Gufaaco waa Gabay ka waramaya Asxaabta Siyaasada ee is wada haysta iskuna haysta kursiga & dastuurkii oo dabool la saaray

Text Size

Marka Hore Waxaan idiin so Dirayaa Salaan Qaali Ah Bahda Shabakaadda Casriga Ee Somalilandinfo Thank you More & Akhyaarta Sharafta Badan ee Somaliland Gabaygan Waxaa Layidhaahda Gufaaco waxaan ka bixinaya sharaxaad Ama Tusaale Gabaygan Gufaaco, waxaan dareemay Asxaabtii Siyaasadda oo is wada haysta iskuna haysta kursiga & dastuurkii oo dabool la saaray, Dalka waxaa iska leh shacabka somaliland waxaay raban nabad inu ahaado dalku balse musuuliyiintuna ma sheegan karan dalka.

waxaa loo soo maray xorriyadda Somaliland dhib weyn dad & adduunyaba waa lagu waayey Somaliland ma galikarto gorgortan siyaasadded haddaan ahay Guddoomiyaha uruurka s.y.n-Eu marnaba raali kama ahi inaay ka dhacdo dhibato & musuqmaasuq dalkaayga hooyo Ee Somaliland waxaan ku billaabay gabaygii gufaaco sidatan:

Gardarrada raggii dhigay

ayaan cidiiba gaadhaayne

Gole baarlamankii

hadduu guurti wadi waayey

Gabigood dadweynaha

hadduu kala gorfaynwayay

Doorashadii la gadhana

hadduu gesta uga qaado

Gulufkiyo colaadduna,

hadduu gabiga uu jiidho

Gayaankiyo barbaartay

dhibtuba garabka goysaay

Gibigeed somaliland

gaadhka ka ilaasha,

Abwaan mudiir shevodinio mohammed ahmedAbwaan mudiir shevodinio mohammed ahmed

Gafka laysku gaystay

waa midaan cidi garsiinay

Go,aankii inooyiil

haddii geesta laga dhaafay

Garashadii la dhowro,

dastuur qodobka gaynaya

Garaad xumadu waa waxa

runtii loga gabsadaay,

Ninka sharciga geesmara

maxkamad gowhalagu siiyo,

Gufaacada mucaaradku wado

gadafka howshooda

Garaad xumada ina riyaale

uu wado golaha hostiisa

Gafka qaadan maayne

Bulshadu,

way is gilgilaaysa

Nabada iyo wanaanbay ku gamayan

Gibigeed somaliland

Waa birgaaydh adag,

waa bilaahi tawfiiq

By Abwaan mudiir shevodinio mohammed ahmed
Manager S.y.n-Somaliland Young National-Eu
E-mail shevodinio7707@hotmail.com

Posted In

Post new comment