"Raga qaylinaya Faarax Macalin 10 Arday ayuu waxbarasho jaamacadeed u fidiyay idinkuna Hub baad Ubadkiinii siiseen" Xaabsade
Hargeysa, (sli)- Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo horena u soo qabtay jagada guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka sanqadhiyay damaciisa mustaqbalka jagada Madaxweynaha isagoo si kululna uga jawaabay eedihii dhowaan Wasiirka arrimaha dibada Kenya, uga soo jeediyay socdaalkii guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalkaasi, Faarax Macalin, uu ku yimid Somaliland oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo walaalnimo isagoo intaa ku daray in wasiirkaasi uu dambiile yahay, Faarax Macalina uu ka mudan yahay ummada reer Somaliland qadarin iyo ixtiraam.
Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu eedo kulul u jeediyay ashkhaasta Somaliland diidka ah ee ka soo jeeda gobolka Sool oo uu ku tilmaamay in da’yarta iyo bulshada deegaankaasi ay ku ajburayaan in colaado sokeeye ay ku talaabsadaan isagoo dhinaca kalena u soo jeediyay hogaamiyayaasha saddexda xisbi ee u taagan tartanka doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland inay si nabadgelyo ah oo aan cudur ku jirin ay bulshada taageeradooda ku kala kasbadaan.
Mr Xaabsade oo wargeyska Haatuf xalay wareysi khaas ah aanu kula yeelanay magaalada Hargeysa isagoo dhowaan ka soo laabtay safar uu muddo laba bilood ah ugu maqnaa magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sidoo kale rajo weyn ka muujiyay geedi socodka baadhista qaraxyadii dhowaan ka dhacay deegaankaasi oo uu tilmaamay in raadkoodii si wanaagsan loo helay.
Wareysigaas oo dhinacyo badan taabanaya ugu horeynse isagoo Xaabsade ka hadlaya socdaalkii Faarax Macalin ee Somaliland iyo magaalada Laascaanood waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “waxan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa socdaalkii uu guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Kiiniya, Faarax Macalin, uu ku yimid Somaliland iyo kii uu kusoo maray magaalada Laascaanood, waa siyaasi weyn oo wax ku ool u ah dalalka mandaqada Geeska Afrika oo dhan hadaladii raqiiska ahaa ee laga sheegay socdaalkiisana waxanu u aragnaa mid gef ah cida tidhi muxuu u tagay iyo muxuu u daneeyay Somaliland waxanu leenahay waa cid aan waaqaca ka turjumeyn waxanuse leenahay Faarax Macalin, waanu kaaga mahad naqaynaa socdaalkaagaasi iyo wixii aad umadda kala hadashay oo dhamantood ahaa wax ku ool, cid kaa hor istaagi karta dalkan haba yaraatee ma jirto”.
S : waxa la sheegay in socdaalkiisaa Somaliland gaar ahaan kii Laascaanood, eedaha badankoodu ay ka dhasheen oo la sheegay in ashkhaas ka soo jeeda gobolka Sool ay dabada ka wadaan, arrimahaas sidee baad u aragtaa?
J : ninkii wax kale ku sheegaya socdaalkiisaa Faarax Macalin, ee dadka reer Somaliland kala gurayaa isagay u taalaa, raga dibada ka qaylinaya waxan leeyahay, haddaad umaddiina wax dan ah u haysaan, Faarax Macalin, toban arday ayuu waxbarasho deeq jaamacadeed ah u soo fidiyay, idinkuna hub baad ubadkiinii yar yaraa u soo iibinaysaan ood leedihiin ku dagaalama oo ehelkiinii ku laaya, socdaalkiisaasina waxa uu ahaa mid walaalnimo oo uu ugu yimid dad ay wada dhasheen oo ay ehel ahaayeen, wixii talo ah ee uu u hayayna way ka qaateen, waxanse leeyahay nimankaa dibada ka qaylinaya ee dalalka shisheeyaha wareegaya, kaalaya dalkiina, hadaydaan imanayn oo aad ka baqanaysaana halkiinaa laaji ku ahaada.
S : wasiirka arrimaha dibada Kenya dacwadii uu Faarax Macalin uga gudbiyay Guddida Arrimaha Dibada Baarlamaanka Kenya waxa uu ku sheegay in socdaalkii Laascaanood uu ku tagay uu isku dhac colaado ah kaga dhex abuuray Somaliland iyo Puntland, taas darteedna uu soo jeediyay in dembi ay ahayd oo baadhis lagu sameeyo, arrinkaas siddeed u aragtaa?
J : waxanu leenahay Faarax Macalin, qaranka Somaliland oo dhan ayuu socdaal ku yimid, gobolada dalka oo dhana wuu soo wada maray, Kenya iyo Somaliland-na waa dalal daris ah, ma Laascaanood baa dembi noqotay ayuu ka dhigayaa, miyaanay Somaliland hore u imanin guddi hoosaadyo ka socda Baarlamanka dalka Kenya oo aanay wufuud ka socota Baarlamanka Somalialnd aanay socdaalo ku tagin dalkaasi, hadduu ka dhigayo dembi, dhul Somali ku dhaqan tahay ayuu booqdayna, Kenya waxa ku nool Somali oo dhan oo weliba xilal ka haya, Faarax Macalina dembi ma laha, waxase dembiile ah, Wasiirka arrimaha dibada Kenya ee socdaalka taariikhiga ah ee Faarax Macalin wax aan gayin ku sheegay, Laascaanood-na Somaliland bay ka mid tahay, kana mid ahaan doontaa weligeed oo xuduud taariikhi ah ayaa jirta, bulshada ku dhaqan Sool iyo Somaliland inteeda kalena waa dad walaalo ah oo is dhalay oo xidid iyo xigaalba wada ah.
S : safarkii aad Laascaanood ugu maqnayd muddadii qaraxyada argigixiso ka dhaceen baadhitaankoodii halkuu marayaa?
J : dilal baa ka dhacay deegaankaasi oo umaddii Somaliland ayaa shaki lagu kala dhex riday oo ciidamadii iyo shacbigii ayaa lagu kala shaki galiyay oo arrintiiba waxa laga dhigay reer hebel baa ka dambeeyay iyo reer hebel baa ka dambeeyay, umadii markii ay kalsoonidii ka luntayna qof kastaa isagoo yaaban ayuu meel istaagay, kuwii qaraxyadaa sameeyayana borobagaadooyin lagu shaki galinayo ciidamada iyo shacabka wada dhashay ayay ku soo dhex tuureen, hase yeeshee qaraxyadaasi laynkoodii baanu helay waanan ku daba jiraa waxna waanu ka qabanaynaa, waananu soo xaadhaynaa, Insha Allaahu wax dambe oo ka dhacayaa jiri mayso, shacabkii iyo ciidamadiina meel bay u wada jeedaan oo waxay ka wada baraarugeen halkii nabadgelyo daradaasi ka socotay iyo ciddii waday.
S : Madaxweynaha, Daahir Riyaale Kaahin, waxay hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridku kugu xantaan inaad si weyn saaxiib u tihiin inkastoo aanad si rasmi ah ugu biirin UDUB oo aad tahay siyaasi madax banaan, arimahaa maxaad ka leedahay?
J : Madaxweynaha saaxiib baan la ahay laakiin wax kale oo intaa dheeri ma jiraan aniguna umadoo dhan baan la saaxiib ahay oo Faysal Cali Waraabe, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo saaxiib baan la ahay oo waa rag aanu in badan soo wada halganay weeyi la imana odhan karo maxaad hebel ula saaxiibtay waxanse leeyahay, waxa qaran ku tis qaadaa oo umadi ay ku horumartaa waa is afgarad, doorashadana ciddii Ilaahay qoray ayaa ku soo bixi doonta, waxaan laguu qorina heli maysid oo waa calaf, waxanse leeyahay, waar nimanyohow dadka yaan lagu abuurin colaado iyo xumaan, tartan baa la galayaa, si nabadgelyo ah umadda kaga shaqeysta.
S : adigu ilaa hadda saddexda xisbi qaran UDUB, KULMIYE iyo UCID, maxaa kaa hor taagan in aad imd uun ku biirto, maadaama ay doorasho inagu soo fool leedahay?
J : anigu ilaa hadda xisbi kama tirsani oo waan madax banaanahay balse wakhtiga ay haboonaato goorteeda iyo goobteeda ayaan xisbi ka mid noqon doonaa.
S : adiga jagada madaxweynaha Somaliland inaad mustaqbalka isku sharaxdo ina wax damac ahi makaaga jiraan?
J : anigu Madaxweyne inaan isku sharaxo oo aan u tartamo igama xidhna dabcan waanay igu jirtaa horena way iigu jirtay waanay iigu jiri doontaa inaan isu taago haddii Alle yidhahdo tartanka madaxweynaha, Insha Allah waxanan qabaa in haddii Alle aan ku guuleysan doono tartanka doorashada.
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment