Dacwada Cali Samatar waa mid Diciif ka dhigaysa Xasuusta Tariikhdii Xasuuqii Somaliland Saleebaan Maxamuud Dhiidhi

Text Size

Waxa bar yahan danbe ama mudo dheer socotay maxakamad iyo dacwad ku socota gacan ku dhiigle cali samatar hadaba yada oo wadanka uu ka dhacay afo colaadeed oo la xuso hadana waxa somaliland oo la soo labatay xoriyadeedii luntay 1960 damaadkii dhib aad ubadana loo soo maray

hadaba waxaas oo dhan waxan uga socdaa aniga iyo dadka fakarkan ila qaba in qaabka ama hanan ka loo marayo dacwada cali samatar ay tahay mid qaab qaldan racaysa waa waa jib in maxa kamad dil ah la soo taago wax kasta oo xasuuq gaystay

wakhtigii Rijmiigii ama dowladii malatariga ahayd ee siyaad barre dowladaas oo ahayd cadow somali baa ba shay dadka afsomaliga ku hadlana dhamaan manta halkaa ay tagan yihiin dhigatay waa dowladii siyad barre

hadaba raga daba socda ama ku daba jira cali samatar waxan kula talin lahaa in ay saxafada u sheegaan in daba galka iyo dacwadu anay sidaa ku hadhayn ee rag badan la daba socdo oo ilaa 400 boqol oo sarkaal gaadhaya xasuuqa in an lagu koobin magalada hargasa ee la xasuusnaadaa kii ka dhacay barbara 1988 iyo kii burco 1984

ragii madax da iyo ganacsatada ahaa ee indha deero iyo koofiyad dheere ka badbadeen, intii kale dhagta dhiiga

loo daray,iyo xasuuqii barbara ee dadka carabta laga soo masaafurshay ee yaga oo an war hayn la laayay,

iyo dadkii shacabka ahaa ee dagmada ceel afwayn dhagta dhiiga loo daray iyo xasuuqii malatariga siyad barre

ka gaysteen dagmada balidhiig 1983 ilaa wareerkii 1989 ee balidhiig waxii carariwayaba cidamadu toogteen

iyo ciidankii daganka gobalka oodwayne oo cagta marshay deeganka galbeedka burco oo an qof kii dhaqaqaba

u ab yeelijirin 1988 iyo dagmada durukhsi oo shacab kii daganaa si ula kaca u layn jireen cidankii siyad barre

Qalinkii: Saleebaan Mohamud DhiidhiQalinkii: Saleebaan Mohamud Dhiidhiwaxa kale oo yana an la ilaabi karin ciidankii marayay lamigaa dheer ee burco ilaa lascanood ee dadka xoola

la jooga ee shacabka ah gowracayay, maha in aduunkii waxaas oo dhan ka dheceen ee 400 oo danbii le

joogan in cabashada wadanka laga dhigo hargasa oo qudha waa wax tariikhda wax u dhimaya waa tarikhda

qaranka iyo umadan oo shaqsiyaad wax qoraa daah sarayaan maha waxa masuubo iyo xasuuq wadanka

ka dhacay in lagu sheego hargaysa oo kaliya waa godob tariikheed iyo wadanka oo milgihiisa xasuuseed

la kala dhantaalayo, waxan odhan lahaa qolyaa wax qora ama tariikhda cusub qoraya hadii aad masaxdaan

tariikhda qaar ama xasuuqa qaar waxa qarsoomaysa tariikhdiina oo lama reebo tariikha hadii aad qora tahay

ama saxafi markaa qoladaa daba socota danbiila cali samatar waxan leeyahay ha kala dhantaalina tariikhda

iyo xasuuqa wadanka kadhacay waliba hadii aad wax baadhaysaan waxa jira rag badan oo wax xasuuqay

hadana wadanka ku sugan takale dowladu waa ka gaabisay dabagalka madax dii dadka gumaaday

wakhtigii siyaad barre hadaba waxa an ku adkaysanayaa in la xuso tariikh badan oo wadanka kadhacday

qof kuna hadii anu xog badan hayn maha in uu is ku dayo in uu dhacdo wadan dhan tuurta u rito

wax ka qorkeeda wana hada sida ay sameeyaan rag badan oo wax qoraa ujeedada an u dan leeyahay

waa in an dhacdada xasuuqa la gu koobin hargaysa ee meelo badan xasuuq ka dhacay

tariikhda wadanka waxa dayacay sarakiisha SNM madaxda snm baa tacabka dadkii dhintay iyo kuwa noolba dayacday

wabilahi towfiiq

Saleebaan Maxamuud Dhiidhi
saleebaanmdhiidhi@hotmail.com

Posted In

Post new comment