo,oo kuu doonona waxa uu u hibeeyaa,oo siiyaa wiilal,kuu
doonona wuu isugu daraa hablaha iyo wiilasha,kuu doonona Alle wuxu ka dhigaa ma
dhalays,Alle waa ka cilmiga badan,ee awoodda leh,oo kara waxa uu doono.

Qof kasta noloshiisu way xaddidan tahay,oo Alle ayaa u dhigay
nidaamkeeda,oo waxa qofka looga baahan yahay,in uu Alle talasaarto oo u tabcado
sida Alle banneeyey,ee sharciga looga dhigay,kuna qanco,oo ogolaado qadarka
Eebbe:

عن أبي
عبد الرّحمن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال:حدثنا رسول الله صلى الله عليه
وسلّم وهو الصّادق المصدوق:"إنّ أحدكم يجمع خلقه في بطن أمّه أربعين يومًا نطفة،ثمّ
يكون علقة مثل ذالك،ثمّ يكون مضغة مثل ذالك،ثمّ يرسل إليه الملك فينفخ فيه
الرّوح،ويؤمر بأربع الكلمات :بكتب رزقه،وأجله،وعمله،وشقيٌّ أو سعيد،فوالله الّذي لا
إلـه غيره،إنّ أحدكم ليعمل عمل أهل الجنّة إلا ما يكون بينه وبين الجنّة إلا ذراعٌ
فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل النّار فيدخلها، إنّ أحدكم ليعمل عمل أهل النّار
إلا ما يكون بينه وبين النّار إلا ذراعٌ فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل الجنّة
فيدخلها"رواه البخاريّ ومسلمٌ.


Xadiiska:
waxa laga weriyey,Abi
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ibnu Mascuud Alle ha ka raalli ahaadee,in uu
yidhi;Rasuulka nabadgelyo,iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ayaa noo
sheegay,waana runsheege,la rumaysto;qof kasta,oo idinka mid ah,waxa abuuriddiisa
uu uurka hooyadii ku jiraa afartan maalmood,isagoo candhuufo ah,ka dib waxa laga
dhigaa xinjir yar,oo uu ahaadaa afartan maalmood,oo kale,ka dib waxa laga dhigaa
waslad yar,oo uu ahaadaa afartan maalmood,oo kale,markaas ayaa malag,loo
diraa,ku afuufa nafta,oo la amraa afar kelmedood:in uu qoro risiqiisa,iyo
cimrigiisa,ama ajashiisa,iyo camalkiisa, iyo shiqi iyo siciid kuu noqon
doono,Allaha aan Isaga mooyee,Alle kale jirin  ayaan ku dhaartee;midkiin ayaa
samaynaya,camalka ehlu Jannada,ilaa ay Jannada uga hadhsan yihiin,in dhudhun
le'egi,markaasaa kitaabkiisii soo hormarayaa,markaasuu samaynayaa camalka ehlu
Naarka,markaas ayuu gelayaa Naarta, midkiinna waxa uu samaynaya,camalka ehlu
Naarka,ilaa ay Naarta uga hadhsan yihiin,in dhudhun le'egi,markaasaa
kitaabkiisii soo hormarayaa,markaasuu samaynayaa camalka ehlu Jannada,markaas
ayuu gelayaa Jannada.

Alle subxaana watacaalaa,wuxu Insaanka siiyey,oo u abuuray
muuqaal,iyo suurad wanaagsan,oo uu makhluuqaadka kale dheer yahay:

ألله
الّذي جعل لكم الأرض قرارًا والسّماء بناءً وصوركم فأحسن صوركم ورزقكم من الطيّبات
ذالكم الله ربّكم فتبارك الله ربّ العالمين(غافر)


Aayadda:
Alle waa ka idiinka yeelay
dhulka mid deggan,samadana mid dhisan,ee idiin sameeyey muuqaalkan,oo wanaajiyey
muuqaalkiinna,oo idinku arsaaqay dayibaadka iyo waxyaalaha wanaagsan,kaasi waa
Rabbigiin,waxa nasahan,oo sarreeya Alle,ee ah caalamiinta Rabbigooda.

Ujeeddada keliya,ee loo abuuray Insaanka,waa in ay Alle
caabudaan:

وما خلقت
الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان يطعمون ان الله الرزاق ذو
القوة

المتين...(ءاية في سورة
الذاريات)

Aayadda:uma aan abuurin Jinka iyo Insiga,inay i caabudaan
mooyaane,kama rabo risiq,iyo inay i quudiyaan,illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh
quwad xoog leh.

Anbiyadii iyo Rusushii Alle soo diray,si ay dadka Jin iyo
Insiba,diinta u baraan,waxay wada ahaayeen,Bini-aadan,oo Insaan bay ahaayeen:

فأرسلنا
فيهم رسولا منهم أن اعبد الله ما لكم من إلـه غيره أفلا تتّقون(المؤمنون)


Aayadda:
waxa aannu u dirnay Rasuul ka
mid ah(Insaan ah),in ay Alle caabudaan,idiinma uu sugnaan Alle kale'e,waar
miyaydinaan baqaynin.

Insaanka Allihii abuuray ayaa u doortay,in ay Arlada
maamulaan,oo hoggaankeeda, iyagu qabtaan,Illaahayna si fiican ayuu u
yaqaannaa,Insaanka iyo dabeecadihiisa,iyo waxa ka guuxaya,ama uu iskula
sheekaysanayo,ee maskaxdiisa ku jira:

ولقد
خلقنا الإنسان ونعلم ما توسوس به نفسه ونحن أقرب إليه من حبل الوريد(ق)


Aayadda:
xaqiiqa'e waxannu abuurnay
Insaanka,oo cilmi ayaannu u leenahay,waxa ku samaynaya naftiisa wiswis,ama
dareenkiisa hoose,oo annagu waxa aannu uga dhow nahay xawlal mariidkiisa.

Illaahay wuu inooga warramay,dabeecada Insaanka,oo sifooyin
badan ayuu Quraanku ku tilmaamay Insaanka,sida:dulmi
badnaanta,jaahilnimada,daciifnimada,degdegga,iyo salfudaydka,gacan adayga,kufri
jacaylka,maal jacaylka,amaan iyo faan jacaylka,sida oo kale canaan iyo walaac
badnaanta,iyo qalbi adkaanta qaar lagu metelan sida dhagaxa,iyo caqli
darraanta,oo la tilmaamayo in xoolaha ay la mid yihiin,kana sii liitaan.

Insaanku mar waa dulmi badane,ah jaahil:

قال تعالى (إنا عرضنا
الأمانة على السّماوات والأرض والجبال فأبين أن يحملنها وأشفقن منها وحملها الإنسان
إنه كان ظلوما جهولا)(

الأحزاب)


Aayadda:
waxanu u bandhignay amaanada
samooyinka iyo arlada iyo buuraha,  dabadeed way diideen in ay qaadaan,oo
culayskeeda ayay dhibsadeen,waxase qaaday Insaanka waa dulmi badane jaahil ah.

Insaanku waa mid dood,iyo muran aan xikmad ku salaysnayn gala,oo
illaawa xaqiiqooyinka,iyo runta:


أولم ير الإنسان أنّا خلقناه من نطفة فإذا هو خصيم مّبينٌ وضرب لنا
مثلا ونسي خلقه قال من يحيي العظام وهي رميم قل يحيها الّذي أنشأها أوّل مرّة وهو
بكلّ خلق عليم(يس)

Aayadda:miyaanu Insaanku
arkin,oo ogayn,in aannu ka abuurnay,candhuuf yar(mani) haddana waaba isagii oo
dood cad la imanaya,oo tusaale noo soo qaadanaya,oo odhanaya,isagoo illaawaya
abuuritaankiisa,sidee ayaa lafahan,loo soo noolaynayaa,ka dib markay noqdeen wax
burburay,waxad ku tidhaahdaa(Nebi Allow)waxa noolaynaya,kii abuuray,markii
horeba,iyagoo aan jirin,khalqi kasta,iyo abuur kastana cilmi buu u leeyahay.

Insaanku waa mid gacan adag,oo daba ka
werwer lagu salliday:

قل لو
أنتم تملكون خزائن رحمة ربّي إذًا لأمسكتم خشية الإنفاق وكان الإنسان
قتورًا(الإسراء)

Aayadda:dheh(Nebi Allow)haddii la idin siiyo,oo mulkigaasa gacanta
la idiin geliyo,khasnadaha Raxmadda Eebbe,waad ceshan lahaydeen,oo ma aydin
bixiseen, idinkoo ka baqaya bixinta(oo daba kawerwer qaba),Insaanku waa mid
quturasho badan,oo aad u gacan adag.

Insaanku aad ayuu u jecel yahay maalka,oo ugu ba'an yahay:

إنّ
الإنسان لربّه لكنودٌ وإنّه على ذالك لشهيدٌ وإنّه لحبّ الخير لشديد أفلا يعلم إذا
بعثر ما في القبور وحصل ما في الصّدور إنّ ربّهم بهم يومئذ لخبير(العاديات)

Aayadda:Insaanku waa mid
Rabbigii ku kufriyid badan,isagoo arrinkaa,u warqaba,oo og,waana mid aad
xoolaha,iyo maalka u jecel,miyaanu ogeyn marka la iska soo saaro qabuuraha,oo
waxa sadriyada,iyo laabaha ku jira debeda la soo dhigo,oo la caddeeyo,maalintaas
Alle waa ka khabiirka ah.

Insaanku waa mid maalkaa uu jecelyahay,ka werwera,oo ka cabsada,in uu
waayo,ama uu ka dhamaado,ama ka yaraado,oo wuu ku dhegsan yahay,ka iimaanka leh
mooyee:

إنّ
الإنسان خلق هلوعًا إذا مسّه الشّر جزوعًا وإذا مسّه الخير منوعًا إلا المصلّين
الّذين هم على صلاتهم دائمون والّذين في أموالهم حقّ معلومٌ للسّائل والمحروم
والّذين يصدّقون بيوم الدّين والّذين هم من عذاب ربّهم مشفقون إنّ عذاب ربّهم غير
مأمون والّذين لفروجهم حافظون إلا على أزواجهم أو ما ملكت أيمانهم فإنّهم غير
ملومين(المعارج)


Aayadda:
Insaanku waa mid laga abuuray
walaac iyo baqasho,oo haddii uu taabto shar,wuu ka xumaanayaa,oo
cabanayaa,haddii khayr la siiyona,wuu mancinayaa,oo waxba ka bixin mayo,kuwa
tukada mooyaane,kuwaasoo joogtaysta salaadooda,oo maalkooda ka siiya xaqa go'an
dadka weydiisanaya,ama dewersanaya,iyo kuwa maxruumiinta ah,ee aan waxba
haysan,kuwa u sadaqaysanaya,maalinta qiyaame,ee ah kuwa,ka cabsanaya cadaabka
Rabbigood,Cadaabka Rabbigood waa mid aan laga aamin qabine,kuwa ilaalinaya,ee
xifdiyaya farjiyadooda,cidda ay is qabaan mooyee,ama gacantoodu mulkiday,kuwaasi
waa kuwo aan la canaananayn.

Alle isagaa abuuray,oo cilmi u leh addoomadiisa,oo u qiyaasa
maalka:

ولو بسط
الله الرّزق لعباده لبغوا في الأرض ولكـن ينزّل بقدر ما يشاء إنّه بعباده خبير
بصير(الشورى)


Aayadda:
Haddii Alle Addoomadiisa u
badiyo oo u waasiciyo arsaaqda way xadgubi lahaayeen oo kibri lahaayeen,laakiin
Alle wuxu u soo dejiyaa,hadba qiyaas iyo qaddar go'an,ee uu isagu doono,Alle
Addoomadiisa isagaa khibiir u ah oo arkaya.

Insaanka dabeecaddiisa,waxa ka mid ah,in uu markuu dhibban yahay
Alle xusuusto, oo baryo,oo si niyad ah,wax u weydiisto,marka dhibtii Alle ka
qaadona xumihii miista,oo aan shukri niqin:

وإذا مسّكم الضّرّ في البحر ضلّ من
تدعون إلا إيّاه فلمّا نجاكم إلى البرّ أعرضتم وكان الإنسان كفورًا(الإسراء)


Aayadda:
haddii dhibi idinkula kulanto
badda,waxa u qaylinaysaan,oo baryaysaan Alle keliya,marka uu idiin badbaadiyo
berrigana waad jeesanaysaan,oo caasiyaysaan,Insaanku waa kufri badane,gaalooba.

وإذا مس
الإنسان ضرّ دعا ربّه منيبًا إليه ثمّ إذا خوّله نعمة منه نسي ما كان يدعوا إليه من
قبل وجعل لله أندادًا ليضلّ عن سبيله قل تمتّع بكفرك قليلا إنّك من أصحاب النّار
(الزمر)


Aayadda:
haddii Insaanka,ay taabato
dhibaato,Rabbigiis ayuu baryayaa,isagoo iyadoo ay ka niyad tahay,dabadeed marka
aannu nimco ugu beddelno,wuxu illaawaa,wixii uu hore u soo maray,iyo baryadii,oo
Alle ayuu u shariig yeelaa,si uu waddada uga lumo,ku dheh(Nebi Allow)iskaga
raaxayso kufrinimadaada in yar,waxad ka mid tahay asxaabta Naarta'e.

Insaanku waa mid markiiba quusta,oo laga yaabo,in haddii dhibi
la kulanto,in uu gaaloobo,oo kufriyo:

ولئن
أذقنا الإنسان منّا رحمة ثمّ نزّعنا منه إنّه ليئوس كفور(هود)


Aayadda
:haddii aannu dhadhansiinno
Insaanka raxmad,ka dibna ka siibno,oo ka qaadno,waaba kii oo quustay,oo
gaaloobay.

Insaanku waa mid faan iyo rayrayn badan:

 ولئن
أذقناه نعماء بعد ضرّاء مسّته ليقولنّ ذهب السّياءات منّي إنّه لفرح فخور(هود)


Aayadda:
haddii aanu Insaanka nimco
dhadhansiinno,dhibaato soo martay ka dib,wuxu odhanayaa,xumihii way iga
tageen,wuu farxad badane,faan badan.

Insaanku wuxu jecel yahay faanka,iyo amaanta,iyo waxa la midka
ah:

لا
تحسبن الّذين يفرحون بما أتوا ويحبّون أن يحمدوا بما لم يفعلوا فلا تحسبنّهم بمفازة
من العذاب ولهم عذاب أليم(العمران)


Aayadda:
ha u malaynin kuwa ku
farxaya,waxa la siiyey,ee jecel in lagu mahadiyo,wax aanay samaynin,ha u
malaynin kuwo ka fawsaya,oo ka badbaadaya cadaabka,waxa ay leeyihiin cadaab
kulul.

Insaanku waxa uu la mid noqdaa xoolaha,marka uu
caqligiisa,adeegsan waayo,oo waaba ka sii daran yahay,oo ka sii caqli xumaadaa
xoolaha,mar haddaanu Allihii abuuray garanayn,oo keligii caabudayn,oo adeecaynin
amarradiisa:


أم تحسب أنّ أكثرهم يسمعون أو يعقلون إن هم إلا كلأنعام بل هم أضلُّ
سبيلا(الفرقان)


Aayadda:
ma
waxa aad u malaynaysaa(gaalada)in badankoodu wax maqlayaan,ama wax fahmayaan,oo
caqliyaysanayaan,ma aha wax kale'e waa sida xoolaha,iska daaye way ka sii
baadiyaysan yihiin,oo ka sii lunsan yihiin xoolaha.

Insaanka waxa sidoo kale,lagu tilmaamaa dhagaxa,in uu la mid
yahay,oo dhagaxu ka fiican yahay waqtiyada qaar,Insaanka sifadaa lihi waa ka aan
Alle garanayn,ee caasiyaya,ee aan qaadanayn waanada,iyo digniinta,oo iskaga sii
indha cad,ee samaynaya,wixii cadaabka lagu gelayey:

ثمّ قست
قلوبهم من بعد ذالك فهي كالحجارة أو أشدّ قسوة وإنّ من الحجارة لما يتفجّر منها
الأنهار وإنّ منها لما يشّقّق فيخرج منه الماء وإنّ منها لما يهبط من خشية الله وما
الله بغافل عمّا تعملون(البقرة)


Aayadda:
ka dib waxa adkaaday,oo
qallalay qalbiyadoodii,waa sida dhagaxa oo kale,ama kaba sii daran adayga,waayo
dhagaxa,mar bay webiyo ka burqadaan,oo ka fatahaan,oo dhagaxu mar buu kala
dillaacaa,oo ay biyo ka soo dhex baxaan,oo marmar buu dhagaxu cabsida Eebbe
darteed,hoos ugu degaa,Allena ma aha,,mid ka qaafil ah,oo mooggan waxa aad
samaynaysaan.

Waxa Insaanka loo sheegayaa,in Adduunku yahay goob shaqo,iyo
goob imtixaan:

أم
حسبتم أن تدخلوا الجنّة ولمّا يأتكم مثل الّذين خلوا من قبلكم مسّتهم البأساء
والضّرّاء وزلزلوا حتّى يقول الرّسول والّذين ءامنوا معه متى نصر الله ألا إنّ نصر
الله قريبٌ(البقرة)


Aayadda:
ma waxa aad u malaynaysaan,in
aad Jannada iska gelaysaan,iyadoo aanay idiin imanin,oo idinla kulmin,wixii
dadkii idinka horreeyey ku dhacay,oo kale,waxa haleelay dhib,iyo ibtilo,oo aad
bay u wareereen,oo la gilgilay,ilaa Rasuulkii iyo kuwii weheliyey,ee rumeeyey
yidhaahdeen,goorma ayuu gargaarka Alle imanayaa,waar hooy,gargaarka Alle,waa mid
dhow.

Waxa Insaanka loogu yeedhayaa,in ay Jannada iyo Aakhiro u
shaqaystaan:

وسارعوا
إلى مغفرة من ربّكم وجنّة عرضها السّماوات والأرض أُعدّت للمتقين الّذين ينفقون في
السّراء والضّرّاء والكاطمين الغيط والعافين عن النّاس والله يحب المحسنين(العمران)


Aayadda:
u
degdega maqfirada,iyo den
bi dhaafka Rabiigiin,iyo Jannada
ballaadhkeedu le'eg yahay Samooyinka,iyo Arlada oo loo diyaariyey dadka
mutaqiinta ah,ee cabsada kuwa u bixiya sadaqada markay ladan yihiin,iyo markay
waxyar haystaanba,ee laqa,oo qarsada cadhada,ee dadka cafiya,Alle waa jecel
yahay ku muxsiniinta ah,ee sameeya ixsaanka.

Insaanka waxa laga rabaa,in mar kasta uu denbi dhaaf dalbado,oo
nafta xakameeyo:


قالَ
رَسُول الله صلى
الله عليه وسلم

" كل ابن آدم خطاء وخير الخطائين
التوابون "


Xadiiska
:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi; Bini-aadamka oo dhami wuu
denbaabaa,waxana kuwa denbaaba ugu khayr badan, kuwa toobad keena,ee denbi
dhaafka dalbada.


"human is to err Allah to forgive"

Insaanka wanaagsan,ee Alla ka cabsada,marka uu geeriyoodo waa la
soo dhoweeyaa:

يا
أيّتها النّفس المطمئنّة إرجعي إلي ربّك راضية مرضيّة فادخلي في عبادي وادخلي
جنّتي(الفجر)


Aayadda:
nafyahay xasilloon,ee deggani
u noqo Rabbigaa,adigoo raalli ah,oo lagaa raalli yahay,oo dhexgal
Addoomadayda,oo gal Jannadayda.

Waxa Insaanka lagu celinayaa,ciiddii laga abuuray,oo lagu
aasayaa,lagana soo saari:


مِنْهَا
خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَى(طه)


Aayadda:
(Ciidda)iyada ayaannu idinka
abuurnay,oo iyada ayaannu idinku celin doonnaa,oo iyada ayaannu idinka soo saari
doonnaa,mar kale.


thou man is dust
unto dust thou shall return".
"

Waxa aynu Alle
ka baryaynaa in uu khaatumada khayr inooga dhigo,oo If iyo Aakhiroba ixsaan ina
siiyo.

 

Saeed Ibrahim
Hussein

As/w/w

 

Posted In

Post new comment