Weftigii China ka Socday oo Madaarka Berbera ka dhoofay, & Warancade oo Faahfaahin ka bixiyey Ujeedadoodii
Berbera, (sli)- Wasiirka Duulista Hawda Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta ku sagootiyey Madaarka Berbera Wefti ka socday dalka shiinaha oo dalka soo gaadhay, kuwaasoo ambababxay kadib markay dhamaysteen Socdaalkoodii ay ku yimaadeen Somaliland.
Wasiir Warancadde, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada uu safarka weftigani sallaysnaa, waxaanu yidhi. “Waxaan halkan ka dhofinay wefti baladhan oo china ah oo ay imaanshihiisa ka danbaysay safaradii hore ee anu ku tagnay aniga iyo maayiraka hargeisa , waxananu filayna hadii ilahay yidha isu soo dhawaansho laba dal ah iyo wax wada qabsi balaadhan ayaanu ku heeshinay dalkana way wada mareen waxanay tijaabo ka qadayeen dhinaca badaha iyo macaamilkooda ama kalamuumaysiga iyo dekeda xaga baayac mushtariga macdanta dhamaanba inay nagala qayb qaatan”
Wasiirku waxa uu intaa raaciyey, oo uu yidhi. "Run ahaanti china waxay ka mid tahay ama ay ugu horaysaa Wadamada iminka Afrika aad u jecel inay wax la qabsaadan , wadamo badan oo afrikaan ahina way la qabsadeen anaguna iminka ayaanu la qabsanaynaa oo aad ayay u danaynayaan in Somaliland noqoto waqtigan wadanka ugu horeya ee Afrikaan ah ee u qorshaysan aynu nahay taas oo ay u arkaan in ay Somaliland tahay Albaabkii ay ka geli lahaayeen geeska afrika arintaana aad ayaan anigu usoo dhaweynayaa”.
Warbixintaas kooban kadib, waxa ay saxaafaddu wasiirka weydiiyeen dhawr su'aallood kuwaasoo u dhacay sidan:
S: wasiir sida aynu ka war qabno Dowladaha Mareykanka iyo Ingriiskuba waxa ay kazoo horjeedaan xidhiidh dhex mara Afrika iyo Shiinaha markaa dhowr jeerna waftiyo kasocda Shiinaha oo kan manta dhoofayaa ugu danbeeyey ayaa ayaa Somaliland yimi arintaasi Ma dhici kartaa in arimahaasi saamayn dublamaasiyadeed ku keenaan geedi socodka xidhiidhka u dhexeeya xukuumada Somaliland iyo mareykanka?
J: Horta inagu waxaynu nahay Wadan madax banan aan cida aynu wax la qabsanaynana xor baynu u nahay gaal iyo Islaamba cidii wax qabanaysa waynu soo dhaweynaynaa cid aynu ogolaansho uga qaadanaynaana majirto.
S: Wasiir, weftigani ma waxa u aha mid dawlada china ka socda mise bayac mushtar caadi ah?
J: Horta sida aynu ognahay china waa dal isku wada xidhan dad iyo dawlad ba waftigana waxa u aha mid dawlada china ka socday waxa u u socdayna waa inaga kor ku soo xusnay.
Somalilandinfo.com
La soco Dhacdooyinka ka socda Somaliland...
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment