Komishanka Doorashooyinka Juqa-Juqeynta Halaga Daayo Qalinkii Ismaciil Maxamed Gadiid
Waxaad moodaa inay bilaabantay Uffadii juqa-juqeynta Komishanka Doorashooyinka, taas oo kaga imanaysa taageerayaasha Axsaabta qaranka, waxaa xusid mudan in ayna jirin haba yaraatee sabab ay shacabku ku saluugaan Komishanka waayo? Komishanku ma uu keenin lixda qodob ee heshiiska xisbiyada, mana jirto wax Komishanka mudeyn ku qasbaya aaney hubin xill gudashadooda waxa asteeyey heshiiska ay axsaabtu galeen ee lixda qodob ahaa, waxey hayaan xilkii qaran ee loo igmadey waxa raacayaan tubtii loo jeexayey ee ku salaysnayd lixda qodob.
Haday xisbiyada qaarkood ama dhamaantood ay hada la foolxumaato heshiiska aan mudeysnayn ee ay iyagu ku dabaal degeen markay saxeexeen maaha xaq iney hada bilaabaan ku soo galgalasho hor leh oo ay ku weeraraan xubnaha komishanka ee shaqadoodii ku guda jira ma jirto meel ay kaga qoran tahey lixda qodob 3/4/5 bilood iney hawshaasi ku qabsoonto.
Dhinaca kale bulshada hada ayuunbey leydh qaboobi martey ka dib markay ka reysteen jaafaa jiriqii xisbiyada, kuwaas oo aynu kawada dheregsanahey ineyna weli qaangaadh ama biseyl siyaasadeedi ka muuqanin iska daa wax kaleetee xataa ayna qirsaneyn, waxa keliya ee ay ku indha’ beeleen ay tahey kursi la weeraro iyo mid difaaca, meel lagaga hadlayo bulshada ay shaqada weydiisanayaan/hayaan rabitaankooda ama lagu dhageysanayo masoo heli kartid, maantana waxaa soo ifbaxaya ifafaalo hor leh oo ku dhaliyey werwer qeybo ka mida xisbiyada kuwaas oo had iyo gooraale u dhaxeeya waala baaba’ayaa hadaan sidaanu dooneyno aan la yeelin iyo mashaxarad maalmo dabadeed ay ku dhuftaan taasoo hadana dib ay u gocdaan wixii ay u mashxaradeen.
Gebagebadii Axdigeydin Dhigateen Yaanu Kula Fool-Xumaan, shacbigana hakula soo noqonina doqoniimadii aheyd dhiigiina noo daadiya si aanu shaqo u helno, ku samra oo suga oo ka daaya komishanka juqa juqeynta inta ay ka faraxalanayaan hawlaha culus ee badankoodu ah agabkii dharaar cad aad kukala bixi laheydeen, ileyn hadii kale oohintiibaa xigi doonta oo taag iyo tamar toona uma hayaan shicibku maslaxadiina.
Ismaciil Maxamed Gadiid
imgadiid@gmail.com
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment