Faalo: Caleemo Saarkii Ugaaska Ciisaha ee Saylac + Maqnaantii Hogaamiyayaasha Mucaaridka, Hogaan-dhaqameedka, Booliska Iyo Daree

Text Size

Maalintii ay bilatay Bishan March ee aynu ku jirno ayaa magaalada Taariikhiga ah ee Saylac waxa ka dhacday xaflad lagu caleemo saarayay Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha Ugaas, Mustafe Maxamed Ibraahin Ugaas Wacays, halkaas oo dhacdooyin iyo arimo kala duwani ka dhaceen. Hadii aynu dhacdooyinkii ugu mudnaa ee magaalada Saylac ka dhacay soo ururino waxaynu ka soo qaadan karnaa Marti sharaftii kala duwanayd ee xafladu kulmisay, qaabkii loo soo agaasimay xaflada caleemo-saarka, dadkii ka soo qayb galay, saamaynta dawladaha Somaliland iyo Djibouti ee xaflada iyo guud ahaan sida Saylac arintani u saamaysay.

Hadii aynu arinta koowaad ee habka loo soo agaasimay xaflada caleemo saarka ku horayno, waxa laga dheehan karayay inay tahay tii ugu agaasinka iyo karaamaynta fiicnayd hogaan dhaqameedyada mandiqada ee sanadihii u danbeeyay, waxa si wayn loo dareemayay in beesha Ciisuhu ku adag tahay dhaqanka isla markaana wali taladoodu urursan tahay, xiiso badan oo beeshu u qabtay Ugaas cusub oo ay yeelato ayaan iyaduna meesha ka madhnayn maadama oo beeshaasi mudo 15-sanadood ah bilaa Ugaas ahayd.

Si kastaba ha ahaatee agaasinka xaflada ayay dawlada Djibouti si wayn uga muuqatay, haday tahay madashii xaflada lagu qabanayay oo ahayd Teendho wayn dad badana qaadaysay, taas oo si wayn loogu bartay in wakhtiyo kala duwan dawlada Djibouti ku marti galisay shirar kooxaha Somaliya in lagu heshiisiyo lagu doonayay. Waxa kale oo si wayn loo dareemayay loolan hoose oo ka dhex jiray, isla beesha Ugaaska Caleemo saaranaysay, oo u kala qaybsanaa Ethiopia, Somaliland iyo Djibouti, qayb walbana doonaysay in hawsha ay iyadu maamusho, taas oo kaliya iyadu ku ekayd marka ay noqoto cida looga danbaynayo, arimaha qaarkood, balse loolankaasi ma ahayn mid caleemo saarka carqalad wayn galinayay.

Hadii aynu ka nimaadno dhinaca caleemo saarka una soo noqono saamaynta maamulada Somaliland iyo Djibouti ee guud ahaan jawiga caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciisaha, waxa marka horeba iska cadayd in dadka ka soo jeeda Beesha Ciisuhu ugu badan yihiin dalka Djibouti sidaa daraadeed in ergada iyo ka soo qayb galayaasha ugu badan ay noqonayaan muran kama taagnayn, hasa yeeshee waxa la dareemayay in guud ahaan Somaliland maamul iyo shiciba aanay xafladaa siin ahmiyadeeda ugana fikirin in marti sharaf badani imanayso, cida loo martida yahayna ay iyaga tahay.

Runtii marka aan Marti ka hadlayno ugama jeedno Beeshaa Ciisaha hasa yeeshee, dadka masuuliyiinta ah, ee magac iyo mansab dal wataa dunida sida dhaqanka Dublamaasiyadu yahay waxay leeyihiin, hab loo wada macaamilo, magaalada Saylac, hadii ay Djibouti saamayn wayn ku yeelatay intii xaflada caleemo saarka Ugaasku socotay, waxa inteeda badan u sabab ahaa maqnaanshaha laamo badan oo dawli ah iyo dayac dhinacyo badan oo Somaliland ah ka yimi.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa iyagu ahaa kuwa sida wayn loo dareemayay madhnaantooda, mana jirin wax haba yaraatee muqaal ah oo muujinayay in Saylac Boolisku ka hawl galo, sida laga wada war qabo Booliska Somaliland waxa uu leeyahay cutubyo kala duwan oo ka hawl gala arimaha, nabad galyada, sirdoonka, gurmadka iyo guud ahaan sugida amaanka, hasa yeeshee sida dad badan oo maalintaa Saylac ku sugnaa wada qireen, dhamaantood kamay shaqaynayn degaankaas, meel Hargeysa ka baxsana kuma laha saamayn muuqata.

Qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ahii waxa uu ka xumaanayay Marka uu arko maqnaanta ciidamada booliska ee amaanka qaranka qaabilsan, hasa yeeshee waxa uu taa kaga bogsanayay Ciidamada Qaranka oo iyagu daboolay baahiyo badan iyo gal-daloolooyin Boolisku ku baneeyay Qaranka. Su’aalaha ugu badan ee dadka reer Somaliland is waydiinayeen ayaa ahayd Mee Saqadhi [Taliyaha ciidanka booliska Somaliland], aaway baabuurtii SPU-dii ee Hargeysa daqiiqad, daqiiqada loo arki jiray? Ma Hargeysuun bay ka shaqeeyaan?

Su’aalahaas oo noqday kuwo qalbiyada dadkii xaflada ku sugnaa ku wareegayay, ayaan jawaab kaafi ah oo laga bogsado aan ilaa hada la Helen. Si kastaba ha ahaatee xukuumada Somaliland war kuma seeganayn tirada dad ee goobta isugu imanaysa, marti sharafta kala duwan ee maqaam ahaan saraysa iyo sida goob xaflad noocaas oo kale ahii ka dhacaysaa ugu baahan tahay, sugida amaanka iyo guud ahaan gacan ku haynta maamulkeeda.

Inkastoo aynaan lahayn dhibaato iyo amaan daro ayaa ka dhacday, laakiin waxay ahayd mid waydaysay muuqaalkii qaranimo, waxa kale oo iyaduna ahayd wax laga wada xumaado sida agaasinka iyo qaban qaabada xafladaasi u socoto, oo Somaliland ka ahayd mid dibada ka joogta, taas oo eedeeda iyo wixii ka yimaad ay dad gaar ahii masuuliyadeeda leeyihiin.

Hadii aynu arintan ka eegno dhinaca dhaqanka oo u dayno sida dad badani ku andocoon karaan inay ahayd arin dhaqan oo beeli ku caleemo saaranaysay Ugaaskooda, waxa iska cad in maamulka dalka heer gobol iyo heer qaranba ay jiraan xubno beesha ka matala kagana jira, kuwaas oo xaq u lahaa in hawsha wixii qaranka iyo beel ahaanba u wanaagsan ay ka taliyaan.

Sidoo kale marka laga tago qaban qaabada iyo diyaarinta xaflada ee Beesha Ugaaska Caleemo saaranaysa, waxa aan la dafiri Karin in dunida uu jiro, nidaam iyo hab ka dhexeeya maamulada, kaas oo masuuliyiinta iyo wufuudaha kala duwan ee xuduudaha isaga talaaba khuseeya. Hadaba ma la garawsan karaa in Raysal Wasaaraha dalka Djibouti ka soo qayb galo xafladaas, habka uu dalka ku soo galayanaa noqdo, mid aan waxba ka duwanayn sidii isagoo tagay xaafad ku taal Djibouti oo kale? Su’aashaa jawaabteeda waxaynu u dhaafaynaa dadweynaha reer Somaliland.

Geesta kale ciidamada qaranka Somaliland gaar ahaan qaybta xeebaha gobolada Awdal iyo Selel ayaa muujiyay dedaal iyo hawl karnimo dheeraad ah, taas oo wax badan ka maydhay qaranka ceebtii masuuliyiinta iyo Booliska Somaliland dusha ka saaray, waxaanay ciidamada qaranku si buuxda ula wareegeen maamulka iyo sugida amaanka guud ahaan Saylac iyo madashii caleemo saarka, hawshaas oo marka si loo eego aanay in badan oo ka mid ah iyagu lahayn, wax badana aanay aqoon ahaan iyo tababar u lahayn.

Waxyaabaha qaran ku faano waxa ka mid ah, marti galinta, maamulista iyo ilaalinta xafladaha gudihiisa ka qabsoomaya, tilmaamaha in arimahaas la buuxiyay muujiyana waxaa ka mid ah, Ciidamada Booliska oo laga arko goob walba, dhaq dhaqaaqa qofka dibada ka soo gala dalku uu ku arki karo in nidaamka maamul isku duba dhacsan yahay ayaanay Boolisku kow ka yihiin, sidoo kale joogintaanka boolisku waxa uu yareeyaa halisaha nabad galyada soo waajihi kara, waxaanu fududeeya u adeegida dadka goobtaas ku kulma.

Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland C/risaaq Waabari Rooble oo dad badani filanayeen inuu hawsha hormood ka noqonayo ayaa markii xaflada caleemo saarka Ugaasku soo hor yeelatay, gabi ahaanbta la waayay, waxaanay dad badani is waydiinayeen, Ma jabuuti buu tagay, Wasiirkii dhaqanku? Runtii dadku xaq ayay u lahaayeen su’aashaas, maadama oo uu isagu dhaqan ahaana yahay wasiirka dhaqanka, dhalasho ahaana ka soo jeedo, beesha Ugaaska Caleemo saaraysay, waa lagama maarmaan inuu saamayn badan ku yeesho maamulka xaflada joogitaankiisuna noqdo mid muuqda.

Isku soo wada duubo xafladii caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciisaha ayaan canaanteedu ku ekayn oo qudha Booliska iyo wasiirada Beesha Ciise, balse waxa iyaduna ahayd mid la wada tabayay, doorka ka soo qayb galka hogaamiye dhaqameedyada Somaliland oo aad u hooseeyay, waxa sababayna aan la cadayn, hogaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka ayaan iyaguna ka soo xaadirin cidna aan u soo wakiilan, arimahaas oo si wayn dadku isu waydiinayeen, waxa sababay?

Dhinaca madax dhaqameedyada hadii aynu ku horayno waxa soo baxayay warar sheegaya in aan lagu marti qaadin, taasina waxay leedahay doodeeda iyo in la ogaado sida hadii ay dhab tahay ay u dhacday, waana mid si dhaqan looga wada hadli doono soona bixi doonta goorteed, hasa yeeshee hogaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka ah ayaa sida dad badani u arkayeen ula muuqatay aanay u ficnayn in ay marti qaad ka doonaan xafladaha noocan oo kale ah, oo xitaa sida dadka badankiisu qabaan hadii loo diido lafteedu wax u tari lahayd iyaga.

Inkastoo aanay hogaamiyayaasha xisbiyada si cad u sheegin sababta ay uga baaqsadeen ka qayb galka xaflada hadana waxay taa badalkeeda soo saareen Hambalyo ay Ugaaska cusub u dirayaan, iyagoo aan ku lifaaqin sababta ka baajisay. Guud ahaan xafladii caleemo saarka Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha ee Magaalada Saylac ayaa kaga tagtay maskaxda dadkii ka soo qayb galay iyo kuwii warbaahinta kala socday su’aalo badan oo u baahan in dhinacyada ay khusaysaa jawaab ka bixiyaan, waxa kale oo xafladaasi noqotay mid dareeno badan oo sida daruur madow dul hoganaysa qalbiyada dadka gobolka ka tagta.

Harowo

hello

this is bullshit election some greedy people are destroying the unity of somalia.who knows this election globally.i think it is dream of the IIDOOR AND FAQASH.KKKKKKKKKKKKKKKK

Anonymous | June 6, 2010 - 6:23am

Post new comment