Faalo: Tageero Badnaanta Xisbiga iyo Tayo La’aanta Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Sweden by Mohamed Hassan Xaleef

Text Size

Sweden- Ilaah baa mahad leh, Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, Ilaahay wuxuu aduunkan ku abuuray bani’aadam, kuwaas oo uu ilaahay siiyey ku noolaanshaha iyo waliba ku tasarufkiisa, Wuxuu ilaahay ka dhigay kuwo ka kooban rag iyo dumar waxaa kale oo ay ku kala duwan yihiin xagga midabka, xaga dhaqanka, luuqadaha, iyo diimahaba, laakiinse waxay ka siman yihiin dadka kan adduunka ku nooli inay arkaan indhahoodu dhagahooduna maqlaan wax kasta oo la odhan karo waa wanaag amaba way wanaagsan yihiin sidoo kale wax kasta oo la odhan karo waa xumaan amba waa xun yihiin

Akhristoow waxa in mudo ah si is dabo jog ah dhegahayga uga badatay kalsooni darada ay tageerayaasha xisbiga Kulmiye Ee wadanka Sweden ku qabaan masuuliyiinta loo caleemo daaray Hogaanka Xisbiga ee wadankan

Wadanka Sweden ayaa lagu Qiyaasa wadanka Labaad ee yurub uu ugu tageeradaba badan yahay Xisbaga Kulmiye marka laga yimaado Wadanka UK oo xarun o ah Tageerayaasha Xisbiga ee Qaradan Yurub

Qalinkii: Mxamed Xasan XaleefQalinkii: Mxamed Xasan XaleefMaanta (Sabti) ayaa waxan Booqasho ku joogay Magaalada Jönköping ee Caasimada Gobolka Småland Ka dib marki laga soo baxay Salaada Duhur ayaa nin aanu saxiibo nahay oo ka mid ah Tageeyaasha Xisbiga Kulmiye oo og in aan ka mid ahay garabka isbedel doonka ah ee Xisbiga Udub igu khasbay in aan u raaco shir ay kula kulmayaan Gudida Guud ee xisbiga Kulmiye

Isaga oo u arka in manta Xisbiyada iyo Ururada mucaaradku kuwo isku dan ah hadafkooda koowaadna yahay Isbedel ka dhaca Wadanka iyo Regime-ka oo laga Xoreeyo wadanka
Waxba yuu hadalku ila durkine waxaanu soo gaadhnay meeshi u ka dhacayay Kulanka Loo Balansanaa ee Dhex marayay Gudida Cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Wadankan Sweden iyo Xubno iyo Tageerayaal ka mid ah Jönköping Gudida waxa Horkacaya Gudoomiya Xisbiga ee wadanka Sweden oo ay ku lamaan yihiin Xog-hayisa iyo Gud.Dhaqaalaha ee Xisbaga

Waxanu meeshi tagnay shirka oo marka Bilaabmaya oo dadku ay qul qulayaan madasha lagu qabanayo shir doceedkan Wax Cabaar ah markaan meeshi fadhino ayaan waxa Bilaabmay Kulanki la isugu yimi oo aaad moodo mid bila Ajande ah Waxa markiiba meesha iiga muuqday dad aad moodo wada Shacab Waxa in mudo ah igu adkaatay in aan aqoonsado wejiyada Gudoomiyaha iyo gudida kale Si Kastaba ha ahaate waxa halkii ka bilaabmay hadal aan lahayn meel uu ka bilaabmay iyo meel uu ku dhamaanayo midna

Waxa la yidhi “Hadii meesha aad ka timi aanad aqoon meesha aad ku socoto ma Garatid” markiiba waxaan aqoonsaday dadka meesha wada jooga in aanay is karti dhaamin Waxa i muuqatay in hogaanku naf-bidaayo tageerayaasha Halka tageerayaasho ay u hanqal tagayaan hadalo ama Qudbad ay u jeediyaan Masuuliyiinta loo balamiyay in ay la kulmayaan

Akhristoow waxa meeshi ku meeraystay hadal aan madax iyo mijo lahayn Waxaan is waydiyay Toloow Gudida cusub miyaanay weli fadhi baran?

Ma dad siyaasada ku cusub baa?

Ma yihiin Kuwo Awood u leh in ay qabtaan hawsha loo igmaday?

Maw Eegtahay in Xisbigi Kulmiye ee Sweden mid lagu kala Hadaafay?

Markiiba waxa i muuqatay in Awoodi iyo Xidhiidhki ka dhexeeyay Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye uu Wiiqmay Hase ahaate waxaan hada u kuur gali doona meesha aya Salaada ka xidhmi la’dahay

Waxba yaan hadal kugu Daaline waxaa meeshi lagu so kala dareeray iyadoo kulanki meesha loo tegay aan u muuqan mid lahaa Bar Bilaw iyo Bar Dhamaad

Waxana Hubaal ah hadii arimuhu sidaa ku si Socdaan in Xisbiga Kulmiye uu Saqiiro Waxaan jeclahay In aan Gadaal idiinka Soo Gudbiyo Qormooyin aad u xiiso badan oo arintan ku taxa-luqa kuna salaysan Xaqiiqda iyo Meesha sartu Ka Qudhuntay!

Qaybtii 1-aad Qaybtii 2-aad

Guul iyo Gobanimo

Mahadsanidiin Dhamaan

Mohamed Hassan Xaleef
xaleev@hotmail.com

Posted In

Faarax Dheere

Adeer mar hadii aad tahay UDUBTA IS BEDEL DOONKA AH waxaaad tahay Kulmiye Jimce dhashay ee Kulmiye iska aaamin oo maamulkoda iyaga u daa ha xumadan ama ha liitan e loool

waan ka baxay

Anonymous | March 7, 2010 - 7:33pm

Faalo: Tageero Badnaanta Xisbiga

Gabankani wuxuu arkay dhawr Iidoora oo qabyaalad indho la' ku daba socda Siilaanyo,markaasuunbuu u qaatay in dadba Kulmiye wada yahay.

Waar adeer xaafadaha kalana soo bariidi bal.

Sudhe

Hargaysa,Somaliland.

Anonymous | March 7, 2010 - 3:56pm

runta yeynaan iska indha tirin

kala duwan dadku kala sooran sidoodaba maaha sifaad sheegtay ee sideeda u dheh
xisbiga kaliyaata ee ay ka jirto dimuqraadiyadu waa xisbiga kulmiye taasna waa mid ka isku wada raacay eee ma ogtahay
mida kale markaad hoos u dhigayso kulmiye ma udubaad saraysii is leedahay

Anonymous | March 7, 2010 - 4:44am

Udub

Adiguba madax iyo majo-ba midtoona ma lihid sababtoo ah adigoo tageero xisbi ah baad tagtay meel Kulmiye ku shirayo taasna waxay i dareeminaysaa inaadan ahayn Udub ee aad tahay qolada hoosta ka jecel Kulmiye. Udubna leh"qowda maqashii waxna ha u qaban" wax cusub maaha nocaas oo kale way badanyihiin alle ha garansiiyo wuxuu tageeruhu iyo sifooyinka lagu garto iyo waxaa la haboon inuu ku dhaqaaqo.
allow umadaan fahansi halkay lugta dhigayaan.
Somaliland for ever

Anonymous | March 7, 2010 - 2:07am

Post new comment