Cashirkii Taxanaha ahaa: Shaydaanka - Qaybtii 37aad by Saeed Ibrahim Hussein

Text Size

Shaydaanka:Shaydaanku waa cadaw cad,oo Insaanku leeyahay,Alle ayaa inoo sheegay, oo inooga digey, waana in mar walba, la iska naaro, oo Alle laga magan galo:.

أعود
بالله من الشيطان الرّجيم

Alle ayaan ka magan galay Shaydaanka,la arjimay, ee la dheereeyey.

Qofka muslinka ahi,waa in uu ku jiro,feejignaan iyo
digtoonaan,oo aanu u ogolaan,in Shaydaanku helo,fursad uu ku soo galo
arrimihiisa,oo ku rido khalkhal,iyo in uu u qurxiyo waxa diintu ka reebtay,oo u
sakhiro,markaa waa in mar kasta la iska naaro:

فإذا
قرأت القرءان فاستعد بالله من الشيطان الرّجيم إنّه ليس له سلطان على الّذين ءامنوا
وعلى ربّهم يتوكلون إنّما سلطانه على الّذين يتولّونه والّذين هم به مشركون (النحل)


Aayadda:
haddii aad akhrido
Quraanka,Alle ka magan gal Shaydaanka,oo cawdu billayso,isagu wax xujo ah,uma
helayo kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee Rabbigood talasaartay,waxa uu xujo,u
helayaa kuwo la jira,ee isaga la shariig yeelaya.

Mar kasta waa,in qofka muslinka ahi,Shaydaanka iska naaro,oo wax
kasta,oo uu qabanayo,Alle ka magan galo,in uu Shaydaanka ka dheereeyo.

وقل ربّ
أعوذ بك من همزات الشّيطان وأعوذ بك أن يحضرون(المؤمنون)


Aayadda:
dheh(Nebi Allow)Rabbiyow
waxan kaa magan galay,Shaydaanka waswaaskiisa,iyo dareengelintiisa,iyo in uu igu
soo xaadiro,oo ii yimaaddo.

Shaydaanku waxa uu ka mid yahay,makhluuqaadka Alle abuurtay,ee
Alle caasiday,ee amarkiisa ka hortimi,Shaydaanka waxa Alle ka abuuray naar,halka
Insaanka laga abuuray dhoobo:

ولقد
خلقنا الإنسان من صلصال من حماء مسنون والجانّ خلقناه من نار السّموم(الحجر)


Aayadda:
xaqiiqa'e,waxannu Insaanka ka
abuurnay,dhoobo aannu qallajinnay,oo qaabaynay,Jinkana waxa aannu ka
abuurnay,naar huraysa.

Shaydaanku waxa,uu ka mid yahay Jinka,oo markii Malaa'igta,uu
Alle amray,in ay u sujuudaan Aadan,way wada sujuudeen Malaa'igtu,Ibliiska oo
Jinka ka mid ahaa,isagu wuu diiday in uu sujuudo:


وَإِذْ قُلْنَا
لِلْمَلَائِكَةِ
اسْجُدُوا لِآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ

مِنَ الْجِنِّ
فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ أَفَتَتَّخِذُونَهُ

وَذُرِّيَّتَهُ
أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ

لِلظَّالِمِينَ
بَدَلًا(الكهف)


Aayadda:
waqti xus(Nebi Allow)aannu ku
nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam,oo ay u sujuudeen,Ibliis ma ahaane,waxa uu ka
mid ahaa Jinka,oo wuxu fasakhay,oo buriyey amarkii Rabbigiis,waar ma waxad ka
yeelanaysaan,isaga iyo durriyadiisa kuwo jaal ah,oo aad la jirtaan,iyagoo idiin
ah cadow,waxa xumaaday daallimiintu,waxa ay bedel ka yeesheen.

Shaydaanka innagu ma arki karno,halka isagu ina arki karo,oo waa
amar Eebbe,iyo xikmadda Eebbe,in ay sidaas ahaato:

إنَّهُ
يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لاَ تَرَوْنَهُمْ إِنَّا

جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاء
لِلَّذِينَ لاَ يُؤْمِنُونَ
)


 الأعراف
)


Aayadda:
isaga iyo qabiilkiisu,way
idin arki karaan,idinkuse ma arki kartaan

Shaydaanku kibir,iyo isweyneyn darteed ayuu Aadan,ugu sujuudi
waayey,oo maadaama Alle ka abuuray naar,ayuu iska weyneyey basharka laga abuuray
dhoobada:

ولقد
خلقناكم ثمّ صورناكم ثمّ قلنا للملائكة اسجدوا لأدم فسجدوا إلا إبليس لم يكن من
السّاجدين قال ما منعك إذ أمرتك قال أنا خير منه خلقتني من نار وخلقته من طين
(ألأعراف)


Aayadda:
xaqiiqa'e waannu idin
abuurnay,dabadeed suuradda iyo qaabka ayaan idiin samaynay,oo ku nidhi
Malaa'igta u sujuuda Aadam,way sujuudeen Ibliis mooyee,oo kama mid ahayn inta
sujuuddey,waxa Alle ku yidhi;maxaa kaa manciyey,oo kuu diidey in aad u
sujuuddo,haddaan ku amray,wuxu Ibliis yidhi;anigaa ka khayr badan,oo waxa aad
iga abuurtay naar,isagana waxad ka abuurtay dhoobo.

Shaydaanku waxa uu ballan ku galay,in uu lumiyo,oo xumaha u
qurxiyo Insaanka,oo ka hor istaago,cibaadada Alle,waxana arrinkaa cadaawaddu
bilaabantay,markii uu diiday,in uu u sujuudo Aadan,ee la nacladay,oo la
dheereeyey,waxana uu Alle ka dalbaday,in uu siiyo cimri,oo aanu dilin,ilaa
Qiyaamaha,Allena wuxu u ogolaaday, in muddo ah oo Alle ogyahay:

قال ربّ
فأنظرني إلى يوم يبعثون قال إنّك من المنظرين ألى الوقت المعلوم(الحجر)


Aayadda:
(Shaydaanku)wuxu yidhi
Rabbiyow i eeg,oo i daa,ilaa iyo maalinta la isa soo saarayo(Qiyaamaha)waxa Alle
ku yidhi;waa lagu eegayaa,oo lagu daynayaa,ilaa waqti go'an.


قال أرءيتك هذا الّذي كرّمت عليّ لئن أخرتن إلى يوم القيامة لأحتنكنّ
ذرّيّته إلا قليلا  قال إذهب فمن تبعك منهم فإنّ جهنّم جزاءكم جزاءً موفورًا
واستفزز من استطعت منهم بصوتك وأجلب عليهم بخيلك ورجلك وشاركهم في الأموال والأولاد
وعدهم وما يعدهم الشيطان إلا غرورًا إنّ عبادي ليس لك عليهم سلطانٌ وكفى بربّك
وكيلا (ألإسراء)


Aayadda:
(Shaydaanku)wuxu yidhi eeg ka
aad iga fadishay,haddii aad i dib dhigto,ilaa iyo maalinta Qiyaame,waan
dhexgeli,oo duufsan durriyadiisa,in yar mooyee,waxa Alle yidhi;orod adiga,iyo
kii ku raaca,ee iyaga ka mid ahba,Jahanama ayaa,u ah jasaa,iyo abaal ku
habboon,codkaaga ugu dheeldheel ka aad karto,oo ku soo jiido fardahaaga,iyo
lugahaaga,oo la wadaag maalka,iyo ubadka,oo u qaad ballamaha, ma uu qaadayo
Shaydaanku ballan,aan ahayn mid dagis ah,Addoomadayda kuuguma sugnaanin wax xujo
ahi,kii raaca ee xadgudubsan mooyee,oo Jahannama ayaa u ballan ah dhamaantood.

Waxa Alle dejiyey Aadan,iyo Xaawo Jannada,oo geed keliya la
yidhi ha cunina:


وقلنا يآءدم اسكن انت وزوجك الجنة وكلا منها رغدا حيث شئتما ولا تقربا
هذه الشجرة فتكونا من الظالمين(البقرة)


Aayadda:
waxa aannu ku nidhi;Aadanow
adiga iyo Xaawo Jannada dega,oo cuna wax kastoo Jannada yaalla,bes ha u
dhowaannina,geedkaas oo qudha.

Waxana Illaahay uga digay oo digniin ka siiyey Shaydaanka oo
yidhi iska ilaaliya, cadaw buu idin yahaye,yuu jannada idinka saarin,oo
yaydinaan,deed dhibaato mudane

يا آدم
إن هذا عدو لك ولزوجك فلا يخرجنكما من الجنة فتشقى (طه)


Aayadda:
Aadanow kaasi(Shaydaanku)wuxu
adiga,iyo sawjadaada u yahay cadowe,yuu Jannada idinka saarin,dabadeed aydinaan
dhibaatoone.

Shaydaanku ballantiisii,waxa uu ku bilaabay,Aadan laftiisa,oo
iyadoo looga digay,in Shaydaanka ay iska ilaaliyaan,oo la yidhi,yaanu Jannada
idinka saarin,waa cadowe, ayuu haddana waswaasiyey,oo khalkhal ku riday,oo
geedkii la yidhi ha cunina,ku yidhi cuna,oo u been dhaartay:

فوسوس
إليه الشيطان قال يا آدم هل أدلك على شجرة الخلد وملك لا يبلى ، فأكلا منها فبدت
لهما سوءاتهما وطفقا يخصفان عليهما من ورق الجنة وعصى آدم ربه فغوى( طه
)


Aayadda:
waswaas,iyo khalkhal buu ku
abuuray,oo wuxu ku yidhi:ma idin tusaa geedka haddaad cuntaan,aad
waaraysaan,ooweligiin barwaaqo,iyo mulki aan dhamaad lahayn helaysaan!,markuu ku
qanciyey,oo waswaas ku ridey,markaas ayay dhadhamiyeen geedkii,markaas ayaa
cawrooyinkoodii isu muuqdeen,dabadeed si degdeg ah ayay caleemihii
Jannada,Cawrooyinkoodii ugu astureen,Aadan Rabbigiis wuu caasiyey,oo amarkii la
siiyey buu jebiyey,oo denbi galay.


Illaahay ayaa Aadan,iyo Xaawo weydiinaya,waxa ay amarkii u
jebiyeen:


وناداهما ربهما الم انهاكما عن تلكم الشجرة واقل لكما ان الشيطان لكما عدو مبين(
طه)


Aayadda:
waxa u
dhawaaqaya,Rabbigood;miyaanan idinka reebin geedkaa,oo idinku odhan,Shaydaanku
cadow cad ayuu idiin yahay.

قالا
ربنا ظلمنا انفسنا وان لم تغفر لنا وترحمنا لنكونن من الخاسرين( طه)


Aayadda:
Waxay
Aadan iyo Xaawo yidhaahdeen;Rabbiyow naftayada waannu dulminnay,haddii aanad noo
denbi dhaafin,khasaare ayaanu ku dhacaynaa,oo kuwo khasaaray baanu noqonaynaa.

Alle subxaana watacaalee,wuu u denbi dhaafay,waa naxariis
badane'e,kolkaas baa Aadan iyo Xaawo,Jannadii inta laga soo saaray,la dejiyey
Dhulka,

قال
اهبطوا بعضكم لبعض عدو ولكم في الارض مستقر ومتاع الي حين قال فيها تحيون وفيها
تموتون ومنها تخرجون(الاعراف)


Aayadda:
waxa
Alle ku yidhi;dega dhulka,waxa badhba badhka kale,u ahaan doonaa cadaw,oo waxad
ku sugnaan doontaan,muddo go'an,dhulkan waa laydinka abuuray waadna ku dhiman
doontaan,waana laydinka soo saari doonaa.

Shaydaanku,sidii uu ballanta ku qaaday,ee ku guulaystay,in uu
Aadan,iyo Xaawo Jannada,ka soo saaro,weli ballantiisii way socotaayoo,waa kii
Alle ka dalbaday,in la daayo ilaa Qiyaamaha,mar kasta wuxu dhufayska ugu jiraa
sidii uu u lumin lahaa Bini-aadamka,Illaahayna wuu inoo digay,oo in aanu ina
dagin,siduu Aabbayaasheen uga soo saaray Jannada,waa in qofku ogaado,in uu
leeyahay cadaw dhab ah,oo digtooni ku jiro mar kasta,oo Shaydaanka iska naaro,oo
Alle ka magan galo:

يا بني
ادم لا يفتننكم الشيطان كما اخرج ابويكم من الجنه

ينزع عنهما لباسهما ليريهما
سوءاتهما انه يراكم هو وقبيله من حيث لا

ترونهم انا جعلنا الشياطين اولياء
للذين لا يؤمنون
} (الاعراف)


Aayadda:
reer Bini-Aadamow yuu idiin
fidnayn Shaydaanku,sidii uu uga  saaray, Aabbayaashiin Jannada,ee ka siibay
dharkii,si uu cawrooyinkooda,u muujo,oo u tuso,isaga iyo qabiilkiisu,way idin
arki karaan,idinkuse ma arki kartaan,waxannu Shayaadiinta uga dhignay jaal,iyo
wehel,kuwa aan Alle rumayn.

Waxa qofka muslinka ah,laga raba taxadir,iyo feejignaan joogto
ah,oo in ay iska ilaaliyaan Shaydaanka,Islaamka iyo waxa uu dhigayona wada
qaataan,oo si dhamaystiran u fuliyaan,waajibaadka ay diinta Islaamku farayso:

ياأيها
الذين ءامنوا أدخلوا في السّلم كافة ولا تتّبعوا خطوات الشيطان إنّه لكم عدوٌّ
مبين(البقرة)


Aayadda:
kuwa Alle iyo Nebigiisa
rumeeyow,gala Islaamka si dhamaystiran u gala,oo ha raacina,tallaabooyinka
Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadow caddaan ahe.

Shaydaanku waxyaalaha,uu adeegsado,ee uu Insaanka ku
duufsado,waxa ka mid ah;in uu u qurxiyo waxyaalaha xunxun,oo ku dhiirriyo,ugana
dhigo wax fudud,oo aan dhibi ka imanayn,iyo in uu daba ka werwer,iyo cabsi faqri
geliyo,oo kala dagaallamo,in uu wax bixiyo,oo sadaqaysto,oo ku
yidhaahdo;xoolahaagu gabaabsi bay ku sii jiraane dhawro,oo kaydso:

الشيطان
يعدكم الفقر ويأمركم بالفحشاء والله يعدكم مغفرة منه وفضلا والله واسع عليم
(البقرة)


Aayadda:
shaydaanku wuxu idiin
yaboohayaa,oo idiinku yeedhayaa faqri,oo wuxu idin amrayaa faxshi iyo
xumo,Allena wuxu idiinku yeedhayaa,denbi dhaafkiisa iyo fadligiisa,Alle waa ka
cilmigiisu waasic yahay.

Shaydaanku sidoo kale,waxa uu qofka illowsiiyaa,qabashada iyo
samaynta khayrka,oo wuxu mar kasta isku deyaa,in uu la dagaallamo,in qofku ajar
kasbado:


استحوذ عليهم الشيطان فأنساهم ذكر الله أولئك حزب الشيطان ألا إنّ حزب
الشيطان هم الخاسرون(المجادلة)


Aayadda:
waxa hareereeyey
Shaydaanka,oo illowsiiyey,digrigii Alle,kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka,waar hooy
xisbiga Shaydaanku,waa kuwo khasaaray.

Waxa uu isku dayaa Shaydaanku,in uu dadka shaki iyo colaad ka
dhex abuuro,oo xanshaashaq,iyo isla faqid,iyo waxyaalo dareen keenaya,ayuu dadka
ku dhiirriyaa:


إنّما النّجوى من الشيطان ليحزن الّذين ءامنوا وليس بضّارهم شيئًا إلا
بإذن الله وعلى الله فليتوكل المؤمنون(المجادلة)


Aayadda:
faqa,iyo hadalka la
qarsadaa,Shaydaanka ayuu ka sugnaaday,si uu u murugo geliyo,kuwa Alle iyo
Nebigiisa rumeeyey,mana aha,kuwo wax dhibaato ah,la iman kara,wax Alle idmo
mooyee,ee ha tala saarteen muuminiintu Allohood.

Waxa diinteenna xaniifka ahi,ina faraysaa,in aynaan samayn kala
fiqid,oo dadka dareen gelin,oo ka shakisiin,waa akhlaaqda diinteennu,ina
barayso:

قال رسول
الله صلى الله عليه وسلّم"إذا كنتم ثلاثة فلا يتناجى اثنان دون دون الثالث"


Xadiiska:
Rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi;haddii aad saddex tihiin,yaanay laba
isla fiqin,(kii saddexaad wuu dhibsanayaaye).

Shaydaanku wuxu adeegsadaa,in uu cabsi geliyo dadka,oo
gaadhsiiyo,heer ay isaga ka baqaan,laakiin ma sixi karo,oo dariiq uma helo,qofka
qabsada xadhiga Eebbe:

إنّما
ذالكم الشيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران).


Aayadda:
kaasi waa shaydaan bajinaya
kuwa raaca,ee weheshada,ha ka biqina,oo aniga iga baqa,haddaad tihiin kuwo
muuminiin ah.

Shaydaanku waxa uu caddaystay colaadda,iyo cadowtinimada uu
Insaanka u qabo:

لعنه
الله وقال لأتّخذنّ من عبادك نصيبًا مفروضًا ولأضلّنّهم ولأمنّينّهم ولأمرنّهم
فليبتكنّ ءاذان الأنعام ولأمرنّهم فليغيرنّ خلق الله ومن يتّحذ الشّيطان وليًّا من
دون الله فقد خسر خسرانًا مبينًا(النسّاء)


Aayadda:
Alla ha
nacladee(shaydaanku)wuxu yidhi waxan ku yeelanayaa nasiib weyn,oo waan lumin
doonaa,oo niyadda u dhisi doonaa,oo amri doonaa in ay xoolaha dhegaha qaybo ka
jarjaraan,oo waxan amrayaa,inay beddelaan abuurta Eebbe,qofkii ka samaysta wehel
shaydaanka,Alle sokadiis wuxu xaqiiqadii ku sugan yahay baadi cad.

Waxa in badan Alle,inoo sheegay,in Shaydaanku inoo yahay
cadow,oo uu doonayo,in aynu naarta la gallo,oo aanu keligii gelin,markaa Alle
wuxu inoo sheegayaa,in aynu iska ilaalino,oo ka taxadirno,oo aynaan fursad qudha
siin,cadowna ka dhiganno:

إن
الشيطان عدو لكم فأتخذوه عدوا إنما يدعوا حزبه ليكونوا من أصحاب السعير( فاطر)


Aayadda:
Shaydaanku waa cadawgiinna,ee
ka yeesha oo ka dhigta cadaw,wuxu idiinku yeedhayaa xisbigiisa si aad Asxaabta
Saciira(cadaabta) gelaya uga mid noqotaan.

Shaydaanku dadka uu duufsado,hadhow wuu kaga baxaa,intuu marka
hore u ballan qaado,ayuu markuu dabinka ku rido yidhaahdaa,anigu kuma jiro,ee
adigaa doontay.

Marka ay timaaddo runtu ee qiyaamuhu dhaco,ayaa shaydaanku
dadkii uu ugu yeedhay,in ay raacaan,oo sameeyaan wax khilaafsan,xaqa Alle ina
farayo,ayuu kaga baxayaa,oo odhanayaa anigu masuul idinkama ihi,khaladka
idiinkaa sameeyey:

وقال
الشيطان لمّا قضي الأمر إنّ الله وعدكم وعد الحقّ ووعدتّكم فاخلفتكم وما كان لى
عليكم من سلطان إلا أن دعوتكم فاستجبتم لي فلا تلوموني ولوموا أنفسكم وما أنا
بمصرخكم وما أنتم بمصرخي إنّي كفرت بما أشركتموني من قبل إنّ الظالمين لهم عذاب
أليم(إبراهيم)


Aayadda:
wuxu shaydaanku ku odhanayaa
dadkii raacay,marka saacaddu timaaddo;All ballan xaq ah ayuu idiin ballan
qaaday,anna waan idiin ballan qaaday,oo ballantaydii waan buriyey,wax xujo ahna
idiinma hayo,aan ahay in aan idiin yeedhay, oo aad aqbasheen yeedhmadaydii,ha i
canaananina,ee naftiinna  canaanta,anigu idiin gargaari maayo,idinkuna iima
gargaaraysaan,oo waan ka noqday waxad hore iigu  shariig yeesheen,daalimiintu
cadaab kulul ayay gelayaan.

كمثل
الشيطان إذ قال للإنسان اكفر فلمّا كفر قال إنّي بريءمنك إنّي أخاف الله ربّ
العالمين(الحشر)


Aayadda:
waa sida Shaydaanka,marka uu
ku yidhaahdo Insaanka kufri,oo gaalow,haddana yidhaahda,anigu kuma jiro,oo
arrinka kulama qabo,anigu waxa aan ka baqayaa,Rabbiga caalamiinta.

وإذ
زيّن لهم الشّيطان أعمالهم وقال لا غالب لكم اليوم من النّاس وإنّي جارٌ لكم فلمّا
ترآءت الفئتان نكص على عقبيه وقال إنّي بريءٌ منكم إنّي أرى ما لا ترون إنّي أخاف
الله والله شديد العقاب(الأنفال)


Aayadda:
waqti xus(Nebi Allow)uu u
qurxiyey Shaydaan camalladoodii,oo ku yidhi,cidi idinkama xoog weyna,oo idinkama
adka maanta,oo anaga ayaa idinla jira,oo jaar idiin ah,markay isu
muuqdeen,labadii kooxood,ayuu dib uga baxay.

Qofku waa in uu midigta,adeegsadaa haddaanu gurranayn,si aanu
ula wadaagin:

عن ابن
عمر أن النبي



محمد

صلى الله عليه وسلم قال: (إذا أكل
أحدكم فليأكل بيمينه، وإذا شرب فليشرب بيمينه، فإن



الشيطان

يأكل بشماله ويشرب بشماله)، وفي مسند
الإمام أحمد عن النبي



محمد

قال: (من أكل بشماله أكل معه


الشيطان
،
ومن شرب بشماله شرب معه



الشيطان
)
روي في



صحيح مسلم


Xadiiska:
waxa Ibnu Cumar laga weriyey, in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam,yidhi;haddii midkiin wax cuno,ha
ku cuno midigtiisa,oo hadduu wax cabbo,ha ku cabbo midigtiisa,Shaydaanka ayaa
bidixda waxna ku cuna,waxna ku cabba'e.waxa kale oo Iimaam Axmed Musnadkiisa ku
sheegay,in Rasuulka Alle nabadgelyo,iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee yidhi;kii
wax ku cuna bidixdiisa, Shaydaanka ayaa la cuna,oo kii ku cabba
bidixdiisa,Shaydaanka ayaa la cabba.

Alle subxaana watacalaa,isagoo la hadlaya,kuwii uu
duufsaday,Shaydaankii looga digay,ayuu odhanayaa miyaanan idiinka digin,oo idiin
sheegin:

ألم أعهد
إليكم يا بني ءادم أن لا تعبد الشيطان إنّه لكم عدوٌّ مّبينٌ وأن اعبدوني هذا صراطٌ
مستقيمٌ ولقد أضلّ منكم جبلا كثيرًا أفلم تكونوا تعقلون(يس)

Aayadda:miyaan la idinkula ballamin,Bini-aadamkow,in aydinaan
caabudin Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadaw dhab ahe,oo aad Aniga i
caabuddaan,kaas ayaa ah,dariiqa toosan,ee mustaqiimka ahe,xaqiiqa'e waxa uu
lumiyey,dad fara badan,waar miyaydaan caqlisanayn,oo caqli qaadanayn.

Shaydaanka dhagartiisa,iyo dagistiisu waa daciif,oo qofka Alle
talosaarta,ee mar kasta Alle ka magan gala,ee iska naara,waxba kama qaadi
karo,oo uma soo dhowaado:

إنّ كيد
الشيطان كان ضعيفاً (النسّاء)


Aayadda:
Shaydaanka dhagartiisu,waa
mid daciif ah.

Waxa looga baahan yahay,qofka muslinka ah,in uu Islaamka si dhab
ah,oo dhamays ah,ugu dhaqmo,oo noloshiisa ka dhigo mid ka shiidaal qaadata
amarrada Eebbe:

ياأيها
الذين ءامنوا أدخلوا في السّلم كافة ولا تتّبعوا خطوات الشيطان إنّه لكم عدوٌّ
مبين(البقرة)


Aayadda:
kuwa Alle iyo Nebigiisa
rumeeyow,gala Islaamka si dhamaystiran u gala,oo ha raacina,tallaabooyinka
Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadow caddaan ahe.


 


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Shaqadiisu shirqool iyo xumaan


Shar inuu ku bado oo


Shiddo kugu riduu


Sharad adag u galay


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Shebekadduu xidhuu


Shillal kaaga dhigi


Oo kugu shidhayn


Haddaanad ka shawrino


Sheeddaa ka garanoo


Shuushkiisa tirin


Ku shaashee ninkuye


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Shax buu kuu degaa


Xumuhuu shakaal


Shaadh u soo geshaa


Qurux kuu sharxaa


Shabaabkuu hodaa


Shaanshaan ka tuuraa


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Sheeko beena buu


Shaal kuu huwinoo


Shaxshax kaaga dhigi


Markaad shaaxiddona


Shanta hayla soo gelin


Ha i sheegan anigiyo


Shidduu kugu abuuraa


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Shalow iyo iliiluu


Kugu shalwinayaa oo


Shiilcaska iyo dhadhaabbuu


Shafka kuugu beegaa


Hadhow baad shanlaysaa


Shaydaanka garataa


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Sharaftaadu waxay tahay


Sharciga Eebbe dhigay iyo


Shareecadiisa ku hanuun


Cilmigana shubaal bixi


Shey yaanu kaa lumin


Shucuurtiyo dareenkuna


Meel shishe ha yaalliin


Allaa shaafi kuu noqon


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Shakhsigii uu duufsado


Intu shiiqiyaa buu


Hilibkiisa shiilaa


Shuftiraa aqoontiyo


Sharaftiyo xishoodkoo


Shaanbad kugu sameeyaa


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Wuxu kuu shareeraa


Shaal kuu huwinayaa


Shiddadiyo dhibaatada


Shareecadu ay reebtoo


Shacni iyo dhalaaliyo


Sheeko kaaga allifaa


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Shahaadada ninkii qiray


Sharcigana ilaashaday


Ee shuushow baxeey yidhi


Shaydaan ma taabtee


Ninka shaadali u shuba


Shaqa gelin ku sooree


Shiishkiisa la hubsado


Shaki buu ku noolyoo


Shaabuugyo naaruu


Shafka u dhiganaayaa


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar


Sharaf Allaa lahaadoo


Shakhsi lama wadaagee


Shahaadada ninkii qira


Shacni wacan haleelyoo


Shaahid taa Allaa ka ah


Shaydaanka iga naar


Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar


Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar

Waxa aynu Allaha awoodda leh,ka baryaynaa,in uu inagu toosiya waddada
toosan,oo inaga badbaadiyo dhagarta,iyo dagista Shaydaanka,Aamiin,Aamiin.

 

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

 

Posted In

Post new comment